Dariftayda kii joogey, 2-08-2007
Maansadan Dariftayda kii joogey oo ahayd July 2007, waxay timid maalin aan Warshubo TM dushiis ka soo fuulaye markaan Buurta Doloq ku dhawnahay un baan arkay Beero 2da dhinac waddada ku safan oo bidixdu wada barwaaqo & Doog tahoo Digirta & Qaraha jiifa lala yaabo, midigtase abaar caddaatay ah, mid yaroo i ak fadhiyey baan ku iri beerahan cammirane doogga ah ee bidixda safan yaa leh? wuxuu yiri Saleebaan ayaa leh, kuwan abaartaahe midigna yaa leh, wuxuu yiri annagaa leh, markaa Saleebaan wuxuu u yaqaan Jufada la degtee ay is wada dhaleen ee Habarraawe, annagana wuxuu ula jeedaa Cayr balse waa jufada Xasanley ee ay habarraawaha is dhaleen.

waxaan iri maxaa kuwiinna abaarta ka dhigay? wuxu yiri Ayax baa naga laayey, oo muxuu iyaga uga layn waayey? wuxu yiri iyagu waa khaa'imiin, ayey khiyaaneen baan ku iri, wuxu yiri ayaxii bay khiyaameen oo Qiiq & Dab & balaayey ku shideen, markaa waxa la yaabka leh waa inuusan qabyaaladiistuhu doqonimadooda qiranin oo halku walaalihiis farsamada uga dayan lahaa buu iyagii caynayaa, waa tan maansadii:-

Safar aan Dumaaye u socdiyo, Jawle degelkeeda,
oon Warshubadi degaankeed ka tegey, TM dusha fuula,
Buurti Doloq mar aan daawan oo, cabi Dabaysheeda,
Beeraha Darfaha naga xigee, labada daamooda,
Haddaan bidixda daymooday waa, Doogga digirteenni,
iyo Qare dangiigoon siddeed, Dibile qaadaynin,

araggoo i doogsaday markaan, midigti daymooday,
Saxarihi galbeed & ka daran, waagi dabadheere,
Dariftayda kii joogey baan, doodo ku billaabay,
Daanta bidixda Dooggaas ku yaal, Midig maxaw diiday,
oo bidixda doogeeyey oo, midigta duufaanshey,
yaase leho docdaan raaxadaa, Eebbe ugu deeqay?

wuxuu yiri Saleebaan ayaa, Daanta bidixeed leh,
Docda midigna yaa leho Abaar, Diiran lagu reebay?
Annagaa leh daantaan ayuu, doode ku jawaabay,

anoo yaab i dilayaan haddana, Dammane weydiiyey,
Damanow waxaan iri maxaa, tiinna dabo gooyey?
Ayax baa annaga nala degoo, sidani noo diirtay, 
oo docdood maxaa Doog ka dhigay, belona daantiinna?

Doqonkii halkuu qiran lahaa, Caajis dalambaaba,
u dureeri caay daalimnimo, Diric saleebaanki,
oo ku dood iyagu khaa'imiin, Daalimina weeye,
waxan iri dirkey khaa'imeen, waa danniyo yaabe,
wuxuu yiri Ayaxii Dab iyo, Qiiq ku dalambaabshe,

Dhur darraade doqonkii waxaan, dooddi ugu gooyey,
Markuu cadawgi kaa daafacee, dhaafshey degelkiinni,
Halkaad inad ku dayatoo ahayd, ducona aad geyso,
Dembi inad u saartaa isagi, waa dabbaalnimo e,
Doqonimona kamay weyna &, Daalim taag darane,
Dulmilow inaad tahay qiroo, taasi dabadeedna,
Degdeg ugu hoyoo waxad dhehee, saamax dulumkaygi.
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk