Xanuunka ku dhaca Wadnaha - Q.1aad
Wadnaha oo loo yaqaano luqada carabiga {qalbi} ayaa ah kan hadii la is yidhaa ka hadla ay aad iyo aad u dheeraanayso ka hadalkiisa waxaana had iyo jeer loo kala saaraa qaybo badan oo wax looga sheego marka ay ka warbixinayaan dadka takhasuska kala duwan u haysta jidhka binu aadamka.Qormadan caafimaad ee maanta aan ugu magac daray mawduucan kor ku xusan ayaa xambaarsanaan doonta arrimo faa,iidooyin badan iskugu jira kuwaas oo ah kuwo lagasoo ururiyay cilmiyo badan oo jira waxaana ugu muhiimsan kan caafimaad ee khuseeya xanuunada ku dhaca wadnaha iyo halka ay ka bilaabmaan iyo waxa ay ku danbeeyaan iyo xattaa sida ay u kala duwan yihiin waliba iyadoo maanta ay jirto kala garasho la,aan badan oo ka taagan arrintan xanuunada wadnaha ku dhaca.waxaana iga xasuusin ah inaan qormadan usoo xulay si gaar ah oo ka dhigan mid koobsanaysa cilmiyo badan oo naadir ah taasoo aan rajaynayo inaynu arrimo badan ku taabano dhexdeeda isha allaah.

Wadnahu waa shay la sheego inuu yahay walxaha ugu horeeya ee samaysma marka uu binu aadamku ku beermayo caloosha hooyadii waana waslada ugu horaysa ee dhamaystiranta jidhka kale oo wali kala maqan,waxaana weeyi xubinta ugu horaysa ee hawl gasha iyadoo hooyada uurka lihi dareenta todobaadka ugu horeeya uurkeeda shanqadh aad u fog oo la qiyaas ah irbad caaradeed ama xadanxato ka figfig leh meel fog oo caloosheeda ah waxaana sida loo kala dhago nugul yahay ay hooyooyinka qaar is gartaan habeenkii ay caadada heli jirtay markay joogto in ilmo calooshooda galay iyo in kale iyagoo dhagaysta bal inay jiraan wax dareen ah oo ku tusiya uur inuu jiro,taasi oo ay ogaadaan dumarku war sax ah oo ka dheereeya shaybaadh kasta,runtiina waa mucjiso rabbaani ah oo allaah inagu abuuray,waxaana taas maanta cilmiyan lagu ogaaday inuu wadnaha ilmaha abuurmayaa yahay xidhiidhiyaha ugu wayn,intaas kadib inta uu ilmuhu ku jiro caloosha hooyadii waxa uu u baahan yahay in ay hooyadu si joogto ah ula xidhiidho goobaha caafimaadka si loola socdo caafimaadka guud ee hooyada iyo ilmaha,waxaana dhakhtarka looga baahan yahay inuu la socdo caafimaadaka wadnaha hooyada iyo ilmaha caloosha ku jira bal inay si habsami ah u shaqaynayaan iyo in kale,iyadoo arrntaas fulinteedu tahay mid dhakhtarka u dhib yar,waxaana maanta la ogyahay in dadka xanuunada wadnaha u dhinta maalin walba ay xad dhaafeen oo aan tiro lagu sheegi Karin isagoo wadnuhu ah waslada ugu adkaysiga badan xubnaha jidhka hadana si dhib yar uu qofku ugu dhiman karo,waxaana xiliga ilmuhu uu ku jiro uurka hooyadii ku dhaca xanuuno badan oo lasoo darsa wadnahiisa taasi oo uu ilmuhu uu iska bakhtiyi karo hadii cilad yari gasho wadnahiisa.

si waliba badane hadii uu dhasho ilmaha oo wadnaha ka bukaa waxa ay dhakhaatiirtu badnaa sheegaan inaanu rajo caafimaad oo 100% ah yeelanayn, iyadoo badanaaba caruurta iyagoo wadnahoodu buka dhalanayaa waxa ay neef qabatoobaan xiliga dhalmada iyagoon adkaysi iyo xamil madna u lahayn xaaladan dhalasho ee aadka u cidhiidhiga ah waxaana maanta caalamka hore u maray hooyooyin badan ilmaha loogusoo qalaa iyadoo la ogaaday inaanu wadnaha ilmahoodu bad qabin,sidaasaana caruur badani maanta ku ceesheen, runtiina waa dadaal looga baahan yahay waalidiinta iyo dhakhaatiirta daruurina ay tahay in lala socdo,waxaana jirta maanta dad badan oo ilaa toban caruur ahi ka siqiirtay balse aan wali sababta la garan,waliba hadii ay hooyadu leedahay balwad sida qiijinta sigaarka,cunista qaadka,cabista khamriga,arrintani waa mid u dhici karta si joogto ah waxaana waajib ah in hooyadu ka reebtoonaato wax balwad ah mar walba khaasatan markay uurka leedahay waayo taasi waxay halis aduunyo iyo tu aakhiroba u leedahay iyada iyo ilmaheeda Hadii aan wax ka tilmaamno arrimaha ugu wayn ee ilmaha caloosha ku jira ku keena wadno xanuun waxaa ka kow ah balwadaa aan soo xusnay,waxaana soo raaca in hooyadu ay tahay mid lafteedu u bukta xanuuno wadne halkaasna uu ka hiddaysto ilmuhu inkastoo ay tahay arrin naadir ah oon badanaa dhicin, waxaa iyana kamid ah in caafimaadka guud ee hooyadu aanu ahayn sidii loo baahnaa oo uu hoos u dhaco khaasatan nafaqo darro jidheed,waxaa iyana ka mid ah xaalada nafeed ee hooyada oo aan daganayn kabasoo qaad iyadoo uu jiro dhibaato qoys u dhaxaysa hooyada iyo aabaha,waxaana jirta in waqtigan uurka ay hooyadu iska diiqadaysan tahay oo aanay xamili karinba wax hadal ah, markaa hadii ay la kulanto buuq badan iyo cadaadis dheeraad ah waxaa halkaas ka dhalanaya xanuuno nafsaani ah oo aan habboonayn,taasi oo ay dhacdo inay cuntada qaadan waayaan calooshuna istaagto madaxuna xanuuno isla markaana xanaaqoodu batto oo aad aragto iyagoo xataa qofkay ku xanaaqaan ilmo yarna ha ahaadee damca inay kaw kaga siiyaan, markaa hadii aabuhu ama cidii kale ee la nooli ehel iyo qaraaboba ay dareemi waayaan inay tahay tani xaalad soo daristay oo ka baxsan dabeecadii qofka ee caadiga ahayd runtii waxaa iman kara isku dhac iyo mashaakil hor leh waxaana hooyada uurka leh ku badan naxdin joogto ah iyo fakir madaxa daaliya.

iyadoo badanaa la arko ruux dumar ah oo meelahaas kale inay kusoo yara nafisto door biday,waxaa ugu wayn ee dhaca sida arkayna waa marka hooyadu la kulanto caabi iyo cadaadin halkaas ku wax yeelooba ilmihii caloosha ku jiray oo ku dilaaca taasoo caruur badan iyo hooyooyin badan ku dhinteen, hadii taasi dhici waydana waxa ugu yar ee hooyada iyo ilmahaba lasoo darsaa waa wadno xanuun,waxaana aad dhakhaatiirta ka maqlaysaa ilamahan ma korayo oo wadnihiisaa daloola iyadoo la arkay caruur caloosha ku jirtay dhawr sanno,ama dhashay oo hagaas ah isla markaana diciif ah sida uu ku noolaadaa ay adagtahay.hadaba marka ay xaaladani intaas ka gudubto waxaa iyana jirta calaamado lagu garan karo in ilmaha caloosha ku jiraa u buko wadnaha dhawr calaamadood oo ay ka mid yihiin hooyada uurka leh oo ogaata in ay jirto shanqadh faro badan oo aan caadi ahayn sidii waxa ilmaheedu siriray taasina waxay u badan tahay marka ilmuhu dhaafo shan bilood ama dhaqaaq la aan saayid ah oo dareenkii shaqo ee ilmuhu aamuso taasna waxaa u badan bisha sideedaad iyo ta sagaalaad,badanaa dhakhaatiirtu waxay ilmaha iyo hooyadaba wax ka qaban karaan marka uu ilmaha caloosha ku jiraa ka yar yahay shan bilood,balse hadii uu intaas dhaafo waxay siin karaan tusaalooyin fiican kaliya,hadii uu qofku caafimaad qab xaga wadnaha ah ku dhasho waxaa badanaa adag sida ay ulasoo darsaan xanuuno wadneed oo kadiso ah in kastoo isaga oo ilmuhu yar uu qaadi karo wadno xanuun sida isagoo ku noolaada jawi cimiladiisu aanay haboonayn sida hawada ogzagine oo fasakhaan kuwo kale sida qiiqa sigaarka oo ku keena caruurta sanboor iyo xasaasiyad marka danbana wadnahooda iyo sanbabkooda ku keena xanuun.xattaa waxaa dhakhaatiir reer masar ahi dhawaan sheegeen inaanu fiicnayn uunsiga badan ee lagu qiijiyo guryaha caruur yaryar oo dhalatay jiifto

Qaybta 2aad - Qaybra 3aad - Qaybra 4aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.