Diinteedi loo dhigay, 6-04-2022
dawaqday soomaali oo,
Diintii ilaahey,
iyo Dariiqi rasuulkee,
Darajaat Janaat iyo,
Dahab lagu helaayey,

markii ay iska diiddee,
dooratay Qabyaaliyo,
Haybsooca dulligaa,

buu Daa-imkeennii,
oo aanba dulmayn ee,
Dulligay shaqaysteen,
hooda yiri Dabkeedoo,

iska daba wareejoo,
yiri adun baa diidoo, --
Nimcadaydi daadshee,
warwareega dunidoo,
Qayrkiinna dawarsada,

Duurduura

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk