Xiiqda iyo Sanboorka
Xiiqdu waxay kamid tahay xanuunada ku dhaca marinada hawada ee habdhiska neefsashada,waxaana ay caan ahayd lana yaqaanay ilaa intii ay aadamahu la kawsadeen bilawga nolosha, waxayna xiiqdu ahayd xanuunada kuwan ugu caansan ee loo aqoonsaday inay yihiin xanuun yimaada hadana taga, waxaana loo qaybiyaa qaybo kala duwan oo ku salaysan sida iyo goobta ay qofka ka haleeshay waxaana farqiga ugu wayn keena da'da qofka.

Xiiqda hadii aan si guud uga hadalno waxay ku badan tahay dadka yar yar iyo dadka waawayn waanay ku yartahay qofka shabaabka ah badanka.

Xanuunada ku dhaca habdhiska neefsashada ee ay xiiqdu kamid tahay waxay caruurta yar yar had iyo jeer kaga timaadaa marka ay la kulmaan qabaw aan ku habboonayn neefsigooda, waxana ku bilaabma duray wata cabudh iyo xasaasiyad, waxaana badanka xidhma sanka isla markaana waxaa timaada cidhiidhi xaga neefsashada ah.

Hadii (infection) caabuq jiro dhuunta hoose ee marinka neefsashada waxaaba ku dhici kara ilmaha neef qabatow uu jiq noqdo mar kaliya taasi oo keenta suuxdin ama miyir beel ilaa heer dhimasho.

Waxyaabaha calaamada u ah had iyo jeer ee lagu garto inuu ilmuhu qabo caabuq hoose oo ku dhacay marinadiisa hoose waxaa kamid ah qufac joogto ah, saxasho uu ku saxdo waxii la siinayo xattaa naaska hooyada, kasoo bood hurdada ah, shanqadh iyo guux laabtiisa ka baxda iyo kuwo kale oo badan.

Daawaynta dagdaga ah ee caruurtu waa mid ku waajib ah waalid kasta si aanay xaalada caafimaad ee ilmuhu ugasii darin goor dhawna aan waxba looga qaban karin, xanuunada marina hawada ku dhaca ee ay xiiqda iyo duraygu kamid yihiin waxay labaduba u bilaabmaan si dhib yar islamarkaana waxay u buunbuunismaan si degdeg ah waxaana habboon in waalidku markaaba ilmihiisa hadii naqasku hayo dhaqtar la aado, hadiise intaad marka gabalku dhaco iska eegato goordhaw saqda dhexe la rooroorto iyadoonay cidi soo jeedin waxa uu ilmahaagu u dhiman karaa si degdeg ah, sidaa darteed ayay dhaqaatiirtu had iyo jeer waalidiinta caruurta dhalay ugu baraarujiyaan in caruurtooda judhiiba ay dhaqtar geeyaan xili ku habboon.

Iska jir inaad ku dhex cabto caruur yaryar sigaar ama aad ku shido uunsi ama aad ku buufiso sunta kaneecada, dhamaan kuswaasi waxay khattar ku yihiin cid kasta gaar ahaan caruurta, marka uu qof bukaa jirona kabasii khatarsan xaalku.

Qofka ka cabanaya xanuunada ku dhaca marinada hawada ee ay xiiqdu kamid tahay waa inuu ogaado sabta xanuunkiisa islamaarka maro baadhis caafimaad oo ku wajahan bukaankiisa, markasta oo ay bukooto dhuunta marin ee hawada qofku uu qaadanayaa waxaa siyaada xasaasiyada iyo dareenka afkan hore ee dhuunta waxaana maanta dunida u buka xanuunkaas dad aan kayarayn ilaa 600 oo malyuun oo qof oo qaba saamayn kala duwan oo habdhiska neefsashada ah.

Sababaha ugu wayn ee loo aaneeyo qaadista xanuunkan waxaa kamid ah isticmaalka sigaarka iyo wixii lamid ah sida cabista khamriga, waxaana isna qayb laxaadle ka qaata cimilada uu qofku ku nool yahay ama shaqada uu ka shaqeeyo.

Deegaanka nadiifta ah ee ka badbaaday xaaluf iyo xashiish waxa uu horseedaa inaad u neefsato si fiican oo caafimaad ah, balse markasta oo xaaluf iyo xashiish ku baaho arligaad ku nooshahay waxaad ogaataa in malaayiin jeermis ah iyo dulin sabaynayo hawada aad ku nooshahay, sidaa darteedbaa daryeelka degaanku u yahay daryeelka caafimaadkaaga.

Hadii uu qofku xasaasiyad qufac leh ama cabudh sanka ah leh dareemo marka uu soo dhex galo meel boodh leh ama qabaw uu dareemo ay haboontahay inuu iska baadho wixii xanuun ah ee ku gabanaya laabtiisa ama cunihiisa isla markaana uu iska jiro waxyaabo badan isticmaalkooda sida cabista qabaw, ama sankiisa iyo afkiisa u isticmaalo maro yar oo dabool ah oo xadhig ku leh qoortiisa waxaaba jirta mid dawo lah oo lago helo goobaha caafimaaka.

Dadka waawayn ee da,doodu dhaaftay konton sanno waxay qaadaan xanuuno badan oo saameeya dhamaan habdhiska neefsashada taasi oo horseeda in uu digada noqdo isla markaana ay balqaan ama ay feedhfeedhmaan dhuumaha hawada afkoodu taasi oo keenta in qufac joogto ah iyo neef qabatow halis ahi yimaado walxo buurbuuran oo aan loo baahnayna ay maraan qasabadaha hawada, waxaana dhacda oo kale matag ama wadnaha oo xoog u shaqeeya isla markaana wareega dhiiga kiciya ama kaadida oo qofku xajisan kari waayo iyo iyo kuwo kale oo aan lasoo koobi karin, ilaa heer qofku dhiig tufo.

Marka uu qofku dareemo sidaasi waa inuu dhaqtar la jiifiyo xaaladiisa la socda, waxaa kale oo xusid mudan in dumarka uurka leh ee qaba xanuunada xiiqdu kamid tahay waa inay isla markiiba tagaan goobaha caafimaadka, si xanuunkooda dhaqso loogu daweeyo waayo hadii xanuunkoodu xumaado oo ay gaadhaan heer qufac bilaabmo waxaa taasi markaaba dhib u gaynaysaa ilmahooda caloosha ku jira ama naftoodaba waxaana dhici kara in ilmahoodu soo duulo.

Qiyaasta dheeliga tiran ee fiitamiinada qaarkood sida fitiimiin (c)iyo kuwo kale waxay kaa caawiyaan inaad ahaato qof ka badbaada isla markaana adkaysi u yeesha xanuuno badan. Isticmaalka xabaasuuda,malabka,liinta,basasha,toonta,xamarta,basbaasqajida, iyo kuwo kale waxay kaa caawin karaan si qiyaasan xanuunada ku dhaca marinada hawada waa hadii xaaladaada caafimaad aqbasho.

La xidhiidhka joogtada ah ee dhaqtarku waxay kuu horseedaysaa sidaad xanuunkaaga u kaantarooli lahayd, dawada oo aad si fiican u qaadataana waa lamid.

Gabagabada mawduuca waxaan leenahay xiiqdu waa xanuun sahlan marka hore laakiin mar kaliya noqon kara xanuun khattar ah waxaana uu noqdaa xanuun marna qarsooma markana soo baxa isla markaana in badan hayn kara qofka, waxaanu u baahan yahay baadhis iyo daryeel joogto ah oo lagula socdo mana fiicna qofka uu hayaa inuu dhayal sado si aanu ugu faafin jidhkiisa isla markaana aanu usoo jiidan xanuuno kale oo ay kamid tahay TB, kalyo xanuun, dhiigkar, qanjo xanuun, wadno xanuun, dhago beel iyo kuwo kale oo badan dhamaan allaah ha inaga badbaadshee ogow in caafimaadku uu yahay jaanis mar ah.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.