Booramaay Baraaraay, 21-02-2020 |
Booramaay baraaraay, Belo laga fogeeyaay, Inkastoonan Beladyohow, Cagteydaan bilaashkeen, Baasiinka iga rabin, weli kugu ballayn oon, Bidhaantaada anan arag, Balse waxaan ku dhaartaa, oon ruux Baliidiyo, Dunidoo dhan barayaa, Booramaay inaad tahay, Beledkii culuuntiyo, Bulshadayda soomaal, Burhaanteeda hoygeed, Cadawgaa ha buusmoo, halkuu kuula bayraba, ha ka duulo Buur dheer, adiguna Baraariyo, Bed-qab ugaga noolow. Alla heedhe Boorama, maxaa Gabar bilic lahoo, Akhlaaq loo bineeyoo, Bidhaamaysa kugu nool. Maxaa Gabar Baraawoo, Baari'eeda jeceloo, Bukhaariya muslimkiyo, Diinteeda baratoo, sida Beer intey baxday, Sannadkoo barwaaqaa, Haruurkii Balkiisii, Neecaaw Baraafuun, marba Baal u weecee, Boorame mushaaxee! Maxay inanta Boorame, Xijaabkeeda Birqayeen, Badankeedu muuqayn, Barbaarteeda la nool, Caashaq baaxad weyn &, Boholyow ku beertaa! Gebogebada Baabkaan, Beledyohow qadiimkee, Booramaha la yiraa, adya beerahaagiyo, Nimcadaa ku buuxdiyo, Gabdhahaaga bilicda leh, Dunidaw bogaysoo, laga baaqan waayee, ma buurihii Firdawziyo, Balliyadii Naciimiyo, Balambaalistoodoo, Baashaalayaad tahay? ----------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.