Xiiqda iyo Sanboorka
Fayoobaanta guud ee caafimaadka jidhka aadamuhu waxa uu had iyo jeer u wada shaqeeyaa si wada socota oo aanay xubini xubinta kale ka maraarmi karin, wixii xanuun ah ee lasoo darsa xubin kamid ah jidhkana waxaa la dareemada xanuunka iyo xumada jidhka intiisa kale.

Marka aynu mawduucan maanta si gaar ah uga hadalno waxa uu ku saabsan yahay xaga awooda iyo karitaanka galmo kolba sida ay tahay, sidii loo baahnaa ee dabiiciga ahayd ama si ka hoosaysa oo diciif ah ama si ka saraysa oo xad dhaaf ah.

Qiyaasta dabiiciga ah ee awooda qafku waa wax lagu garto hadba sida ay isticmaalka shaqo ee xubnuhu yihiin xiliga galmada.

Qofkasta oo xaalaal ku isticmaala xubnihiisa taranka waxa uu ogaan karaa inuu gaabis kayahay qiyaastii loo baahnaa ama uu xad dhaaf kayahay qiyaastii loo baahnaa.

Marka aan si guud uga hadalno rag iyo dumar waxaynu odhan karaa qiyaasta dabiiciga ah ee qof walba waa mid ka duwan tan qofka kale sababta oo ah xaga abuurka qofka iyo xaalada guud ee caafimaadkiisa ayaan qofna loogasoo qaadan karin qof kale qiyaas.

Marka uu qofku gaadho da,da qaangaadhka waxaa soo wajaha nolol cusub oo kusoo koradha hab nololeedkiisii hore,waxaana qofku markaaba u baahdaa tarbiyad cusub oo lamid ah tii uu u baahnaa markii uu dhashay, sida ay hooyo iyo aabo usoo barbaarsheen isagoo yar ee uu ugasoo koray dhalaanimo aanu isagu naftiisa kagasoo badbaadeen ayuu maantana u baahan yahay cid gacanta ku qabata noloshiisa, waxaana culimada (suluuga) yacni dhaqanka ay sheegeen in waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka xiligan qaangaadhka loo baahan yahay inay barbaariso ama hogaamiso lagu tilmaamaa inuu waliba kaalinta koobaad soo dhaco aqoonta ama cilmiga, kaasi oo loola jeedo aqoon diini ah ama maadi ah.

Caruurta dayacanta xiliga barbaarinta ee ka hoosaysa da,da qaangaadhka waxaa la sheegaa inay kabadanyihiin kuwa dayacma xiligan qaan gaadhka waxaana shay wayn oo khatar ku ah mujtamac kasta lagu tiriyaa caruurta xiligan qaangaadhka kaleexata dhaqanka suuban.

Tarbiyada fiican ee qofkasta oo qaangaadhay laga rabaa waxa ugu muhiimsan kol hadii aanay maskaxdiisa iyo waayo aragnimadiisu dhamaystirmin waa inuu ku tiirsanaado cid ku barbaarisa marxaladan cusub ee uu galay, si aanay uga xoog roonaanin dareenka kale ee shabaabnimo ee ku cusubi.

Xanuunada ku dhaca xubinta ama habdhiska taranka ee raga iyo dumarka xiliga ay waxyeelada ugu wayni soo gaadhaa waa xiligan uu qofku qaan gaadho ee uu kowsaday shabaabnimadiisa ilaa inta lagala gaadhayo afartan jirka.

Markasta oo uu qofku da,a iyo cilmi koradhsadoba waxa uu xasuustaa khaladaadka uu dhalinyaranimadiisii soo sameeyay, waxaanu ka qoomamoodaa nasiib darrada xiligaas kaga dhacday inuu kusoo dhaqmo dhaqan fiican.

Qoys kasta oo jiraa kolba sida ay u habaysan yihiin xaga dhaqanka iyo aqoonta labada waalid ayay caruurta ay barbaarshaan u kala dhaqan iyo ficil duwan yihiin.

Umada uu qofku ku dhex korayo hadba waxa ku gedaaman degaankoodaas ayaa iyadana lagu tilmaamaa inuu macalin u noqdo caruuro badan oo koraya.

Marka uu qofka dhalin yarada ahi fakaag ka helo gurigooda iyo waxbarashadiisa, waxa uu jaanis kala kulmaa sidii uu suuqa wax uga baran lahaa, taasi oo laga yaabo inay kaba awood badato dhaqankii uu waalidkiisa iyo macalinkiisu siinayeen.

Maanta oo aynu la dagaalanay gudniinka fircooniga ah waxaa habboon in la dhinac wado tarbiyad iyo barmaamij kale oo lagu wacyi galinayo dhalinyarta soo koraysa si looga hortago aafooyin iyo cuduro halis galin kara da,yarta mustaqbalka leh ee aan maanta maskax iyo garaad ama cilmi ay kaga joogsadaan waxyaabo badan aan gaadhin.

Xubnaha taranka ee qofka wixii cilad ah ee lasoo darsaa waa wax u baahan in qofwalba waxa shilaya la baadho, taasna waxaaba qasab ka dhigaya ciladaha keena xanuunadan ayaaba tiro badan aadna u kala duwan.

Sida aanay isku mid u ahayn qof gaboobay iyo qof da,yari ayaanay hadana iskugu mid ahayn qof da,a yar oo daalay iyo qof da,a wayn oo is dhawray.

Qormada mawduucan oo dheer waxaynu sii wadi usbuuca danbe isha allaah

La soco qaybta xigta . . .


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.