Tarbiyadda Carruurta iyo Caafimaadka guud
1. ma ogtahay in hadii caruurta oo hurudda la qaado si joogta ah habeen walba ay ka qaado sas iyo hadar ay gaadhaan hadhaw inay kacaan ama had hadlaan iyagoo hurda sidaa darteed ka ilaali marka hore in ilmuhu seexdo meel aan ahayn meeshii uu seexan jiray ee caadiga ahayd .

2. ma ogtahay in hadii ilmaha lasiiyo cunto isagoo kayar 4 bilood ay taasi u xuntahay koritaanka iyo adkaysiga dambe ee calooshiisa sidaa dateed ay fiicantahay inaan la siinin cuntooyinka.. buurbuuran ilaa inta uu gaadhayo lix bilood markaa iska jir inaad kolba cunto ku eegto.

3. ka ilaali in ilmahaaga dhashay ay la ciyaaraan caruur aan gaadhin wali todoba sanno jir ama aad kaga tagto labadooda meel qudha taasi waxay keentaa inay isku dayaan inay qaadaan markaana ay gaystaan khattar soo gaadha ilmaha dhashay ama kan kale laftiisa.

4. ka ilaali ilmahaaga inaad u dhiibto bac ama shay kale oo la nooca si aanu ugu neef qabatoobin.

5. ma ogtahay in uunsiga lagu shido qolka ay caruurta yar yar ee dhalatay jiifto aanu u fiicnayn inadhahooda iyo sankooda oo ay ka qaadaan xasaasiyad sida ay ku tagtaa adagtahay.

6. ma ogtahay in caruurta oo la barro inay hooyadood had iyo jeer la joogaan ay hadhaw ku keento inay gooni u noolaanshaha xamili waayaan .

7. iska jir in ilmahaagu kaaga barto wax joogto ah oo dheeraad ah oo aad siiso si aanay dabeecada koraysaa u qabatimin helitaanka joogtada ah ee aan ku dhisnayn tabaca .

8. hadii uu waalidku ilmahiisa la hadlayo waa inuu iska jiro waalidka kale inuu yidhaahdo daaya ama uu muujiyo naxariis ka dabacsan tan uu waalidka kale isktaacmaalayo, si taasi labada waalid uga caawiso dheeli tirka barbaarinka kobaca nafta .

9. ma ogtay in caruuta dadoodu ka hoosayso todoba jir ama sagaal jir ay u baahan yihiin in cuntada laga kaantaroolo iyadoo aanu si fiican u shaqayn dareenka garashada dharaga awgeed .

10. Ma ogtay in ilmuhu marka uu gaadho sagaal jir ilaa 14 jir uu ka tago baqashadii yaraantiisii isagoo barta jawiga ka sareeya ee cirka iyo meelaha sare dadkana uu biloobo inuu sare u eego dabadeed taasi ay ku keento inaanu cidna ka baqan halka ay caruuta intaas ka yari aanay cirka eegin ee ay dhulka eegto taasina ay ku keento khajilaad iyo xishood fara badan ama baqasho .

11. Sida haboon ee lagu kaantarooli karo ilmo qalqaali ahi maaha in si xooga loogusoo dabaalo waxii dambeecad fiican ah ee lala rabo laakiin waxaa taas wax ka tara sasabada badan iyo dulqaadka waalidka ee ku haboon kolba xaalada ilmuhu marayo hadii cadaadis xoog ahi yimaado xataa hanjabaad kulul kolay ku tahay waxa ka dhasha natiijooyin ilmaha ku keena inuu isku kaasho habeenkii ama uu hadalka hore u raajio hadii aanu hag hago yeelanba ilmuhu waxaana adkaada fahankiisa xaga wax barashada ilaa qaarkood dhago beelaan mustaqbalka dhaw oo ay naafo noqoto xubnihiisa hoose la kori lahaa jidhkiisan sarre qaarana waaba suuxaan.

12. Iska jir inuu ilmuhu arko adigoo aan siinin waxaad caruurta kale siisay isagoon ogayn taasina kasoo ogaada mar dambe waayo caruurtu waa isku faantaa waxay taasi dhaxalsiisaa cadaawad aanu hadhaw la masixi karin oo xusuus reebta.

13.Hadii aad ilmahaaga barto inuu dibada had iyo jeer u baxo ka ilaali inaad aqalka ku xidho waxay dhaqaatiirtu sheegaan inay taasi ka kaxayso naxariista uu u hayn lahaa aadamaha kale hadhaw isaga oo lugta laga xidhaana kasii daranba.

14.Iska jir inaad ilmaha kaga dhufato madaxa sare shay ama timaha aad jiido waayo taasi waxay sare u qaadaa inuu gabashadiisu badato hadhawna waxaa ka lumi doonta kalsoonida.

15. Hadii aad ilmahaaga barto inaad dhariga oo aan wali bislaan wax uga saarto oo uu sidaas ku cuno hadhaw ma barto sida dadka wax loola qaybsado ee waxa uu noqdaa kalidii cune.

16. Hadii aad ilmahaaga barto inuu soo iibsado shay intaad lacag siiso hadhaw waxa uu qaataa lacag aanad siinin adigu.

17. Hadii ilmahaaga aad barto inuu yeesho saaxiib ha ahaado mid u qalma isaga hana ahaado miduu kaga daydo wanaaga iyo waxii fiican sida masaajidka tagistiisa .

18. Dirdirashada wax qabad ee caruurtu marka ay yaryihiin lagu layliyaa waxay keentaa inay marka ay qaangaadhaan u fartoonaadaan waxii howl ah ee loo dirto ama uu soo baxo qof hawl kara oo masuul ah.

19. Isku day inaad adiga iyo caruutaadu maalin isku raacdaan meel aydaan tagin maalmaha kale sida qaraabo soo barasho iyo xidhiidhintaan jaarka ama asxaabta .

20. Had iyo jeer waxii gaf ah ee ubadkaagu galo ku sax wax sheeg aan qalafsanayn iyo dhiirri galin.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.