Cudur halis ah oo cuuryaamiyey araxdana ka jebiyey 6 Qof oo
walaalo soomaaliyeed ah (Qiso Naxdin leh + Sawiro)

 	
Qiso naxdin leh oo ku dhacday 6 qof oo walaalo ah ayaa maalmahanba aad looga hadal hayey magaalada Hargeysa, waxaana lagu soo baraarugay oo dadka badankoodu ogaadeen kaddib markii Sh. Maxamed Aadam uu Jimcihii ka sheegay masjidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Sheekha oo khudbaddii Jimcaha kaga hadlay Nimcada Caafimaadka iyo sida ay bulshadeennu uga dhoohantahay, ayaa waxa uu gebo-gebadii tusaale u soo qaatay Qisadan xanuunka badan oo dhaayihiisa uu ku soo arkay.

Jamacii masjidka ayaa mar kaliya dareenkoodii is-beddelay, kaddib dhacdadii sheekhu ka dhawaajiyey, taas oo ku habsatay Ubad uu dhalay Oday taqiya oo magaciisa la yiraa Yuusuf Jaamac Ismaaciil.

Ubadku waxay isugu jiraan Rag iyo Dumar ay da'doodu u dhaxayso 35 ilaa 12 Jir, Labo ka mid ahi waa Rag inta kalena waa dumar. Lixdooda ruuxba waxaa asiibay xanuun fajaciso iyo anfariir ku riday qof kastoo la kulma ama looga sheekeeyo.

Adhaxda (Dhabarka) ayey Lix-dooduba ka jabeen markii ay marayeen da'da u dhaxaysa qaan-gaadhka ilaa 18 Jirka. Waxaanay dhammaantood noqdeen Curyaamiin aan suuliga gaadhi karin. Inantii ugu yaraydna waxay dhawaan u dhimatay xanuunkan.


Shanta soo hadhayba waxay hadda dhex yuururaan guri kiro ku ah, waxaana intaasi u sii raacda saboolnimo, mana haystaan wax adduun ah oo gasiinka ugu filan ama dhakhtarrada lagu mariyo. Nolosha ay haatan ku jiraanna waa mid aad iskaga liidata.

Waa imtixaan rabbaaniya oo innaga la innagu eegayo, waxana qof waliba uu imtixaankaasi kaga bixi karaa isagoo si mug leh u sawirta nolosha caynkaa ah, Fiiriyana kaalinta uu ka qaadan karo. Sidaasi daraaddeed qoyskan dhibaatada ba'an ee caafimaad haysato ee waliba ay ugu biirtay Saboolnimadu, kuna jira Guriga Kirada ah, Maxaad ilaahay hortii aad ugu tari lahayd ?

Walaalayaal gurmad ayaa la innooga baahanyahee yeynaan waxba hagranin, waxaanan idin leeyahay waar qof waloowba kaalintaada ha gabin, hadday noqoto taakulaynta dhanka baahida Caafimaad, Hoy iyo Gasiinba.


Naxariistii Janno ilaahay haka waraabiyee inanta ugu yari dhawaan ayey xanuunkan u dhimatay inta kalena ilaahay ha caafiyee waad arkaysaan dhibaatada ku habsatay ee ay la yuururaan iyo nuurka ka baxaya wajiyadooda


Ugu dambayntii walaalayaal waxaan kusoo xayndaabayaa, erayadii abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji-Cabdilaahi (Xasan-ganey) ee ahaa:


Ma ogtahay curyaankaba
cago looma waayine
caynkaa wax loo yidhi
kuwa cararayee ladan
inay ku cibro qaataan.


Wixii taakulo ah ee aad ku taraysid waxaad ugu soo hagaajin kartaa Account-ka Dahabshiil 30810 (Caawimada Reer Yuusuf Jaamac Ismaaciil)

Faahaafhaain intaasi dheerna waxaad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Maxamed Aadem adigoo wacaya Telifoonkiisa gacanta oo ah 00 252 2 4426592 Mobile.



ref