Gaal & Islaamow,
ogow Diintu inay tahay,
Aqalkii sinnaantiyo,
Udubkii Caddaalada
11-05-2022
waa Maanso gaaban oo ka mida maansooyinkii aamaguul ee la dirirka Qabyaaladda & Haybsooca, soona baxday 11-05-2022, waxay leedahay: Gaal & Islaamow, ogow Diintu inay tahay, Aqalkii sinnaantiyo, Udubkii Caddaalada, waana tan:

Hadii ay wadaaddada,
qaarkood inkaarane,
shilin uu ku weynyahay,
Magacii islaam dili,

oo Shicib qabyaalada,
kaba jecel ilaahood,
Qur'aankaan aqaannaa,
kaa aqrisan maa baa,
iiga adak ku leeyahay,


ama Eebo dheer iyo,
ruux Amley la haadiye,
indhahaa caddaynaya,
oo inuu nin kale dilo,
u abraarayee tiri,
ar rabbigaa ka cabsoo,
iska ka soo dhig Eebada,
kugu yiri i sii daa, 
in Rag layska dhiciyiyo,
in ilaahey laga baqo,
meel islama galaan ee,
aan iska dhacsho ninkee, ---
maradayda ii daa,



oo Xildoonno waashoo,
ka arradan waddaninimo,
u ordaan kuraasida, 
Qabiilkiina u noqaa,
makarafoon ibliis oo,
Eregey yiraahdaan,
horey uga hadaaqaa,

oo Duul ka jaahila,
Diintaanu inay tahay,
Aqalkii sinnaantiyo,
Udubkii Caddaalada,
uu nacaybka uu qabo,
Malyan iyo malyuumaad,
adduunyaa ku bixiyoo,
Diin islaam sidaydaba,
ma arki karo ku leeyahay,

sidaas aawadeedana,
Labadaas Rakcood oo,
Khushuuc aan layan oo,
la iska sooba tuuriyo,
inan lagu nikaaxshiyo,
ayeeyo lagu quraamiyo,
Ajashiis miday go'day,
Tacsi loogu ooyaa,

mooyee intaas kale,
Diinteenna udugga leh,
Dalkeennaas idaylkiis,
haddii ay mamnuuc tahay,

inta garan Raxmaankee,
Eebbahood taqaannaay,
Allaan idinku dhaarshee,
Uunka kale ha joogee,
yaa u maqan Somaalida?

*******
aan su'aasha dhaafoo,
u wareego 

is yeelyeel munaafaqya,
Murtadkaa un mooyee,
kaan weli islaamine,
war ibliis un qaatee,
wax islaama necebow,

islaamnimada diidow,

ilaah baan ku dhaartee,
geesaha adduunkiyo,
inta Qaaradoo idil,
adigaan wax diidiyo,
annagaan islaamkaa,
waa Diin inoo siman,
oon dulumka oggolayn,

Isir laysu sheegtiyo,
midab iyo Qabiil iyo,
Caddaan iyo Madow iyo,
Ab-ab luguma kala xigo,

Laaluush afgarad iyo,
Af wax cunay Xishoo iyo,
ma taqaanno Ehel iyo,
kaas baa i xiga ee,
ilaah bay taqaannaa.

haddii aad caddayn iyo,
Daliil aad u doonee,
aayaddaa Qur'aankee,
Annisada ku taal ee,
Lambarkeedu uu yahay,
Boqol iyo Shan soo eeg,

---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk