Xanuunka ku dhaca Wadnaha - Q.4aad
Xal marka loo doonayo shay waa in marka hore shaygaasi si fiican loo yaqaano markaasaa la garan karaa wixii ku haboon ee xal looga dhigi karo, odhaahdan waxaan ugala jeedaa waynagii qormadii hore nidhi bal la socda xalka,sidaa darteed hadii aan xalka wax ka sheegno dawo u noqon kara wadno xanuunka guud iyo ka gaarka ah intaba balse marka horeba ogow qofkii allaah dawo siinayo ayaa ku bogsan kara biyo cad oo uu cabbo isla markaana qofkii allaah dilayo ayaa ku dhiman kara isla biyahaasi markaa akhristaw sidaa darteed ayay dawo tahay ta allaah,waxaanay isdawayntu soo gashaa kaalinta labaad waxaana dawada lagu tilmaamaa inay tahay laba qaybood oo kala ah ta koowaad in laga hortago xanuunka,oo aad loo ilaaliyo intii la awoodoba caafimaadka hore ee qofku haysto isagoo ka faa,iidaysanaya jaaniskan caafimaad qab ee aan u waari doonin,qaybta labaad waxaa weeyi mar cudurkii dhacayba oo qofka uu hayo taasi oo lagu dadaalayo sidii loosoo celin lahaa caafimaad qabkii meesha ka baxay,waxaana wax la ogyahay ah in caafimaadku asal yahay xanuunaduna ay yimaadaan,taasaana keentay in la yidhaa shay kastoo soo galaa wuxuu ku bixi karaa si dhib yar laakiin shay kastoo baxaa kuma soo gali karo si dhib yar.markaa hadii caafimaadkaagu baxo bal ka waran intuu maqnaan karaa ee aad dawo qaadan kartaa?

Jawaabtu waa qofba siduu allaah uga dhigo iyo heerka ama nooca xanuun ee haya.ama dawo haloo helo ama haloo waayee waxaba dhici karta isagoo qofku dawadii haysta oo bogsan la,markaa hadii aan hadalka soo gaabsho waxaynu qormadan maanta tilmaamaynaa dhawr qodob oo aad iyo aad ugu fiican kahortaga iyo daawaynta xanuunada ku dhaca wadnaha,qodobadaas oo runtii ka taagan qaar aad iyo aad u badan oo aan lasoo koobi karayn,waxaana kow ka ah,hadii uu qofku leeyahay wadno xanuun yar ama waynba wuxuu u baahan yahay 24 saacadoodba sadex jeer ama laba jeer ugu yaraan hal mar inuu la kulmo dhakhtarkiisa xanuunkan takhasuska u leh ama si toosa ha ugu tago ama taleefanba ha isticmaalee,waxaanu qofka xanuunsanayaa kolba fasax gaaban ama dheer uga heli karaa dhakhtarkiisa kolba sida ay xaaladiisu tahay,waxaana maanta la ogaaday in xidhiidhkan u dhexeeya dhakhtarka iyo bukaanku ay wax wayn ka tartay dadkii maalin walba sida kadisada ah ugu dhimanayay wadnaha,waxaana soo yaraanaya dadka wadno xanuunka qaba ee marka la yara qabto oo kaliya ku carari jiray dhakhtarka xattaa hadii ay saqdhexe tahay,iyadoo marka ay yara lugeeyaan ee aanay wali gaadhin dhaqtarkiiba aad arkayso dad hadii laga yara go,o dhexda kasoo noqda oo naftooda ku qanciyay waagu hakuu baryo, "alla badanaa qof intuu seexday aan soo toosin", miyaanay taasi layaab ahayn,haa laakiin waa ciladaha wadnaha ee kala duwan,mana fiicna in qofku is eegto,oo uu ku gabood falo naftiisa,markii dhawaan ay xidhiidhkooda wanaajiyeen dhakhaatiirta iyo bukaanka wadna xanuunka qabaa waxaa dhacday in la gaadho natiijooyin fiican oo ay ka mid yihiin,diiwaan galin lagu sameeyay taariikhda wadno xanuun ee qofka u gaarka ah taasoo lagula socon karo qof kasta xanuunkiisa,waxaana qof kastaa leeyahay liis lagu muujiyo maalin walba bal inuu kasoo raynayo iyo inuu kasoo darayo,marka taas la ogaadana waxaa hadii uu kasii darayo oo xanuunkiisu soo kordhayo si joogto ah loogu kuur galayaa waxaa sababaya ee buunbuuninaya xanuunkiisa,taasi oo hadii la ogaado inuu qofku sigaarya cab yahay laga joojin karo ama uu iska joojin karoba hadii la ogaysiiyo in cabista sigaarku halis ku tahay wadnihiisa buka, iyo sanbabadiisaba, tusaalaha labaad hadii qofka wadna xanuunka qabaa leeyahay miisaan culus oo jidheed,isna waxaa loo sheegayaa in aanu wadnihiisa bukaa lawdhkan miisan ee culus taag u haynin qasabna ay tahay inuu dhimo ilaa heerka dhaqtarku u qiyaaso ee la itaalka ah wadnihiisa,waxaana yar iyo wayn rag iyo dumar si guud loogula talinayaa dadka wadno xanuunka qabaa inay miisaankooda dhimaan,xalka tusaale ee sadexaad waxaa dhakhaatiirta wadnaha dawaysaa markaaba eegaan qofka wadnaha ka cabanaya bal inay u bad qabaan kalyihiisu,waayo hadii uu kalyo xanuun leeyahay waxaa markaa la ogyahay inuu ka xanuun culus yahay qofka kalyaha fayaw, waxaana had iyo jeer dadka wadnaha iyo kalyahaba u bukaa ay u badan yihiin dad kawayn 45sanno waxaana da,dan marka ay soo qabaan wadno xanuun iyo kalyo xanuun wada socda 5sanno oo kaliya ee ay gaadhaan 50sanno iyo wixii ka sarreeya lasoo darsa xanuunka macaanka,sidaa darteedbaa lagula taliyaa dadka uu hayo wadno xanuun inay xoog iyo xoog ugu dadaalaan sidii ay ula socon lahaayeen caafimaadkooda kalyaha,waayo waxaaba kalyo xanuunka lagu tilmaamaa inuu mustaqbalka horseedo xanuunada guud ee jidhka sida faalig iyo xiiq,taasaana qofkastaa aanu iska dhayalsan Karin kalyihiisa oo buka,waxaana soomaalida lagu tiriyaa dadka xanuunada kalyaha ay ku badan yihiin72% waayo waxaynu ka mid nahay dadka aan biyaha ay u baahan yihiin cabin,taasibaanay ku yaraataa kaadidu waxaanay kalyuhu sufeeyaan dhiig khaasa oo biyuhu ku yar yihiin halkaasina waxaad ka arkaysaa in ay yaranayso biyihii soo qaadi lahaa sunta ay kalyuhu qashin saareen,hadii uu qofku kaadida iska xajistana iyana kabasii daran tan aan sheegnay waxana dhici karta inuu dhiig kaadsho, bal intaas aan ku dhaafno kalyaha oo aha mawduuc iyaguna si gaara ugu baahan ka hadal waxaana I galiyay xidhiidhka ay la leeyihiin wadno xanuunka.

waxaad ogaataa oon intaasoo dhan inaad fahanto ugala jeedaa in qofku wadna xanuunkiisa kaga hortagi karo ama kaga bogsan karo kalyihiisa oo uu ilaaliyo,waxaana ay ku badan tahay dumarka oo wadno xanuun kasokow ay ku keeni karto macdan xanuun ilayn ragu malaha macdan sidaa usii wayne.

Markaa hadii aad wadno xanuun leedahay ama kalyo xanuun dawadaadu waa xidhiidh joogto ah oo aad la yeelato dhaqtarkaaga iyo biyo badan oo aad cabto iyo jimicsi kugu haboon oo aad samayso, miisaankaaga oo aad dhinto iyo xaalada guud ee caafimaad oo aad la socoto.

Qaybta 1aad - Qaybra 2aad - Qaybra 3aad

Qaybta 5aad ?


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.