Gabayga ABEESO ee Abwaan Cabdullahi Cabdi Faarax (Sujuud), 19-09-2020: |
Qof aduunyo joogaa wax badan, waa arkahayaaye, Abeesadu waxay kugu dishaa, ciid isu ekayne, Qofka ehela aargoosi iyo, kii anfaco doona, Mid afkiisya uurkiisu ay, kala ahaadeenba, aad ruuxa kuu jecel midkii, been odorosaaye, midka awr kacsiga ereyadaa, been abaabulaya, Ruuxii ikhlaas nimo wanaag, kuu asxaan falaya, iyo qaar awood waxay helaan, kugu abyuusaaya, adigoon ogayn baa barkood, kuu arimiyaane, intaas iyo abeesooyin kalood, ahal wadaagtaanba, - markii uu albaab kugu xirmaad, kala ogaataaye, Arsaaqdii ilaahay ninkii, raba inuu oodo, Uur mariidka afku malablahaa, ii arxami waayay, oo aan Allaha dooriyee, beri amaanaaye, - ku ogsooni inanyohow waxaad, hoos ka unugteene. --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.