Cabdalla Xuseen, 21-01-2020 |
Calanka Cajab iyo cajiibaan arkiyo, yaab cajaa'iba e, haddii aan tilmaamaha cirkiyo, caadka yara geeyo, yaan la ii caroon taasi waan, sii codsanayaaye, Adduunyadan ciyaar looma dhisin, caynkan ay tahaye, Cibaariyo wax ku qaadashaa, loo cillaamiyaye, oo Cagaarkiyo looga dhigay, Doog casuusya lehe, Ruux cawiyo ayaan lahey martiyi, soo cayimataaye, Cabdullaahi xuseen baa yimoo, Caawa soo galaye, inaan soo dhaweeyuu cishiyo, labo cashaw joogi, Cindigaan ku haayoon jeclaa, inan ciseeyaaye, Halkii inan anigu caawiyoon, coodo filanaayey, isagii un bay caawiyoo, ii cimaamadaye, Cizadiyo ixtiraamkii uu, iiga dhigay Caano, haddaan eego caynkeeda iyo, calanku ii saaray, isu qabay martidi caawa timid, Ciid Malaysia e, waa wiil Cizada loo dhigoo, qaatay casharkeede, goobtii casuumada markaan, Cabdalle aan geeyey, Guri cadya inaan buul shimbiro, ku casumoon keenay, middood quri umay kala caddayn, wiilkan caarifaye, waayo oo cirkiyo muu deyeyn, cirifyadiisaaye, hoos buu u celiyaa indhaha, Caalim suu yahaye, waa Gobi nin ay soo carbiday, Ceebta ka xishooda, Sow gobi nin ay soo carbiday, oo Casriya maaha! curdana casriya Cimrigayba maan arag intaan, duni carraabaayey, cimrigiisa duul aho sidaa, caadadood tahaye, oo xishoodku saa ugu cadyoo, CEEB ka dhawrsaniye, --- haddaad eegto goobtaan cashada, kula cuntaynaayey, cabdallaa martida loo yahaad, cayn ku oraneeye, Caadada midduu leeyihiyo, dhaqanki loo caalay, Cusmaan & Calaad moodi &, Cumar khadaabkiiye, waa Gobi nin ay soo carbiday, Ceebta ka xishooda, Calafkiyo cuntadi aan cunneen, miiska ku cashaynay, weelka wixii ka ciiree dhacee, Cirifyadaw duulay, Cishriin goor masaxaad la bood, coosh nadiifiniye, oo Nadaafa loo daa ciddeed, wiilkan caanka ahe, waa Gobi nin ay soo carbiday, Ceebta ka xishooda, adduunyadan carsaanyada sideed, Calan wallaynaysa, cuqdaduhuna ay nabadda meel, Ceela uga tuurtay, waa wiil qalbiga loo culoo, Caafimaad qaba e, markaan caarifoon weliba sii, eegay camalkiisa, isu qabay mid caarrigahayoon, caynna garanaye, oo Calaan is moodiyo miday, ceebu karihayne, ilya Cawro la'e Eebbahey, Cudur ma taabsiiyo, Cag fudaydka kala caage &, Caro la boodboode, Codka gaabiskiyo aamuskoon, Caynka lala haadin, Degganaanta Cagta uu dhigaa, meesha ku cabbaaran, la cajabay culayskeeda iyo, saantu celinaayo, Carta & cubtiyo muu yaqaan, muranka caalwaaye, waalidkii carbiyey duul Allow, Cawo san loo daaye, waa Gobi nin ay soo carbiday, Ceebta ka xishooda, isku xoori caadooyinkiyo, camal wanaaggiise, Curad yare khaliif maalintuu, Cabdalla ii sheegay, ee yiri ciziyo waa nin mudan, Sharaf in loo coodo, ee Cuntiyo halkuu jiifanayo, Ciin ha laga dhawro, waxan iri cashiiriyo hadduu, yahay ciddaydiiba, Cayshkayga meel waa inaan, kula cunteeyaaye, Calaq iyo sigaar amu cabaa, cudurkey weeyaane? wuxuu yiri Cilmulgayb Allaa, garan culuuntiise, ogaantayse Caadil baa ninkaan, Cudur xun dhaafsiiyey, oo Ciyaalka Jiilkaan ka duwan, Zamankan cayrtoobey, waana kaas Cashiiroy warkii, Dhayda ka caddaaday, isku xoori caadooyinkiyo, camal wanaaggiise, gabadhii Cawo leh ee ducada, Waalid ugu cooday, Cadraddii nasiib luhu ilaah, Calaf u siiyaaye, oo Caruus ilaah uga dhigaa, wiilkan caanka ahe, waalidkii carbiyey eebbahey, Dunida haw caalo, oo jannadi carfoonayd Casiiz, Calanka haw saaro. DHAMMAAD Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.