Xanuunka Suuxdinta - Q.2aad
Sida aynu xusnay qaybtii hore waxaa xanuunka suuxdintu leeyahay qaybo iyo noocyo,waxaynu soo qaadanay tusaalooyin ku saabsan noocyada qaarkood,halkii ay inoogu joogtay waxay ahayd in xanuunka suuxdintu leeyahay waxyaabo badan oo aan hore loo fahmi karin sida ay ku yimaadeen iyo halka uu qofku ka tirsanayo cilada.

Qormadeenan labaad waxay maanta ku saabsan tahay qayta nooc ee labaad ee xanuunka suuxdintu ku yimaado taasi oo aynu ugu horaysiin doono sida xanuunka suuxdinta ay uga qaybqaataan durada jinka iyo wixii kale ee la nooc ah sida isha iyo dabaylaha xun ee saamayn kara qofka.

Hadii aad maqasho qofbaa suuxay oo dhulka ku dhacsan isagoo miyir la, markaaba waxaa kuu kala cadaanaya qaabka suuxdineed ee qofka loo hayo, inkastoo qofkastaa aanu garan karin hadana qofka dhakhtarka ahi waa inuu ogaado inay jiraan sababo kale oo waawayn oo qofka suuxdin iyo dhicitaan ku keena oo jira,tusaale ahaan waxaa in badan la ogaa oo hubaal noqotay in shaydaanku ku keeno qofka marka hore xanaaq marka danbe dhiig kicin marka danbena dhicitaan iyo miyir doorsoon, waxaana sidaas darteed diintu u jidaysay qofka xanaaqa inuu shaydaanaka naaro oo (cawdubilaysto) si taasi uga qaybqaadato dajintiisa caadifadeed ee marxaladaas xanaaqa iyadoo loo tudhanayo in xanuuno kadiso ahi kusoo boodaan naftiisa kuwaasi oo ay ugu yartahay suuxdintani.

Shaydaanka oo u qaybsama laba nooc sida kan jinka ah iyo kan insiga ah ayaa lagu tiriyaa horseedayaasha waawayn ee dhaliya xanuuno badan oo kan suuxdintu kamid yahay , miyaanad arag inta uu qofqof war u sheegay ee halkii ku dhacay ama sidii wax hoose ay xasuusiyeen arrin ee isna halkii ku dhacay? Haa waa qadiyad jirta oo aad ku arki karto waaqaca.

Xanuunka suuxdinta oo ka iman kara jihooyin fara badan ayaa waxaa kale oo loo aaneeyaa inay sababaan quruumo hoose oo jin ah kuwaas oo durayn kara kuna dheeldheeli kara qofka habdhiskiisa dhiig, waxaana duulka noocaas ahi waxyeeladan u gaystaan had iyo jeer qofka ay cidlo ka helaan, waxaan cidladaas ugala jeedaa si aad u fahanto in qofkastoo digriga allaah mooganaadaa si xad dhaaf ah uu ugu jiro cilda yuurur bilaa xayndaab ah, kaasi oo aan haysan waxii xifdi iyo ilaalin RABI ahayd waxaanu u ban baxsan yahay meel dhaw oo uu shaydaan ka ugaadhsan karo sida isagoo macsi ku jira oo kale ama ka tagay cibaadada RABIGIIS . subxaana allaah.

Hadii aad aragtay ama maqashay shaydaanbaa qofkaa galay ama ku jira oo waa miyir laayahay ogow in sababaha ugu wayni ay yihiin kuwan oo kale sida dhexburqasho macaasida ah ama xadgudub sharciyeed oo diini ah ama dulmi uu iskagasoo xad gudbay shaydaanku qofka sida isagoo sheegta jacayl uu qofkan u qabo ama usheegasho wuxuu ka galay qofku oo kale.

Dhicitaanka uu qofku suuray ee uu isla maqan yahay waa wax aan wali si fiican loo wada aqoonsan oo jira,aqoon darrada aan ka qabno jinka iyo fahanka gaaban ee caalamkaas inoogu dhiman ayaa had iyo jeer keenta in dadku la argagaxaan wixii dhacdooyin ah ee ku shuqul yeesha arrimahooda.

Marka ay timaado suuxdin maalinba nooc ah oo kala duwan, ogow in aanay ahayn suuxdin caadi ah,tusaale ahaan hadii qofka suuxay aad aragto inuu u muuqdo sidii mid cunaha la hayo ama sidii mid la tuuray oo wax daafadaynayaan ogow inay meesha jirto xaalad durro ah.

Markastoo ay soo xad gudbaan duul aan fiicnayni waxaa la jihaadaa waa duul kale oo fiican ogow in diinta islaamku tahay dawada ugu wayn ee loo soo dajiyay cudur kasta iyo cilad kasta, wixii balaayooyin ah ee lasoo darsa qofku wuxuu kula tacaali karaa inuu marka hore is eego waxa shuqulkiisu yahay ee uu galay, waayo waxaa habboon in qofku ogaado wuxuu galay in laga jarayo, inbadanbaana la baadhayay waxa ka dhexeeya shaqada qofka iyo cilada qofka haday noqoto mid cudur iyo haday noqoto mid xaaladeedba,waxaana ka mid ah waxyaabaha maanta la ogyahay in ay cudur keeni karaan waxyaabo aan bagteeriya iyo fayrus midna ahayni sida shaydaan iwn.

Qofkastoo mara dariiq aan ahayn ka saxda ah wuxuu socdaba wuxuu gaadhaa meel aanu kasoo noqon karin goor danbe, waxaana mushkilad ah inaad ka sheekayn kari waydo siday waxani kuugu bilaabmeen.

Dhulkeenan oo soo maray marxalado badan oo dagaalo ay ka mid yihiin ayaa mudo sanado ah noqday dhul dhiig ku daatay oo dadkii deganaa birigaas ay ka haajireen waxaana la arkay dhacdooyin aan halkan lagu qori karin oo layaab leh sida markii la is yidhi dhulkii dib u dhisa in aqalada qaarkood lagu dureeyay ragii dhismaha ee dib u dhiska samaynayay taasi oo sheegasho iyo dhac ay qabsadeen intii laga maqnaa lagu arkay halka dadkuba lakala qabsadeen ninkii xumaa ayay iyaguna shaydaan haday yihiin aanay waxba kuu ogolayn makraasoo kale diintu waxay ina faraysaa in la yidhaa waar duulka daartan sii camiray intaan ka maqnayn hadaad allaah taqaanaan iskeega waan dhisayaaye hadii kale maalintaa bisinkaa la idiin qaban isha allaah dabadeed ogaysiiskaa sadex cisho kadib la dhiso sidaasaa sune ah dawona ku jirtaa waayo hadii uu cidlo noqdo markaaba waxaa camira jin waxaanu noqdaa bahalo galeen mida kale waa wax maanta dadku iswaydiinayaan miyaanu shaydaan dad gala ama jin barigaas hore jirin waa maxay waxan cusubi?

Ogow akhristow jawaabtu waa tan sare ku xusane, marka aad fahantay in quruumo kale kaasii dhaxli karaan baradaada hada kadib waxaa kuu dhaqan ah inaad iska ashahaadiso dadkaas hoose oo aad tidhaa walaalayaal gurigaygii dibaan u dhisayaaye sadex cisho kaga guura, hayaabin akhristoowe waa nidaam jira oo ka fiican inaad aroor kuuli ku kalihiso haday doonaan dad aan daahir ahayniba ku jiraan ama aan bisinkaba loo qaban ee cagta uu la marsho reero dhan.

Aafooyinka iyo balaayooyinka kasoo gaadha qofka shaydaan waxay keeni karaan cuduro aanu dhaqtarku waxba ka qaban karin si kastana hadii laguu shaybaadho aad tahay fayoobaan balse aad ogtahay inaad bastaa tahay, markaasoo kale waxay ku tusaysaa naftu inaad diinta ku cararto.

Diinta islaamka oo ah dawada koobaad ee cudur kasta ku dadaal inaad iyada isku horaysiiso oo aad isku dabiibto, waayo taasi waxay xataa kuu sahlaysaa inay diintu ku tidhaa dhakhtar u tag xanuunkaaga dabiiba, runtiina waaba laba shay oo la isku dhex wadi karo oo diintu ma diidana wixii dawo xalaal ah ee jira,

Xanuunka suuxdinta oo had iyo jeer ku badan caruurta ay da,adoodu ka yartahay shan iyo tobaban jir ayaa waxaan ku dardaaraynaa waalidiinta inay ku dadaalaan sidii ay ugu akhriyi lahaayeen quraanka iyo adkaarta kasoo aroortay rasuulkeenii suubanaa maxamed s.c.w waayo waxaa xanuunkan suuxdinta badankiisa keena shaydaan jin ama shaydaan insi oo cawri iyo arwaaxo xun kusii dayn kara.

Waxaan gabagabo uga dhigayaa qormadan dardaaran aan u jeedinayo masuuliyiinta waalidka ah anigoo leh halagu dadaalo sidii caruurta yaryar looga ilaalin lahaa gudaafadaha iyo qashin qubka ay ku ciyaarayaan iyagoo haday doonaan cagaagan, sidoo kale waa in dumarku is asturaan oo cawradooda qariyaan, sidoo kale waa in qofku ka reebtoonaado inuu aqalkiisa ku shido music joogto ah ama caruurtiisa inuu had iyo jeer u labiso oo uu soo ban dhigo, ama aqalkiisa hortiisa ku daadsho cuntooyin hadhaa ah ama xalka weelka, sidoo kale waa inuu qofku iska jiro inuu dulmiga had iyo jeer ku dhaqmo oo had iyo jeer xad gudbo. Caruurta yar yarna waa in la xereeyo waqtiga salaada maqrib la adimi rabo isha allaah allaah ha ina caafiyo oo ha ina cafiyo isagaa qaadir ah.

aamiin aamiin aamiin


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.