Caasha Hooyal Kulli, 02-12-2020
Caasho Hooyal kulliyey,
Carbiyeynta ubadkiyo,
Caadadooda fahamtee,
iyagoon Cishriin jirin, 
Geesi laga cabsado oo,
Birta calashanaayiyo,
Boqor Caana ka dhigtaay!

Waalid baa Carruurtiis,
dooqiyo codkoodiyo,
Camalkooda garanine,

Hooyo Caasha kullidii,
Maxamad Cali dugsigi uu,
ka caga jiidi jirey oo, 
Cisho nool u goynayey,
Cuu-Cuu'da hoosiyo,
Cabashana ku diidayey,

Cilmu-Nafsigi fahamtee,
cayrisee dabeed tiri,
Horta ina Calow hoo, ---
Casharkaaga koowaad,

Caarcaarka dunidiyo,
Derbi-jiif Ciddiis &,
Carruurtaasi dayacani,
Cayshadday ku noolyihiin,
Caalim iigu soo noqo, bal cishooyin soo arak,	

Dabadeed Carraafkiyo, ---
Culayskay maraayeen, --- ku noolyiin,
markuu soo cuwaaftee,
Casariye sidiisii,
dhawr koob ka soo cabay,

Markay Ciiro fuushoo,
Madax Coofle yeeshoo,
uu Tawbad celiyey,
Hooyo Caasho ay tiri,

Makaanigiin Bir cuna &, ---
Kirishboy Caweerliyo,
Shufeer caytamaa iyo,
Calallada olyada badan,
haddaad caashaqee adi,
Maxan kaaga ceshanaa?

kaalay ina Calow tiri,
Caanahaygi nuugow,
Ciiddaan Kismaayiyo,
Calanley garaashyada,
Cun birtoodi waa tane!

an isteerso celiyoon,
Cilladdaan ujeediyo,
Cirifkeedi aadee,

Hooyo Caasho kullidii,
anigoo cidloon oon,
xaas iyo carruur hayn,
igu tiri calaanyohow, ---
Xaawaldayda ka cabsada,

Anaa kuu Cad goyn oo,
Cashadiyo xulquunkiyo,
Calmashadiyo Cawayskaba ,
Cayshaddooda hore iyo,
Calafkooda bixiniye,
baqdin hawga cararine,
Ciyoon soo diyaar noqo,  ---

Welibana caddaysoo,
Qol la siina cuudshiyo,
Sariir lagu caweeyiyo, ---
Qalab wada Cajaa'iba,

igu tiri calaanyohow,
Coodkaagan qabso oo, ---
Caalimkii mehraayiyo,
Cuddoontii ma keenaa?

Hooyo Caasho kulliyey,
Awal bay codkaagiyo,
Calankaaga nabadeed,
Ifraax igu cabbaysoo,

Cizzaddiin Jamaal iyo,
Cadrad Randa yariisey,
Caadilkooda kasekow,
labadey cuskanayeen,

Caabuqii ibliis ee,
ilaahey ku caasiyey,
markuu inu colaadshoo,
Caanaha ka daadshoo,
Reer caafimaad qaba, 
kala cayrsho uu rabo,

tiri Caynushamsi &,
Hooyadaydi Carabtiyo,
Aabbahaygi caankiyo, --------
Cido kale ma aadee,
Caziizkayga kasekow,
Cammo Caliga key iyo,
Hooyo Caasho igu filan,

Cirfiidley Adduunyadan,
Soddoh Culuq abuurtoo,
Reer Caadda marahaya,
Nabadday calfanayeen,
cag intay ku dhifatoo,
Ceel dheer ku tuurtoo,
kala cayrinaysaa,
Caado lagu yaqaannee,

Hooyo Caasho kulliyey,
Soddohdii Cadliga iyo,
Nabadoonki caankaay!

Adigoo Cashiiriyo,
Cindallaahi eegaya,
sidaad ii cizeysood,
Wehel Caawimaad iyo,
Ciidan iila doontood,
Cidlo iiga hiilliday,
welibana Cag daashiyo, ---
Codya Calaf ku biiriday,

ood Hooyo Caashoy,
daqiiqadihi curdankeen, ---
kuugu imid Carraabada,
Degdeg & Ciyoontii,
Carruur aabbahood aad,
Cawo iiga yeeshaan, ---
Cajaboo la yaabee,

Magacaaga Caashaa,
Cishqi loo hiloobiyo,
Caashaq loo ilmeeyuu,
Caynkiisa leeyahay, 
waxa una calaamaa,
oo taas caddaynaya,
Caalimkeeda gaar iyo,
Camma Calaa la Weydiin,

Camma Cali ilaah iyo,
Caadilkaa ka yaab ee,
Xusuustaada celi oo,
ayaantaad cusbayd ood,
Shaabka cartamaayiyo, ------
Calaf doonka ad ahayd,

Maamma Caasha kulliduna,
Cadceed soo baxaysiyo,
Cuddoon gabara ay ahayd,
Cishqigiyo Jacaylkaad,
garanayso Caynkiis,
ma waxay ciddii uun, ------
Caqli lihi illowdaa? 

Hooyo Caasho kulliyey,
aan Caynka soo xiree, -------------
Abaal laawe Ceebliyo,
Coon ma noqon karaayoo,
Ducaan kuu camirayaa,

Cadawgaa hanuun oo,
Cibaadada billowgiis,
hadduu caasiyoobee,
Hanuun uu ka caagose,
araggoo cammoolaa,
Caqligiisu cuuryaan, ---

Caziiz Eebbahaygii,
Deeqdiisa caankiyo,
Cududdiisu waynayd, ---
Waalidkii caddaystee,
kugu soo carbiyey sidan,

Ubax wada Casuusliyo,
Doog wada Cagaarliyo,
Neecaw Carfoon iyo, caafimaad
Beero Caleentu lulan &,
Cayn kastoo-na Raaxiyo,
Jannadii carfoonayd,
Calafkiinna laga yeel.

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk