Xanuunka ku dhaca Wadnaha - Q.3aad
Sida aan sheegnay qormadii 2-aad ee maqaakeenan caafimaad, waxa marka uu qofku gaadho 12 sano jir rag iyo dumarba uu galaa marxalad dhalinyaranimo oo ah xili uu qofku kala soocmayo oo rag iyo dumar loo kala baxayo,waxana sida ay noloshu u kala duwan tahay ilmaha kusoo degdegi kara inuuba qaan gaadho isagoo wali da,diisu ka yar tahay 15 sano,waxanay ku badan tahay hablaha boqolkiiba lix iyo toddobaatan (76%). Qormadan maantana hadii aan halkaa kasii amba qaadno waxaynu odhan karaa “waxaa xiligani yahay xiliga uu bilaabmo wadno xanuunka ku yimaada cuduro iyo aafooyin jidhka intiisa kale ka yimaada waxana lagu tilmaamaa wadna xanuunka xaqiiqiga ah.” Marka uu qofku qaan gaadho waxa dadka qaarkood lasoo darsa dareen xanuuno uu tirsanayo wadnahoodu, hadii aanu xaaladaas qofku is ogaan waxa haya wuxu gali karaa khattar nololeed iyo caafimaad darro la jaan qaada intuu jiro cimrigiisa, waayo waxaa jira xanuuno marka hore laga hortagi karo balse aan dib waxba looga qaban Karin, hadii aan taasi tusaale usoo qaadano waxaba dhakhaatiirtu sheegaan in xanuunada wadnaha ku dhacaa boqolkiiba Siddeed iyo Sideetan (88%) ka yimaadaan habdhiska wareeg ee dhiiga,waxana la ogyahay maanta in xidid kasta iyo qanjidh kasta oo jidhka ku yaalaa uu toos xidhiidh ula leeyahay amase lagaba maamululo wadnaha, sidaa darted baa xubin kasta oo jidhkeena ka mida waxaa dhiiga u tuura kana soo celiya wadnaha taasi oo markaaba ku dareensiin karta in xubintan wadnuhu tahay meesha ugu shaqada badan jidhkeena,isaga oo Nabigeena suuban nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi "jidhka waxa ku jirta waslad hadii ay xumaato jidhkoo dhami xumaanayo hadii ay wanaagsanaatana jidhkoo dhami wanaagsanaanayo ee ogaada waa qalbiga" markaynu eegno xadiiskaa shariifka ah ee kamid ah mucjisadii xigmadeed ee rasuulka la siiyay s.c.w taasoo ku tusaysa hadalka gaaban ee xambaarsan macnaha balaadhan, waa odhaah qaaliya, oo ka turjumaysa dhinac kasta oo loo isticmaalo waxana caafimaad ahaan aad dareemi kartaa inaanu jidhka kale jireen haddii aanu wadne jirin, hadii aan usoo noqono ciladaha caafimaad xumo ee yimaada marka qofku qaan gaadho waxaa kaw ka ah isbadalka jidh ee qofka oo ka guuraya caruurnimo oo u guurayo marxaladan cusub ee qof wayn waxaana taas ku kala duwan rag iyo dumar iyadoo mid kastaa galo marxalad u gaara oo uu kaga duwan yahay ka kale.

Haddii aan tusaale gaaban kasoo qaadano xaga raga wuxu ninku yeeshaa astaamihii raganimo ee loogu tala galay inuu ku isticmaalo dhiggiisa dumar ee loo abuuray lagana abuuray naftiisa, taasi oo uu qofka ragga ahi xiligan ka dhigan yahay mid dib u dhashay oo u baahan gacan qabasho iyo tarbiyad khaas ah iyadoo xiligan uu qofku gali karo dariiqo ka leexsan dariiqa saxda ah ee dhaqan ama caafimaad,waxana ugu khattarsan hadii uu xiligan qaan gaadhka qofku naftiisa hogaamin waayo inay hogaamiso sida uu mustaqbalka kaga guulaystaana ay adagtahay,waxaana xiligaa la arkaa caruuro badan oo tarbiyadii fiicnayd seegay maantana iyagoo rag waaweyn ah ku dhex jira qudhun kasta,iyagoo balwad ka dhigtay sinno iyo waxyaabo badan oo maanta naftooda ay kasoo loodin la’yihiin.

Ta arrintan inaga khusaysaana waxa weeyi,waxa la ogyahay caafimaad ahaan hadii uu ilmuhu bilawga qaangaadhkiisaba isticmaalo inuu la yimaado galmo ama si kaleba ku keeno biyihiisa taasi waxay noqonaysaa dagdag uu ku dagdagay shay bilaw ah oo jidhkiisa ku curdin ah oo aan weli gaadhin heerkii loogu tala galay ee adeegsi,waxana qofka lasoo darsa xanuuno ku dhaca habdhiska taranka,ama unugyada dhiiga cas iyo ka cadba waxana qofku uu lumiyaa walxo muhiima oo ka qayb qaadan lahaa koritaanka jidhkiisa,ilayn waa tan loo isticmaalay hawlo kale,e waxaana dhacda in qofkii oo aan wali gaadhin 16sanno uu u muuqdo nin wayn oo laf jab iyo raganimo hoose ka muuqato islamarkaana uu istaagay koriinkii jidhkiisu,taasi oo uu si dagdag ah meesha uga baxay muuqaalkii jidheed ee caruurnimo, waana la gartaa markaaba ninka dumarka ku bilaaba caruurnimo,waxana qofka ragga ahi isagoo aan gaadhin 40sanno kasoo go,aa gidaarka isagoo u muuqda qof gaboobay oo la itaal ah 70sanno jir,waxana lagu kala duwan yahay heerka nololeed ee uu qofku haysto markuu yaraa iyo imikaba,waayo ragbaan iyagu waxbaba noqon ee adkaysta.

Ujeedada aan arrintan u faahfaahinayna waa hadii qofku noloshan galo wuxuu lumiyaa fayoobaanta dhiig ee jidhkiisa,haday noqoto unugyada dhiiga cas oo dhakhso u gubta ama tiro yaraada ama tayo xumaada, ama unugyada dhiiga cad oo si xad dhaafa u raaca hawsha culus ee xubnaha taranku hayaan isla markaana ay soo daristo in difaacii jidhku lumo oo uu u adkaysan kari waayo iska caabiga xanuunada,iyadoo xanuunka ugu wayn ee markan yimaadaana uu yahay wadno xanuun,taasoo maanta rag badani ka dhaqaaqi kari laayiin wadnaha khaasatan markay hawl gudanayaan hawlahooda habeenkii kamida ah, gaadhi kastoo lawdhkiisa wax kabdan la saaraaba waa sidaa hadii loo fiirsado mustaqbalka mishiinkiisa.

Qormadan oo ah tii sadexaad halkaa ha inoo joogto waa inoo jimcaha dambe isha Allaah .

Qaybta 1aad - Qaybra 2aad - Qaybra 4aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.