Cudurka Suuxdinta
Xanuunkan waxaa loo kala qaadaa laba qaybood oo waawayn oo kala ah waa ta koowaade dhibaato ka timid xididada dareenka iyo dhiiga oo wadashaqyntooda isku xidhnaasho lunto ama kala go,do khaasatan kuwa qaarka sare ee qofka mara ugu badnaan madaxa iyo laf dhabarta, farsamo aanay wax kale ku lug lahayn oo jidhka ka dhex dhacday awgeed.

Macnahan sharaxa kooban wataa waa mid hadii la isyidhaa sidiisa u faahfaahiya aan laga gayoonayn balse intaasaa inoogu filan fahanka dhaw,walibana waynu sii dhex gali doonaaye qaybta labaad waxay noqonaysaa saamayn dhibaato oo ka timaada shaydaan iyo qoomkiisa oo qofka nidaamkiisa wareeg ama shaqo ee xidida dareenka kala xidhxidha(nerfiska) kala xidhxidha markuu doono taasi oo leh qaab aad u layaab leh oo qofka ku timaada adigoo arkaya xataa muuqaal aan qurux badanayn oo qofka wajigiisa ka muuqda.

Xanuunkan suuxdinta oo labadiisan nooc mid kastaa usii qaybsamo qaybo badan waxaynu kasoo qaadanaynaa bal mid walba kuwa ugu caansan,tusaale ahaan marka lasoo qaato qaybta koobaad waxaa ugu caansan noocyo suuxdineed oo qofka kusoo bilaabma marka uu yaryahay kuwaasi oo sababaha keenaa ay badan yihiin,laakiinse aan ka xusi karno qaar sida, hadii hooyada foolanaysa ay fooshu ku dheeraato waxaa waxyeelo lasoo daristaa isna ilmaha dhalanaya khaasatan waxaa hadii xoog la isticmaalo had iyo jeer waxyeelooba nidaamka xidido ee mara lafdhabarta kuwaasi oo wali tiradooda la xadidi kari laayahay badnaan waxay ka qabaan iyadoo dhaqaatiirta xididada ku takhasusay had iyo jeer ay ka digaan in ilmaha saqiirka ah dhabarkiisa la dhayalsado oo si xun loo qaado ama xoog lagu isticmaalo. waayo hadii goobtan xididalayda ah oo kale jugi gaadho waxaa loo aaneeyaa inay mustaqbalka dhaw intaanu ilmuhu gaadhin sanad lagu arko cuduro ay suuxdin ka mid tahay.

Qiyaasaha lagu qiyaaso dhul gariirka ama xawaaraha dabaylaha waa kuwo la isla meel dhigay oo qalab casri ah loo adeegsado balse wali waxaan la hayn qiyaas ay jarto heerka suuxdineed ee qof ku iman kara,waayo waxaaba ay suuxdintu marmar ka madax banaanaataa saacada iyo waqtiga, waxaana inagu adkaanaysa inaan daqiiqad ama ilbidhiqsi kun meelood loo qaybiyay garano,sidaas awgeed ayaa maqnaanshaha miyir ee qofku uu dami karaa waxaan qiyaastiisa la garanayn, waxaana qof xanaaqay uu sababi karaa inuu dhaco wax yar dabadeed uu soo miyirsado isagoo dhago cuslaaday ama indhihiisa diciif galeen culayska ay leedahay awgeed suuxdinta noocani ahi, waxaa kale oo sidaas noqda caruurta ilaalinta badan lagu kaantaroolo ama la canaanto.halka ay dumarka qaarkood oo uur lahi ka dhicin karaan hadii ay suuxaan iyagoo xanaaqay ama naxay.

Suuxdinta caadiga ah ee uu qofku raftaa waxay ku muuqatay dhicitaankan qofka ee dareenka wayn leh sidaa darteed koritaanaka jidheed ee qofku hadii uu qarsanayo in xidido taagan oo jidhkiisa kula socday kala jiidan ay maalin maalmaha kamid ah go,aan oo ay kusoo boodi karto suuxdin aanu qofku filanayn labaatan sano kadib, sida fiix ku taala qoorta oo kale dhinacyadeeda koonayaasha ama qadaadka way ka duwan tahay tan cunuhu waxaana ugu khatarsan kuwa dhgta dabadeedas kasoo baxa oo xataa ilaa maanta qaliinkooda la isku haysto.

Ilmaha ka badbaadi waaya inuu dhibaato la kulmo markuu dhalanayo waxaa had iyo jeer u qarsooma waxyeelooyin haleela habdhiskiisa neerfe ilaa maskaxda, waxaana dhakhaatiirta qaar badani sheegaan in ilmaha sidaas jugtu ku gaadho ay lasoo daristo buro kasoo baxda madaxiisa oo halisteeda leh lagana yaabo inay ilmahaba ka waynaato jidhkiisa kale dhawr sanno kadib.

Waxaana maanta aad looga raystay dhibaatada ay leedahay foosha dheer ee dumarka iyo ilmahaba u keeni jirtay cuduro badan oo musutaqbali ah. Taasi oo lagu bedelay qaliin fudud VVVVVVVVVVVVVVVVVVVVVV sidoo kale.

Waxaa marka aad arrintan u fiirsato waalidiinta ku waajib ah inay si gaar ah u ilaaliyaan ilmaha dhashay waayo ma haboona in ilmahaaga isagoo aan wali gaadhin aad fadhiisiiso ama markaad qaadayso si xun oo dhufasho ah u qaado ama aad ku halayso qof aan ihtimaam siinayn sida ilmo yar oo aan wax garadba ahayn,waayo waxay taasi ka hor tagtaa oo laga taxadirayaa in ilmahaaga jug iyo waxyeelo ka gaadho dhabarka isla goor dhawna aad la carcararto.

Caruurta yaryar ee da,adoodu u dhaxayso laba sanno ilaa shan sanno waxaa had iyo jeer laga ilaaliyaa wixii diiqad iyo cidhiidhi galin kara acsaabtooda,tusaale ahaan waxay dabeecadoodu ku salaysan tahay inay waxay doonaan loo fuliyo waayo waxaad arkaysaa isagoo ilmuhu waxaanu lahayn ku dhagaya ama amar ku bixinaya in waxaas loo yeelo, markaas hadii uu ilmuhu xaaladan la kulmo cadaadis joogto ah waxaa ay dhakhaatiirta nafsaanigu sheegaan in cadhadii ku burburi lahayd doonistiisu ay dib ugu jabayso oo uu banadmi karo,markaas tanina waa mid kamid ah sababaha suuxdinta keena,waxana lagu qiimeeyaa ilmoba sida ay dabeecadiisu tahay waayo caruutu way sii kala xag jiraan,waxaana waalidka mar kale aan u sheegayaa inuu barto ilmihiisa dabeecad ahaan si uu uga hor tago xanuun la darsa oo sidaas kula xidhiidha,waliba khaasatan caruuta itaalka daran ee xanuuno kale lafta kaga jiraan aad haloo ilaasho.

Caruuta yar yar ee ka hoosaysa toban jir had iyo jeer waa qalqaali waxaana wixii jug ah ee ciyaartooda kasoo gaadhayaa hadii ay madaxa iyo dhabarka ka haleelaan keenaan suuxdinta nooc kamid ah mana fiicna in loo ogolaado caruurta dhaqanka xun ee la yidhaa BT ama isqalaama rog aan idhaahdee, sidoo kale waxaa taasi la mid ah kasoo boodka meel dheer, iyo iyadna dhabarkoo ay isku qaadqaadaan caruurtu,ma fiicna kuwaas oo dhami, dhaqanka suuban iyo tarbiyada caruurta oo la wanaajiyo had iyo jeerna laga saxo qalqalooca waxaa inoogu jira caafimaad qab iyo ka hortag cuduro badan.

Xanuunka suuxdinta waxaa sidoo kale ka taga xanuuno kale oo uu qofku soo maray xanuunadaas oo waliba hadii ay xumad fara badan lahaayeen iyagu ka taga suuxdinta ugu xun ee saldhigeedu noqdo madaxa, qormadan maata oo dheerayd aan intaas kusoo gaabino inagoo qaybata labaad u dhigan doona qormada labaad isha allaah.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.