Xidhiidhka ka dhexeeya Siyaasadda & Shaydaanka

Ma gaadhi karo go'aan, habeenkii oo dhan waan soo jeedaa maalintii galinka hore waan hurdaa matooso salaada duhur waxii ka horeeya maalin maalinse waxaan kacaa sagaalka subaxnimo waliba maalmaha ay jirto xaflad meher ama munaasibad kale oo kaadhkeeda la ii keenay badanka waan cadhoodaa subaxii hadii aanan bun cabin dhaqso ah intaan la gaadhin 11.00 AM dhagahaa i culus.

Ma qayilo badanka hadana waxaan u noolahay sidii muqayiliinta, waan warwar iyo walaac badanahay, waan shakiyaa waanan isku buuqaa, khaasatan marka aan aqalkeyga joogo, lacagtu kuma hakato jeebkayga, waan bukaa meel ixanuunaysana garanmaayo, balse marmar baan ahay qof laga jecel yahay xagga asxaabtiisa dhexdooda oo kalsooni hela iyo aammin.

Beenta ma sheego, laakiin dulqaad badan ma lihi, dadka i jecel waxaa ka badan kuwa i neceb garanamaayo waxa aan sameeyay ee dambi cad ah, habeenkii waan riyoodaa iyada oo la i eryanayo ayaan arkaa, ama aan jar ka dhacayo.

Xasadkaygu waxa uu u badan yahay dad qaraabo ah ama asxaab ah, hadii ay lacagi isoo gasho way kala yaacaysaa, ama waxa i soo gala iyo waxa aan isticmaalo ayaa kala badan, door walbana dayn baa la ii raacdaa, cidi iima diiddo wixii dayn ah ee aan qaadanayo, horena iskama bixin karo, daynta xataa hadii ay lacagi i soo gasho ma u geeyo dadkii igu lahaa, dadku ima waydiiyaan daynta ay igu leeyihiin, kuwo badan oo aan illaabay ayaa jira hadii aanuu qofku beri dambe i xasuusin.

Waxaa igu badan dhaarta, kelmad kasta dhaar baan raaciyaa walaahi ah, ayaamo dhawayd qofka ila hadla waxa aan rabay in aan la dagaalamo, waxa aan sidaas isku nacnay rag badan, marmar baan u hiilliyaa nin la caayayo oo aan i aqoon, anna aanan aqoon, mooyi wax igu kallifa dagaalka noocaas ah, marmar baan xabeeb jiq noqdaa muran awgii, cunahaa i xidhma, xididdo ayaa ka kaca madaxayga indhuhuna waa i casaadaan, dad badan baa iga baqa.

Waxa aan arkay shalay meeshii aan ku dagaallamay ee aan dadka isku dilnay, aniga oo fadhiya oo iska hebbi ah oo dadku yaabbanyahay aan u tegey, hadda waa ninkaygii shalay wax kala laayay ee maanta baxsan lahaa ama dudi lahaa, mooyi calool ku hayn malihi, rabshadna joojin maayo, dadkuna waa ila col anna waan qoslayaa, dad badan baa og inaanan waallayn.

Laba cisho kahor waan gororay, waxa aan ku war helay dhiig sanka iga da,aya oo diiran, muddo nususaaca ah ayuu iga joogsan waayay, farmasi agtayda ah ayaan cudbi ka doontay, waxa aan la kulmay nin dhaqtar ah oo iga cabbiray dhiigga, waxa uu sheegay in uu dhiiggaygu xoog u kacay dhaqsona aan ugu baahanahay dawo iyo is dejin dhaqso ah, wuxuu igu yidhi dhaqtarku maxaad ka shaqaysaa? waxa aan ku idhi waxba, markaa buu yidhi macquul ma ahee sheeg? waxa aan ku idhi siyaasadda ayaan ku jiraa, Haaaaa buu yidhi, waar bahasha sawdiga ku dhiman gaadhay waad buktaaye iskaga bax, markaas ayaan ku idhi ka bixi kari maayo oo iyadaa igu jirta, ee ha iga baxdo markaa ayuu qoslay oo uu yidhi ninyahow bahashu ma jin bay noqotay dadka galaya? markaas ayaan ku idhi way ka darantahay oo waa shaydaan, wuxuu igu yidhi is deji isdeji haddaabad kacsantahaye wax xoogaa dhinaca midig u jiifso intuu sariir ii dhigay, laakiin waan gam'ay oo khuuro ayaan billaabay waxaanan hurday saddex saacadood oo dhan, waan yaabay makraan toosay sadexdii galabnimo, wuxuu ahaa dhaqtar fiican, muu qado tagin ee xaafaddiisa ayaa qadadii u keentay maalintaas oo uu la hadlay aniguu ii daayay in aan hurdo fiican qaato.

Waxaan toosay iyadoo margiyadu i garaacayaan, oo culays iyo muruqyo i hayaan, oo qaarka sare oo dhan i burbur sanyihiin, markaasaan ku idhi dhaqtarkii miyaad i suuxisay, markaasuu yidhi mayee adigaa gam'ay oo seexday, markaasaan idhi miyaanad qada tagin? markaasuu yidhi in aad huruddo ayaan ka doortay, waxaan ku idhi bal dhiigga iga cabbir, hadana waxa uu yidhi OK, wuu iga cabbiray, wuxuu yidhi ninyahow waad buktaaye aayar maad joogi oo shaqadan shaqo ka fiican maad doonan, mise waxaad rabtaa in wadnahaagu istaago maalin dhaw, ama xanuunkaaga halkan waxba lagaga qaban kari waayo? waxaan ku idhi waan qado tegayaaye ii soo ducee, waxaan tegey xaafaddii oo waan qadeeyay waanan seexday, markaas haddana waan gam'i waayay laakiin waxaan doontay bun {coffee} casariye ah, salaaddii maqarib markii la eedaamay ayaan ku dhacay dhulka, waxaana la iila cararay cusbitaalka, waxaana aan soo toosay anigoo waadhka aalla, oo maalintii dambe aroortii sagaalkii subaxnimo iyadoo reerkaygii oo dhan iyo asxaabtii oo dhan ooyayaan oo la mooday inaan socday {dhintay}, waxaanan arkay in qalliin yar oo fudud la igu sameeyay xagga xididdada qoorta, si xumbo dhiiggayga la socotay looga yara neefiyo, waa sidii la igu yidhi, waxaan idhi dhaqtarow maxaa sababa? waxa uu yidhi dhiig kar noocii ugu xumaa ayaad yeelatay, markaa hadalka jooji insha allaah ma hadli kartid, dadkaaga oo dhan cidi kuma soo booqan karto, taleefan laguuma oggola, ma farxi kartid mana nixi kartid ilaa intaan ogaanayo, intan aad koomada ka baxday sidaad noqoto.

Dhaqtarka waxa aan u sheegay in kaadidu i hayso, wuu ka naxay oo wuxuu yidhi waxaan ilaahay ka baryayaa inaan kalyahaagu istaagin oo aanay shaqada joojin, aammiin baan idhi, waxaan ku idhi dhaqtarka waxaan u baahanahay qur'aan in la i saaro ama aan cabo oo la ii tufo, wuxuu igu yiri islaam baynu u nahay taase reerkiinna qof ka mid ah wadaad ha kuugu yeedho, waxaan is idhi malaha waad dhimanaysaa, haddana shaydaanka ayaan iska naaray intaan ashahaatay, waxaan xusuustay dhibkii aan geli jiray iyo xaaladihii aan soo maray, waxaan xusuustay dadkii i odhan jiray siyaasadda nasiib wayn baad ku leedahay, dhawr jeer oo aan faashaday ayaa la ii sheegay in aan mustaqbalka dhaw ku najixi doonno siyaasadda, laakiin saaka waxa aan is idhi maxaad u ogaan wayday in aad ku dhiman karto, dhaqtarka ayaa igu yari miyaad isla hadlaysaa, show hadakaan dhaadheereeyay markaas ayaan sidii wax soo baraarugay idhi maya.

Markaas ayuu yidhi waad nasiib badan tahaye waxba ha walaacin, is deji taas ayaa caafimaadkaaga kamid ahe, waxa aan idhi dhaqtarow haddii aan ka sii darayo maxaad ku talin lahayd? waxa uu ii sheegay marka aan kalyahaaga eegno haddii ay gaabis yihiin waxa aan kuu diraynaa dhaqtar dibadda ah oo waddammada jaarka ah, haddii kale halkanaan kugu dawayn doonaa isha allaah.

Waxaa ii soo gashay xaaskayga oo yara ooyaysa, markaas ayuu dhaqtarku canaantay oo yidhi ninkan looma baahna cid xanuunkiisa sii kordhisa, walaashayey iska joog oo dibadda ka oy, makraas ayaan ku idhi waar soo daa nadalyahay gabadha aan aamusiiyee, markaas ayey kasii dartay oo cabbaar isla wada oynay, iyadoo ay nagu dartay inantayda wayn oo show la socotay, runtii waan yara naxay waxaanan idhi aamusa yaanay iga raacine waxba ma qabee, aamusa miyaad waalantihiin naga aamusa, sideed noqoteen naga baxa ayaan idhi makraasaan haddana kooma galay, iyagana dhaqtarka ayaa saaray.

Markaas ayey xoog qaylo ugu dhufteen dadkii oo dhan ayaa mooday in aan go,ay maalintaas, waxaana taleefannada la iskugu sheegay in aan dhintay oo tii ilaahay i heshay, balse haddana dad badan baa ogaa in aan kooma ku jiro oo aan wali noolahay, waxaana dhaqtarku iga xidhay gabi ahaanba wax booqasho dame ah ilaa inta uu xaalkaygu kasoo raynayo, ama aan natiijo soo saarayno ayuu yidhi haddii kale meeshan ka qaata oo meel kale gaysta ayuu yidhi, waxaana maalintaas aan soo baraarugay iyadoo ay quraan igu akhriyayaan laba wadaad, oo mid ka socdo rugta IHSAN HERBAL CENTER

Waxaana markii aan baraarugay iga hadlay shaydaan yidhi sixir baan xidhiidh la leenahay oo annagaa dhiiggiisa wareejinayna waanan baxaynaa haddii sixirka laga soo saaro kaabadda aqalkiisa dhinaca bidixda ku jira, isla markiiba labadii sheekh mid ka mida ayaa cararay oo meeshii ka eegay waxaana lagu arkay qardhaaso iyo timo iyo laf iyo caagad aan sharaab ka cabay oo carrabkaygu taabtay iyo bakoorad raasa oo aan lahaa oo aan waayay oo la jabjabiyay iyo laba sharabaad oo aan lahaa oon ku waayay habeen meel majlis ah oo aan fadhiisan jiray.

Waxaas oo dhan oo meel ku aasan ayaa lasoo faqay makaasay labada sheekh taleefanka ka wada hadleen markaas ayuu yidhi sii daa jinka haddaba oo dhaari in aanu soo noqon markaasuu yidhi jinkii waar annagaaba ninkan ku dhex caddibnayn oo dib ugu soo noqonayn ee ninkani wixii uu cunayo iyo wixii uu cabayo iyo meeshuu fadhiisanayo iyo cidduu raacayo iyo cidduu la dagaallamayo ha iskaga fiirsado, haddii kale maalin walba tan oo kale ayaa u taalla nabad galyo waanu baxnay.

Waxaana meeshaas lagu gubay alaabtii meesha laga soo saaray oo runtii aad u cajiib ahayd, waxaana ii uray laydh qabaw oo gashay maskaxdayda iyo qalbigayga, waxaan seexday hurdo aanan waligay seexan, waxaanan toosay anigoo nabar yar oo qudha ku leh qoorta oo dhaymo u baahan, caadi u kaadshaya, caadi u kici kara, ordi kara, cuntada si fiican u qaadanaya, cidna aan ka xanaaqayn, codkaygu kii siddeed sano kahor yahay, billaabay soo dhawayntii qof walba aan u samayn jiray, dhaqtarkiina waa i fasaxay.

Waxaanan runtii ogaaday xidhiidhka ka dhexeeya SIYAASADDA IYO SHAYDAANKA WAXAANAN HADA TIROKOOBAA INTA NIN EE QAALIGA AH EE INNAGAGA DHINTAY, waxaanan ka shaqeeyaa sidii rag badan oo nool aan uga saari lahaa anigoo ah cabdiraxmaan Muuse waxaan hambalyo u soo jeedinayaa dhammaan dadka i jecel ee xanuunkayga ka xumaa, runtiina rabay caafimaadkayga, dibad ama gudo ha joogeene, dhamaan tol, asxaab, axsaab, dhaqaatiir, culimaaudiin

waxaan leeyahay sheekadii ... way xidhan tahay.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.