Xanuunnada ku dhaca Wadnaha - Q.5aad
Markii aan kasoo hadalay ee aan sheegnay in caafimaadka guud ee xubnaha loo yaqaan uur-kujirta,ay yihiin kuwo si toosa xidhiidh dhaw ula leh wadnaha,sida kalyaha,beerka,sanbabka,iyo caloosha,ee aynu waliba nidhi waxaa waqtigan casriga ah la isku yidhaa family heart ayaa waxaynu si khaasa u sheegnay in macdanta dumarku tahay tan ugu wayn ee keeni karta halis hadii ay xanuun khaasa leedahay,inagoo hadaba halkaa maanta kasii amba qaadayna ayaynu leenahay "waxaa macdanta dumarka lagu tilmaamaa xubin si joogto ah u bukta iyadoo loola jeedo sida ugu dhaqsaha badan ee ay xanuuno ulasoo darsaan,taasi oo marka ay ruuxa dumar ahi qaan gaadhoba la kowsata cilad iyo casiraad ku timaada macdanteeda hoose,sababtoo ah waxa uu dhiiga caadadu yahayba,walxo iyo shayo dhintay oo diyaar u ahaa inay qaabilaan kuwoodii lab ee ay u baahnaayeen,markaa hadii ay waayaan waxaa ku imanaya gubasho iyo dhimasho waxaana jidhku iskasoo qashin saaraa bishiiba mar ama laba, waxaana shayadaasi dhintay leeyiniin sunta ugu khattarsan ee ilaa imika la ogyahay caalamka taasi oo hadii ay la fal gasho dhiiga caadiga ah ama ay si toosaba kuugu raacdo shay markaa arrinkaagu yahay xanuun aan bogsasho lahayn,waayo ilaa imika lama hayo shay la dagaalama jeermiska dhiigan la socda oo muquuniya,waxaana maanta jira dhakhaatiir rumaysan in cudurka dilaaga ah ee aydiska jeermiskiisa dhaliya ee loo yaqaano HIV uu kasoo bilaabmay isla falgal ay isla falgalaeen jeermiskan caadada la socda iyo ka ayga carabkiisa la socda kadib markii ay sidaa sameeyeen naago xunxuni,taasi oo dhalisay in ilaa maanta aan loo hayn dawo isagoo ka kooban nijaas iyo qudhun tan ugu xooga wayn, waxaana diinta islaamku ka istaagtay mawqif adag. iyadoo diintu ina fartay khaasatan iyadoo raga amartay inay ka dheeraadaan dumarka xiligan ayna daahirka ahayn,iyadoo ujeedadu tahay wixii xidhiidh galmo ah.taasi oo rasuulka maxamed ahi s.c.w sida xadiis lagasoo wariyay "wuxuu mid nacdali ku dhacday ku sheegay ninka xaaskiisa u taga iyadoon daahir ahayn." Waxaana waliba loo baahan yahay in cilmiga dhaqan ama diineed ee dumarka sare loo soo qaado si ay si habsami ah oo cilmiyaysan ugu maamulaan hawshan iyadoo waliba ay dumarku ku kala nooc iyo qaab duwan yihiin sida ay caadadu ugu dhacdo.taasi oo markasta oo waqtiga ay daahirsanayso iyo waqtiga ay wali caadadii sii jirtaa ay tahay mid ku xidhan xaqiiqda xaaladeed ee ay isku aragto,waxaana kolba la arkaa sidii gabadhu ay tirsanaysay oo wax iska badaleen,taasi oo maanta hawshan ta ina galisayna ay tahay arrinta caafimaad darro iyo waxyeelada wayn ee dhici karta marxaladan xaydka marka ay ku jiraan dumarku hadii aanay maamulka iyo tartiibta loogu talo galay aanay u qabsoomin hawluhu,iyadoo xanuuno badani markaa soo darsaan ayuu hadana wadno xanuunku kow ka yahay xiligan taasi oo aad arkayso in dumarkeenu 83% ka cabanayaan wadno xanuun oo aad arkayso in markasta wadnaha la haysto oo ay bilaa awood dareemayso,mar cilmi baadhis lagu sameeyay arrintan waxaa la ogaaday in ay sababta wadno xanuun ee dumarka ee ugu wayni salka ku hayso laba arrimood oo kala ah tan aan sheegayno ee la xidhiidha xubnahooda macdanta,iyo sportes la,aan aanay haba yaraatee dumarku wax dhaqdhaqaaqa oo badan lahayn iyagoo aad arkayso inay wax walba rabaan in fadhiga loogu keeno oo xattaa ay hawshii guriga cid kale oo shaqaale ah u adeegsanyaan,{intaasi waa iga canaan}waayo waxaa dumarka looga baahan yahay inay helaan jimicsi ku filan oo jidhkooda kala saarta si ay u dhismaan muraqyada yaryar iyo kuwa waawayn ee jidhku waxaana maanta halis galin kara gabadh kasta hadii aanay lahayn jidh u bartay hawsha in ay ka dhaqaaqi kari waydo wadnaha oo ay markaaba daasho ama xanuuna kaleba lasoo darso hadii ay waliba miisaankeedu kordho sida xidadeeda oo subagooba kadibna dhuudhuubta oo xaydhi gasho ama dhiiga oo xinjiruhu ku bataan i.w.m. waxaa kale oo xusid mudan in dumarka qaarkood hadii aanay shaqada gurigeeda jimicsi ka dhigan ay goordhaw ku dhib mudato inay dhali kari waydo iyadoo dhabarkeeda iyo macdanteeduba xaydhaysteen awgeed ama muruqyada kala jiidma ee macdanta maraa ay go,aan balse hadii ay hawlkar tahay gabadhu arrintaasi way usahlanaanaysaa waxaana taasi u daliila dumarka danyarta ah ee aan haysan shaqaale iyo dumarka iska raaxaysta ee loo shaqeeyaa isku mid maaha xaga dhalmada, sidoo kale waxaa markaaba gabadha aan sports samaynin marka ay dhalayso lasoo darsa wadno xanuun iyo dhiig kar. Hadii aan ku dhaafo taasi intaas aan ku noqdo qodobka hore ee ku saabsan macdanta dumarka,waxaan raacinayaa waxaa allaah mahadii ah in maanta aan ku dhawnahay inaan cidhib tiro gudniinka fircooniga ah oo qayb laxaadle ka qaata in macdanta dumarku bukooto taasi oo si xoog iyo xooga u buunbuunin jirtay xanuunada ku dhaca wadnaha ee dumarka oo anynu isla garanay inay kasoo aasaasmaan xanuun lasoo darsa macdanta dumarka,waxaana wax la xasuusan karo ah in gabadha xaaska leh ee ka gudubtay sii xidhxidhnaanshihii gudniinka oo kaliya ay maantaba dhaanto ta aan iyadu wali xaas lahayn ee inanta ah waliba marka la eego xaga wadno xanuunka,wuxuu ku sii badan yahay hablaha, Haa--- taasi oo aynu ka saadaalin karo in dumarka ka badbaaday gudniin fircooniya ay xaga wadno xanuunka ka bad qabaan,iyadoo hore dumar badani ugu dhinteen wadno xanuun iyo dhiigkar aan loo aanayn inay ciladu kasoo bilaabantay macdanta, hadii aan maanta intaas ku dayno waxaynu qabta gabagabada kasii anba qaadi doonaa jimcaha dambe isha allaah

Qaybta 6aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.