C/Qani Codlibaaxle - 06-05-2020
waa maanso gaabanoo degdega oo soo baxday maanta 06-05-2020 oo uu allaha u naxariistee adeerkay C/Qani Jaamac Axmad, oo dadka qaarkiis u yaqaan Cabdimadoobe, balse uu isna allaha u naxariistee Awowgey Sh. Aadan axmad uu ciddii naynaastaas ugu yeerta aad ugu caroon jirey, ayuu Adeer C/Qani allaha u naxriistee maanta ku geeriyooday magalaada Muqdisho, waana tan:

Cisho Maajo lixdi ay tahoo, labo Cishriin raacdo,
Sanad uu karonu-hu cakiray, Caalamki asiibay,
oo Cudud kuwii sheegtay &, Cayshki nololeedka,
ee Caasha wada taagayee, Eebbe caasinayey,
uu cagahaw joojoo ku yiri, gala Cariishkiinna,
Casharna uu u dhigay oo Cabsida, kala cashcaasheenna,

Sanadkaa Carrifan oon ilmiyo, Canug illoobaynin,
wuxu Malaggu cayrteeyo oo, Deriska ciilaaba,
oo dhul kale calaamaysto oo, Cido agoonteeyo,
oo Cariish halkaanuu galiyo, Cooshad maqalnaaba,
oo Cagaha wareejoo dhan kale, Cirifka saaraaba, 
Haddaan nahay Cashiirada bahdii, reer Qundhaco Caalin,
Karoonu-hu namuu ciilin &, Caabuqii yimide,
Cazraa'iilki Caadiga ayaa, soo carceersadaye,
Cudurradi Ciddu u dhiman jirtuu, soo cawaansadaye,
oo si gaara noo soo calmaday, Cuurka noo galaye,

Damalkii Ciddeennuu markaan, Coofka soo dhigaye,
oo Carruurti Awow Jaamac buu, Caawa weeraraye,
Cod libaaxle waa kaa la tegey, Gugaca caynkiiye,
Caziiz Eebbe Raxmadaadi sii, soo carraabidaye,

Haatanuu cirraystiyo markuu, Caano nuugahayey,
Cishaduu sugaayaa u timid, Caalim ku ahaaye, 
Caqli-gaab midkii aan ahayn, Caaq la soofinayo,
ruux Caruusa oo Cuud leh iyo, Cayr surguxa taagan,
waa Col ay sugaayeen dhammaan, Caabbiyaa jirine,
C/Qani adeerkey allow, Cafi dunuubtiisi,

Codkiisii libaaxiyo ahaa, Gugaca caynkiisa,
aduu Caawa marti kuula yahay, Caadilkiisa ahe,
Ciiddaad ka beertuu allow, Caawa soo galaye,
Caziiz Eebbe raxmadaadi sii, caanka ku ahaatay,  ---



Reer Qundhaco Qoys Caan ahoo, waa Cajaa'iba e,
oo Ciidda Soomaaliyeed, laga cizeeyaaye,
horey buu Cashiiradi u dilay, Malaggan caankaaye,
Saddex Hooyo Caashaqa rugtood, Calanka loo saaray,
Labo Faadumoon caarifiyo, Xaawo Cabdi Daa'ud,
Cabdulfataaxi Curadkiisi iyo, Cumarki dheereeyey, ---
Cabdulmajiid madluum Cadaw heliyo, Curad yarowgiisi,

wuxuu Malak Cirrooliyo Dhallaan, Ciiska geliyaaba,
Muddo wuxu innaga caago oo, Cago wareejaaba,
Cirifkiyo Caleemaha wuxuu, Cawaba laandayro,
Miig & siduu yahay Cirjiir, Shimbirki Coomaadi,
waa kaa Cagaha soo dhigtoo, Caasha keensadaye,

Caliimkooda kase-kow Allihi, Caalamkan abuuray 
jirdahay cuskanayeen wakaa, Cayn dhan goosadaye, ---
Cod libaaxle waa kaa la tegey, Casarka maantaane,
C/Qani adeerkey allow, cafi dunuubtiisi,
naxariisahaagii Caziiz, Caawa ka waraabi,

Ceelalyadi hortiis tegi jirtuu, sii cid raadsadaye,
Cid dhan buu hormoodkood ahaa, loo cimaamadaye,
Cashiiradu ka baxay oo xubbiga, kula cawaynaayey, --
oo talada cubtankiyo carkaa, laga cawaansaayey,
C/Qani adeerkey tegyoo, gebi ku soo ciirye,
adoo qoyska caawiyoo allow, samir ku caam yeelay, ---
marxuumkaasi cafiyoo allow, kuu calaacalaye,
oo Caliim JANNAdaadi gee, Caadil baa tahaye, ---

Adduunyadan Caradu buuxisee, Dulumku caaryeeyey,
oo Cadaawe uu qaybsadoo, ciyayo Jiibkiisu,
ee Nabaddi laga caagay ee, Caadka lagu laalay,
uga soo carraw Tuugo iyo, Marras ay ciishaaye,
aday Caadil Raxmadaadu ay, waasac tahay caane,
Caziizow martuu kuu yahee, cafi dunuubtiisi,

Caalamkaan Koroonu-hu edbiyey, Caasha kuwi taagay,
ayuu Caadil soo tegey Adeer, Caawa kuu yimide,
Cashcaashkii adduunyiyo Allow, Calaliskii Mawtka,
Sakaraatki Ceejada watee, lays cabburinaayey,
Nus daqiiqo culayskiis ka badan, Cudurro joogtaahe,
Caadilow aduu kuu yimee, cafi Dunuubtiisi,
oo cabsii RAXMAddaadi aad, Caanka ku ahaatay,

Sakaraatku Cidda uu qabtee, Cagaha soo dhaafo,
Saabuun Carfoon & hadduu, Cadar is buux dhaafsho,
Cishriin sano qubaysaayo oo, Badan caddaynaayo,
Nus daqiiqo Cadaabkuu gelshee, Cunuhu dhuun yeersho,
Jidirtiyo Curaafkuu kacshuu, Caato weyd noqone,
C/Qani adeerkay maryoo, Ciidda loo gogolye,
uga caal ilaahow wixii, lugu culaysiiyey,
oo cabsiina RAXMAddaadi aad, Caanka ku ahaatay,

Caalim & isagoon ahayn, Culummadaa diinta,
Cilmigiisu intii uu dhammaa, Caabbid ku ahaaye,
Caqiiddada kamuu lumin intuu, Duul cawaansadaye,
Sunnadii Carfoonayd ayuu, Ciribta haystaaye,+
Cabdulqani addoonkaa Allow, Caawa kuu yimiday,
Calaacalahan kuu taagan oon, Caadka sii deyiye,
kuugu cawday adeerkay dartii, Cayna waan qubiye, 
Qabrigiyo Ciriiriga ka dhawr, wixi cashcaashaaya,
oo cabsiina RAXMAddaadi aad, caanka ku ahaatay..

inteennaana cayshaysa ee, weli cashaynaysa,
naga dhawr Fitnada Caalamkani, Calan-wallaynaayo,
oo Caliim Cashiirada ka yeel, Caabbidiin keliya,
Xilliguuna Cazraa'iil imane, nala carraabaayo,
Cishadaan adduunyada tan nimid, Caawadan dhalannay,
Dunuubteenna cafiyoo ka yeel, Caadil baad tahaye.

--------------------- 
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk