cali Cumar Sebriye Cali miyaad garan? 04-05-2020
Cali Cumar Sebriye Cali, Caaqilkaas ma garanee?

Bahdiisiyo cashiiradu, waa Cidaha soomaal,
Carraduu ka sii yahay, Ciidda Aadan Yabaal &,
waa Ceelka Guullane,

Duqa caasha weynoo, Cunto uu liqaayiyo,
kursi doon ku caan baxay, lama rabo codkiisee,
wiilkan caarifaayaa, waa wiil caddaystoo,
caannimo dhammeeyoo, isagoo carruuroo,
Cimrigiisu shanya toban, dhimmanyahay cishriin beri,
buu Tii-Em carayiyo, Bii-Jii cirdayn jirey,

waa wiil caddaystoo, caannimo dhammeeyoo,
isagoo carruuraa, Shufeer aan ciyaarayn,
oo kuwa cirraystiyo, Cawaaleba bannaan dhigay,
lugu wada cizeeyoo, baabuuru cayraa,
kolku soo ciyaayee, Codka iyo reenkiyo,
Cawo dheelmadkiisii, sheellaruhu cadaadaa,
cagta uu la dhacayaa, cidihii sugaayeen,
cishriin mayl u soo jiray,
farxad iyo ciyaar iyo, sacab ugu caweeyeen,

Cod waxay yiraahdeen, gaarigaas ciyahayaa,
Cali Cumar ayaa wada, Cunto iyo dharkeenniyo, ---
caawimadi keenyaye, Ciidanki xamaalkiyo,
wiilashii cabboonaa, cashiiroy diyaariya!

muxuu ceelki xamar iyo, gubadley cadceeddoo, 
dhacaysoo caweeraa, maqrib soo carceersaday,
gaari caadda joogoo, xamuul lagu cabbeeyoo,
oday soo ciillaantiyo, barbaar heeso curinee,
oo cishqiga degaankiyo, dhararaaya caashaqa, la hagoogan
ama inan cuddoon iyo, aroos loo ciyaari uu,

dad cashiiradoodii, u xiisoo caweys iyo, ----
baloolley ciyaaraya, Batroonigii Colow iyo,
kirishoy caddaawoo, saan boor u ciidayn,
u caddaynin siigadu, cimaamado xijaabtoo,
madaxdaa ku caynsaday, cirifkaa kabbiinkiyo,
ku curjaysan dabadaa, oo cirkaa deyaayoo,
dabayl soo carfaysiyo, neecaw cajiib badan,
gebigood cabaayaan, muxuu Calina sheellare,
ku cadaadshay cagtoo, isagoo canaanaa,
ka carraabshay, goobtaa!, gubadley

wuxuu calan walleeyoo, isteeriga caweerka leh,
marba daan u ciirshaba, matoorkoo cabaadoo,
kulayl la cataabaya, muxuu xeebti Cadaliyo,
Ceeldheer habeennimo, bus iyo ciiro ku dhex maray,
oo ilaa Camaariyo, ka casheeyey ceekhuur, Gaalkacyo,

Cisho noqoshadiisii, goortuu casheeyee,
caasha gaarigiisii, xamar cadde u jeediyey,
Cishaduu noqaayee, u jihaystey Xamar Cadde, ---
muxuu coofki Hawdley, Cusbo iyo dadweyniyo,
Ari lagu cufeeyuu, lala geeyey caadkaas,
muxuu cagta u saaroo, sheellare canaantoo,
ka cabaadshey laylkii,

ogow waa carruuroo, cimrigiisu shanya toban,
dhimmanyahay cishriin beri, ee Cawiyo ayaan iyo,
duco lagu cidaadee, cagta loogu sii xiruu,
la carraabayee garo,

qabaliyo cammoolaan, carrabkiyo dareenkiyo,
calooshiisa weli gelin, oo colaad qabiil oo,
cashiiradiyo ehelkiyo, dadki kala cirdaysoo, 
ay is wada cunaayaan, cidu ay u geli karin,
cidda kale xadkeedaa, buu Caliye ma ogtahay,
buu xudduudi celin oo, cirifkaa dambeetiyo,
calooshooda tegi jirey,


*******
Cirifkaa dambeetiyo, Ceeldheer xaggiisii,

cawo & ayaan, caqliga, caku, CAABUQ, cagFudayd, caddaHoror, caashaq, cimriDherer cibaadiyo caafimaad,
cagaar, cosob, cabbanaan,ciirid, la cuskado, midab wada cillaan, cadceed, dhar cashmiira, cashcash, caal weyne, carro hodon, calya buur dheer, cokan, cimillada, camal, caleen, casuus, cartamayso, tinya cirib, shimbiro ciyaa, heeso curin, curis, hal cabbaara, calan wallayn, caanodiid, ka caagay, cadrad, goob ciyaareed, carraabbeen, calaf waa halkiisee, caways, calmaday, carshigaa, biyo wada cab, cadaabayn, caroonayn, caleemo saar, kuma canaanteen, cadaadley, casuumaday, ciil qab, cammuud, carro, ciid, cayn kasta, calool xun, calallo, ciqaab, caku aniga, soo celiyey, cadar & qabow baan arkiyo, coof, cagaag, ceerigaabo,cadale, ceeldheer, cusbaley, cimrigeyba maan arag, cawdaan ku jiifey, caawa kama toosin, waagu ku caddaaday, calaacal & canaan, ceeb, caay, calamada leh waad la cajabaysaane, cawo dhalad, cayshka, curashadiisii, cimriyey, cunto, carrab, carab, cayil, caalyo, cabbir, ciyaar, caajis, caalwaaye, cadceed, cillow, casar, ciirciirka socodka, caga ka daal, arag carceersi, caad, dhego cafuufmay, maqal culays, cirrada, carshiga, caadil, ciyoon, carraabo, carrowshaaye, camal suubban, caabbudaad, cirfiid, cararo. ciidan, ciirsado, cabasho, caammo, culummo, cullumodiin, casar weerar, caado, caasimad, cirif, ceel, caga juglayn, cayda, caalam, cidiba, cirib, cashiira, callimin, ciyaal, cid, carrada, codkayga, ceshadaan, carin, canaan, cargaagtan, canlabeeb, labo codlayn, ceeb, curaddadoodii, ciidan, ciidda, cirrooliyo carruur, colaad, cadaawaha, cudud tusnaa maaha, cammirraa, cilmiga, camal fal, ciqaab, caga dhigtaa maaha?

caynad gooniyahe, cood, camar, reer cumar caglaawe, caaq, calfaday, caalsaarro, cindallaahi cidlaa, celceliseen, ciduu tagaga, cadaab lama gelshow, caawa, caataa, ciiq, ciridda, catataw, 


Cabdalla xuseen cabdi xuseen 27
---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk