Saamaynta Shaydaanku ku leeyahay duminta Qoyska.
Waan firfircoonahay markaan u baxo dibada, laakiin markaan xaafada joogo waxaan rabaa inaan seexdo oo aan wax shaqo ah qaban culaysbaa iga saaran garbaha sanboor iyo cabudhbaa I qabta waxaan leeyahay dawakhaad joogto ah shanqadhuna way i dhibtaa caruurtana waxaan rabaa inaan garaaco umana dulqaadan karo ilaa intii aan dhalay ilmahayga labaad sidaana waxaan isku arkay afartan bixiisii oo laga joogo hada lix bilood, Maalintaas aan xaflada lahaa waxaa uunsi ii keentay gabadh aan saaxiib ahayn oo barina aan isku yara dhacnay laakiin aan ka heshiinay, inkastoo aan shakisnaa hadana illaahaybaan iska talo saartay.

Markii aan arkay in aanan caadi ahayn ayaan dhaqtarka u sheegay xanuunkayga anigoo si walba ugu warramay hadana wax uu iisoo qoray kiniino kala duwan oo ay ku jiraan kuwo loogu talo galay daalka maskaxda iyo kuwo fiitamiino ah oo badan waanan kasoo qaatay.

Maalin maalmaha ka mid ah anigoo jooga suuqa ayuu odaygaygu isoo maray waxaanu ii sheegay inuu buko wiilkayga ugu yar caruurta, waanan ka naxay runtii waxaanan ku idhi sow xalay oo dhan maynu buuqayn? haa ayuu yidhi waxaan ku idhi waa maxay waxan ay caruurtu la xanunsato haddii uu waalidku wada hadlo? waxuu yidhi hadalkaa nuxuus ah oo shaydaan ah … markii uu arkay in indhahaygu casaadeen ayuu yidhi shaqee oo shaydaanka iska naar anaa farmasiga gayn, laakiin maan yeeline gaadhibaan soo raacay oo waxaan tagay xaafadii isna suuquu igaga hadhay.

Markii aan gaadhay aqalkii waxaan u tagay inankii yaraa oo iska ladan oo ciyaaraya laakiin wax cunto ah aan afka saarin ishiisuna ay godan tahay oo shuban iyo matag leh.

Gaadhigii aan watay ayaan ku qaaday farmasagaan geeyay waxaa loo soo qoray sharoobooyin amateedka ah iyo tu qanjo xanuunka ah waan soo ceshay waan jiifsaday aingoo xumad iyo qandho leh Intii aan hurday waxaan arkay manaam anigoo dilaya naag rabta inay ilmo iga qaadato, taas oo ahayd naag kolba aan garanayo khaasatan kuwo aan jaarnahay suuqa oon ogaa inay yara xaasid yihiin.

Waxaan kacay anigoo aad aragto inaan dagaal kasoo baxay oo gabigayguba wada burbursan isla markaana indhuhu I bararsan yihiin gaajona bastay ah oo cunto raba ilayn maan qadayn.

Had iyo jeer waxaan iloobaa ama ka wahsadaa waxii kiniino ah ee dhaqtarku iisoo qoro aniga iyo caruurtayduba ma jiraan dawo aan dhamasanay oo dhaqtar markay buuxsamaan ayuunbaan daadiyaa iyagoo kale badh ah.

Maalintaas galinkii dambe oo dhan aqalka Kamaan bixin, laakiin waxaan rabay inaan aqalkii hooyaday tago oo aan wax kasoo cuno waayo tii aqalkaygu iima dhadhamayso waxaanan ku jiraa cidhiidhi.

Waxaan dareensanaa inaan uur cusub sido oo aan tirsanayay laba bilood, balse wali dhaqtar iimuu xaqiijin.

Habeenkaas hurdo maan arag laakiin waxaan seexday maqsin aan kii hurdada ahayn anigoo rabay gooni useexasho aan kaliday meel jiifsado hadana waan baqanayay oo waxaan la jiifay caruurta, Waagu waxuu ii baryay anigoo soo jeeda arooraas odaygaygu waxa igula taliyay inaan culimada u tago Waxaanan ku idhi hooyo ii geeya iyadaa I kaxayne wuu iga aqbalay waxaanan tagay aqalkii hooyaday oo aan naga fogayn, balse aad moodo inay wax nakala xidheen oo aanan u tagi Karin waayo aroortiina waan baxaa habeenkiina waan soo hoydaa oo waxba ma haleelo xataa taleefanka anigoo qalibiga ku haya kalama hadli karo reerkayga oo dhan.

Markii aan aqalka hooyo tagay ayaan salaantii kadib hooyo u sheegay inuu madaxu I qiiqayo markay subag lo,aad oo ay haysyay madaxa Ii marisay kadib waan yara jiifsaday inigoo galay hurdo aanan baryahan helin iyadoo la ii sheegay inaan khuuro ku dhuftay isla markiiba .

Markii aan toosay ayaa la igu yidhi malaha hurdo la,aan baa ku haysay oo qudha waxaanan dareemay yara degenaansho iyo gaajo waxaana la Ii keenay cunto aan xoog u cunay sidii waxaan safar kasoo galay.

Maalintii oo dhan halkaas ayaan ku limiyay shaqadiina maan tagin hooyana waan lasoo balamay inay ii timaado oo aan sheikh u tango cilaaj haysta.

Habeenkii markii aan seexday aqalkayga waxaa ii yimiday naagtii aan ku riyoon jiray oo wadata oday gadh cas oo gaaban waxayna ila dhaceen faashash iyagoo igala baxay intaas uur jirta waxaan ahaa sidii wax dhinac kasoo jeeda oo bilaa awood ah naqaskuna waa iqabtay Waxaan toosay iyada aan dhiig baxay oo ilmihii igasoo dhacay isla markaana aanan waxba ku noolayn.

Ninkayga oo ah nin dulqaad badan ayaa ii ogalaa inaan maqsinada kale seexdo si aanan u diiqadoon ilayn waxbaa ii diidane hadana waxa uu igasoo war heli jiray saqda dhexe saacadiiba mar waxaanu habeenkaa dareemay taah fara badan iyo jibaad qolkayga ka baxay waxaanu arkay inaanan fayooban markaasuu I qabtay oo arkay waxa igu dhacay dhaqtabaana la iila cararay.

Iyadoo dhagahayga ay kasii guuxayaan kalmado ah sheekhaaba kala dhacye anaa kuleh intaad nooshahay ee dhimo caruur dambena ma dhali kartid.

Runtii wax wal oo dadku lahaayeen waan maqlayay waanan garanayay laakiin maan jawaabi karayn waxaana la lahaa inanta ma shaydaanbaa dardaray waxan helay waa maxay Markii dhaqtarkii aan tagnay waxa uu yidhi ilmaa kasoo dhacay waanu kasoo dhamaaday oo sufayn uma baahna jiifiya todoba cisho dawo ha qaadato ..

Dhaqtarku waxa uu igu yidhi yaa ku dilay waxaan ku idhi cidna waxuu yidhi waxan aan ku arkay jidhkaaga baabacooyin lix iyo todoba farood leh oon ka yaabay markaa jugbaa ku gaadhay waxaan ku idhi waa shaydaamad !!!! dhaqtarku wuu yaabay balse wuxuu yidhi way dhacdaa oo waan aragnaa dumar badan oo sidan noqday laakiin adiga xoogbaa laguu dilay waxaan ku idhi salaadii cishaai ee xalay maan tukan oo bilaa wayso ayaan ku seexday waxaan u malaynayaa inuu shaydaanku taas ka faaiidaystay xalay …. Dhaqatarku waxa uu sheegay inaanay jirin wax sabab caafimaad darro ah oo ilmahayga soo riday marka laga tagi waayo waxa uu yidhi waxaad u baahan tahay dhaqtar naftaada daweeya…. markaasaan idhi dhaqtar kuwii jidhka dawaynayay ayaa lakala laayahaye xagee laga helayaa ku nafta daweeya ? waxuu yidhi bal u tag culimada dabiibka u tag… markii aan ka baxay dhaqtarka sadex cisho gudohood ayay ahayd waayo todoba cisho waan kari waayay waxaan tagay cilaaj meel lagu dabiibo dadka aniga iyo hooyo.

Markii aan irida ka galay ayaa miyir iigu dambeysay oo aan dhacay waxaa la ii sheegay inay wax iga hadleen sheegtay dumar iyo ragba waxaanan soo miyirsaday inigoo jiifa oo quraan la igu akhriyayo balse intii hore ka fudud oo kana caafimaad fiican waxaana la ii sheegay inay wax iga baxeen oo aan hada caafimaad qabo markii horena il caynu naas ah iyo dabayl jin igu dhaceen markii dambena ay noqdeen shaydaamad la yidhaa ummusibyaan taasoo mudo lix bilood ah I haysatay igana dhigtay runtii qof kale aan ahayn qofkii la igu yaqaanay dad iyo duunyo I dhibtay waxaana uu sheekhaasi igula taliyay inaan iska daayo cadarka aan la baxayo is asturo saalaada iyo wayso qabka ku dadaalo carabkayga ilaasho sadaqada bixiyo jaarka dhawro odaygeyga adeeco u dulqaato soo dhaweeyo ilaahay u toobad keeno adkaarta aroortii akhristo iyo gabalku markuu dhaco quraan la cabo iyo dhir la isku qooshay ayuu isiiyay waxaanan meeshaas kasoo baxay inigoo aad moodo barigaan inanta ahaa fudayd dartii waanan ladanahay maalintii laga bilaabo alxamdulilaah.

dhinac walba waxaanan xasuustaa waxii isoo maray oo ay ugu waynayd inaan markasta oo aan bukoodo dooni jiray inuu odaygu warqada isiiyo inigoo taas ku khasbi jiray oo is odhan jiray malaha waad bogsan iyo isagaa lagaa raacay iyo wax caynkaas ah balse hada waxaan ilaahay ku mahadshaa inaanu reerkaygu dumin shaydaankiina iga tagay waxaa kale oo aan dadka u sheegaa in furiinkan batay laga hubsado shaydaanku saamaynta iyo doorka uu ku leeyahay waxaa kale oo aan ogolaaday si taas wax looga iftiinsho in qoraalkani soo baxo iyadoo magacayga hore oo qudha la xuso anoo isleh waxuu anfici dad badan oo sidaadan u buka kuwaas oo u baahan cilaaj diini ah oo deg deg ah ugu dambayn waxaan mahad iskaleh allaha shaafiga ah sidoo kale waxaa iyaguna aan mahad usoo jeedinayaa dhamaan shaqaalaha rugta IHSAN ee isku dawaynta diinta iyo dhirta oo sabab u ahaa inaan cilaajkan helo.

dhamaad hadalkii caasha.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.