Saamaynta Ishu ku leedahay Jidhka - Q.1aad ?

Sida aynu soo sheegnay qormadii tan kahoraysay wuxuu sixirku saamayn toos ah iyo tu aan toos ahaynba ku yeelan karaa xubnaha taranka, inagoo sheegnay in xanuuno iyo cilado badan oo camalu shaydaan ku lug lihi ay dhibayaan dad badan oo dunida ku nool isla markaana shaydaanka jinka iyo shaydaanka insigu waxay dad badan uloogeen camal iyo shaqo sixir ah oo ay iska kaashadeen.

Sidaa darteed waxaa iyana muhiim ah in la xuso in si dhib yar looga guulaysan karo oo ay shayaadiinta iyo kuwa la shuraakada ahi had iyo jeer ay yihiim kuwo fulay ah ama diciif ah oo aanay xaqa waajihi karin waxaana ku filan iyadoo isamka illaah laga cuskado sharkooda sida uu illaah inoogu sheegay quraankana maba dhibi karaan idanka illaah mooyee cidna, waxaa kale oo iyana haboon in maadaama ay waxaasi maanta yihiin kuwo dhexdeena kusoo badanaya laga hubsamaysto oo qof kastaa qalbigiisa ku camirro digriga illaah iyo yaqiinta dhabta ah oo aanay fiicnayn in qalbiga shaki iyo waswaas looga hoy sameeyo, waayo waxaaba shakigu uu albaab u yahay in waxani si dhib yar kuu saameeyaan, kalsoonida qofka oo markasta xoog ahaata ayaa ah tan wax wayn katari karta in waxba ku mari waayaan, sidoo kale hadii uu qofku macsida iyo camal xun had iyo jeer ku dhex jiro wuxuu bartilmaameed u yahay in dhibaato shaydaan asiibto, tusaale ahaan ma fiicna in qofku sarajooga iskaga kaadsho oo uu nadaafada ka tago ama meel aan daahir ahayn uu ka hoy iyo maqaam samaysto.

Sidoo kale waxaa iyana haboon in markasta lagu shaqeeyo oo laga caado iyo camal dhigto wixii fiican ee diinta islaamku ina fartay ee lagaga dayanayo rasuulkii suubanaa s.c.w taasoo difaac iyo dabiiba u ah camal kasta oo shaydaani ah.

Maanta waxaynu wax ka xusi doonaa sida ay saamayn ugu yeelato isha aadamahu xanuuno asiiba xubnaha taranka marka hore se waa maxay ishu hadii aynu iswaydiino waxa weeyi jawaabtu sida ay isha aadamuhu wax u cawryi karto taasoo diinta islaamku sheegtay inay tahay xaq iyo xaqiiqo jirta isla markaana ay tahay mid qof kasta ka dhici karta nin fiican iyo nin xun intaba,anigoo ka cudur daaranaya inaan isha wax badan ka faahfaahiyo waayo waxay inaga leexinaysaa mawduucan isaga ah, balse hadana waxaa lagama maarmaan awgeed sharax kooban aan ka bixin isha si loofahmo cudurka aan sheegi doonaa halka saldhig u ah ee uu kasoo fulo waa isha,e, diinta islaamka oo aad uga hadashay si fiicanna u faahfaahisay macnaha iyo sharraxa isha cawrideeda waxaa rasuulka laga wariyay inuu yidhi “ishu markay ku dhacdo ninka ragga ah waxay galisaa qabriga markay awrka ku dhacdona waxay galisaa dhariga”.

Xadiiskan rasuulka s.c.w waxaynu ka fahmaynaa khatarta ishu leedahay waxaa kale oo rasuulka laga wariyaa inuu yidhi “hadii midkiin shay uu arkay wanaajisto oo uu ka helo ha yidhaahdo maashaa allaah” xadiiskanina wuxuu ku tusayaa in ishu ka dhici karto qof kasta oo il leh .. Sida ay culimada arrimahan u kuur galaa sheegaan waxaa ishu tahay mid kawayn sixirka waayo waxaa ishu ku timaadaa si dabiici ah balse sixirku waa wax laga shaqeeyay oo khaldami kara, markaa waxay culimadu ku taliyaan in isha intii laga foojignaan karo laga hor tago waayo hadii ay dhacdo waxay keentaa cilad aan si dhib yar ku tagin, marka aad u fiirsato mujtamaceena waxaad arkaysaa in ay aad iyo aad u moogan yihiin khataro badan oo ku xeeran sida haboon ee looga gaashaaman karo in musiibo il aadame kugu dhacdo waxay tahay adigoo qarsada wixii nimco ah ee dheeraad kuu ah ee illaah ku siiyay maadaama aanay dad badani kula qabin hadiise adigoo caruur qurux badan illaah ku siiyay inta aad usoo labisto aad xarrago isla mushaaxdaan suuqa waxaad ogaataa inayna mujtamacani maansha allaah ku tababarnayn ee ay yidhaahdaan aal aal aal bal eega waar ma adaa dhalay nasii ducadii caruurta isla markaa hadii aan dadka qaar ka farxin waydo cida ay ka go’antahay waa caruurta adigaana galaaftay waxaa kale oo jirta in la ogaado in wixii qurux badan ama cusub ay indhuhu ka helaan markaa hadii aanad digri iyo quraan aanad had iyo jeer carrabka ku haynayn waxaad ku sugan tahay khatar aan la malayn Karin khaasatan dumarku waxaa waajib ah inay is asturaan oo aanay noqon wax gantaalo iyo warmo soo dhacaya u ban baxsan,waxaana fiican inaan dumarku soo bandhigin nimcooyinka illaah yidhi qariya,sida uu illaah ku sheegay quraanka isagoo nabiga la hadlaya “ku dheh muuminiinta laaba indhihiina" oo hoos ufoorariya kana qariya wixii illaah ka xarimay ee xaaraan iyo cawro muuqata ah ilaaliyana xubintiina taranka” sida aayadaa ku cad waxaad arkaysaa in meesha halis fara badani jirto. Sida ay xusuun dhakhaatiirta casrigan waxay isha aadamahu tahay laysarka kali ah ee jira ee bilaa kalarka ah kaasoo daloolin kara gubina kara wax kasta oo uu ku dhaco xataa waxaa la sheegaa inuu yahay mid ka dheereeya masaafada ahna mid xidhiidh wayn la leh qalbiga iyo nafta aadamaha oo sida ay dadku ukala naf iyo dabeecad xun yihiin ay xaga ishana ugu kala waxyeelo xun yihiin iyadoo ay jiraan dad cawrida ku baas oo si gaar ah in la iskaga ogaadaa ay haboon tahay taasoo lagula tacaali karo iska jeedin iyo farsamo lagaga badbaadi karo.

masalan waxaa jira dad waxa dadka la jeclaysiiyay oo nuxuus ah kuwaas oo xataa leh xaasidnimo iyo waxyeelo kale oo dheeraad ah in kastoo xaasid kastaa uu cawrina leeyahay balse aanu qofkastoo ku cawryi karaa xaasid ahayn waa farqiga u dhaxeeya xaasidka iyo qof ili kaaga dhacday, inagoo iskasoo gaabinayna waxaa maanta la ogaaday in ishu ay ka dheerayso masaafada oo qofku uu cawryi karo waxaanu arag, halka markii hare laga ogaa in wixii ishu ay aragto kaliya ay cawryi karto waxaana arintaa soo galaya qofka indhoolaha ah oo isna wax cawryi kara hadii looga sheekeeyo oo uu ka helo.waxaana jirta in ishu ay ku dhacdo meel kasta oo jidhka aadamaha kamid ah ama shay kasta oo jira oo qofku leeyahay,sida ta ku dhacda xubnaha taranku waxay ka timaadaa arimaha la xidhiidha guurka hadii qofku qof uu si xun ugaga baxo balan iyo axdi uu u qaaday.

Lasoco waynu sii faahfaahin jimcaha dambe isha allaah


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.