Aakhiraa ka roon, 8-12-2018, 11:10
Nimca Eebbahey, uun ma koobi karo,
markii Alla yiri, maan ogayn oo,
Nafta an sidniyo, Oontan la cunaa,
Ubaxaan carfaa, Adduun korki iyo,
Noloshaan un baan, awal moodayee,
Show illeen mar bey, Aakhiro xul tahay,
oo Qabuurtaa, Nolol ka udgoon,

Show illeen haddii, Aafo Marad iyo,
Cudur ku edbiyo, oodan karin Shaqo,
misna Oof iyo, Addin muuqda iyo,
il la'aynoo, dadka u egtahay,
War way iga taal, daa ajnabigee,
Ehelkaagiyo, Aabbahaa uu,
kaa asmaci karin, Uunkan daalimkiyo,
Adduunyadan ood, ka asturantood,
Qabri ka aaddaa, illeen waa Nimciyo,
Alle Raxmadiis!

aad u fooftood,

misna ooftga iyo, aadan Dhul u ool,
oodba u ektahay, midka aan bukine,
shaqo aadaya, caqli yare iyo,
in ma garataa, aysan fahmi karin,

inkastood Orkiyo, Afka ka tiraa,
ma aan karayoo, Allaa igu oge,
afka iga duwa,

misna oofta iyo,
dhul aadan u ool,  

Afka aadaniyo, in ma garataa,
aakhiraa ka roon,

afka kooda ah,


---------------------

Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk