Nafaqo darrada Carruurta

Caruurta u dhimata maalin walba ama u jiifta nafaqo darradu waa wax dhibaya bulsho kasta oo ku dhaqan dunida guudkeeda,gaar ahaan wadamada faqiirka ah.

Gaajada iyo cudurada ayaa ah kuwan isku bahaystay sidii ay aafo joogto ah ugu ahaan lahaayeen kolba cidii ay ka helaan jaanis bulshooyinka dunida ku dhaqan.

Waxkaqabadka labadaas ku wajahan iyo dadaalada loogu jiro sidii waxuun looga dabooli lahaa baahiyaha haysta dalal fara badan oo aduunka ku yaal ayaa ah mid aan xidhiidhkeedu kala go, lahayn ilaa maanta.

Nafaqo darrada lasoo darista caruuro badan oo dunida kunooli waxay inta badan kasoo jeedaa baahida xaga nolosha ee haysa iyo farsamo xumada waxii ay heli karayeen.

Cuntooyinka aan dheeliga tirayn ee had iyo jeer lasiiyo caruurtu waxay sababtaa cudurada intabadan, sida shuban iyo matag.

Naasnuujinta ilmaha ayaa ah tan koobaad ee muhiimka u ah ilmo kastoo dhashay isla markaana ah difaaca ugu horeeya ee ilmuhu kaga gaashaaman karo xanuun kasata, waxaa la ogyahay in caanaha naaska hooyadu yihiin cunto iyo cabis dheeli tiran oo ku filan ilmo kasta oo jaqaya isla markaana uu kaga maarmi karo waxkasta oo kale.

Dhibaatada ugu badan ee haysa caruurta maanta marka la eego xaga nafaqo darrada waxaad arkaysaa inay u badan yihiin kuwo aan naaska jiqin ama hore looga gudhiyay.

Xiliga ay caruurta da,doodu marayso sanad ilaa laba sanno iyo badh waa xiliga ay ugu xanuuno iyo cuduro badan yihiin waxaana had iyo jeer lasoo darsa shuban ama matag, kuwaasi oo sababa fuuqbax ilmaha u horseeda ilaa heer dhimasho.

Xiligan uu ilmuhu gaadhay hal sanno iyo sadax biood jir ee uu wali jaqayo naaska hooyadii waxa uu rabaa inuu sidoo kale qaato cunto ku habboon,maadaama naaska hooyadii uu sii nafaqo beelayo oo aanu ku qabin caanihii hore.

Marka ay hooyadu qabto cilado xaga dheefshiidaka ah oo ay caloosheedu xuntahay sida iyadoo taagan ama ay jirto nafaqo darro haysa hooyada isla markaana uu ilmo jaqayo, waxaa isdhima xaaladeeda caafimaad ee guud, taasi oo ay yaraanayso difaaca jidhka ee ay adkaysiga uga yeelan lahayd xanuunada, waxaana lasoo darsa xanuuno xaga macdanta dumarka ku dhaca oo caabuq iyo macdan wareen u badan sidoo kalena horseeda xanuuno kale iyadoo ilmuhuna uu hooyada ka jaqo caano aan ku habboonayn oo wasakhaysan, waase la isku qilaafsan yahay taas.

Sidaas darteed ayaa marka uu xumaado daryeelka hooyadu caafimaad ahaan ay khattar u galaan caruur badan oo naas nuugayaal ahi, waxaana la arkaa ilmaha naaska jaqaya oo shuban ama matag ku dheceen isagoon wax xanuun ah iskii u qabin, balse aad maqlayso hooyooyin leh anuu xanuunka iga jaqayaa.

Marka ay taasi dhacdo lama gudboona hooyada inay naaska ka dayso ilmaheeda balse waxaa loo baahan yahay inay caafimaadkeeda daryeesho oo ay dib isku dhaqtariso. caruuro badan oo naaska diida ama qaadan waaya cuntooyinka kale iyo cabista waxaa badankooda lagu sababeeyaa inay la kulmeen waxaan ku habboonayn marka hore inay isticmaalaan sida dawooyin sharoobo ah oo lagu qasbay ama dawo dhaqameed aan qiyaas lahayn.

Xanuunada nafsaaniga ah ee uu ilmuhu la kulmo xiligan da,diisu ay tahay sanad ilaa sadex sanno dhamaantood waxaa loo tiriyaa inay gaystaan hooyooyinku, waayo waxaad arkaysaa ilmaha oo si naxariis darro ah loogu qasbayo dawada, taasina waxay keenaysaa inuu ilmuhu qabatimo cuqdad uu ka qaado wax kastoo la isyidhaa siiya, sidaana uu kaga go,o cuntada iyo cabista kale, tanina markaa waa qodob muhiim ah marka laga hadlayo nafoqo darrada.

Daryeelka caruurta qaadan wayday cuntada iyo cabista waxaa looga baahan yahay hooyo walaba inay markaaba ilmaheeda kula gurmato goobaha caafimaadka isla markaana raadiso dhaqtar aqoon uleh oo ka caawiya la dhaqanka ilmahaas, balse waa in aan dawo kaliya loo soo gadin ilmaha ee se ay jirto daryeel buuxa oo loo fidiyo ilmaha buka.

Sharciga caafimaadka u yaala marka si xaq ah loogu noqdo waxaad arkaysaa inaan dawada lagu aamini karin qof aan aqoon u lahayn sida hooyo aan waxba akhriyin qorinna, Waayo taasi waxay khattar ku tahay cida quudanaysa dawada oo u baahan in loo siiyo sidii saxda ahayd, waayo aragnimada lafteedu waa nooc aqoonta kamid ah :

Had iyo jeer waxaa dhacda in caruurtu dawada qaadan waydo ama marka ay laba cisho qaataan ee ay yara ladnaadaan laga daayo, dabadeed hooyadu aragto xanuunkii oo soo noqday sidaana ay ku siiso dawadii oo laga yaabo inay xumaatay, way dhacdaa badanka.

Caruurta had iyo jeer iska bukaanka ah ee la arko iyagoon korayn oo diciifay waxay badankoodu qabaan cunto xumo ama cunto aan waxba u tarayn.

Dadka danyarta ah ee dhaqaalahoodu liito waxay heli karaan cuntooyin heerkooda nololeed la gayaan ah isla markaana ugu filan nafaqadii iyo shayadii muhiimka ahaa ee ay cuntada uga baahnaayeen kuwaasi oo u gali kara halkii cuntooyinka qaaliga ah.

Waa in hooyadu aqoon u lahaato ama aabuhu faaiidooyinaka ay cuntooyinku leeyihiin iyo midkasta fiitamiinada iyo macdanaha laga helo si ay u raadsadaan maalinba tii ay goynayaan kharshkeeda.

Caloosha buuran ee caruurtu waxay kasoo jeedaa xanuuno ay wali ciladoodii jiifto ilmaha waxaana la arkaa isagoo ilmuhu aan qaadanayn wax cunto ah ama cabis ah oo ku filan, taasi oo keenta inuu ilmuhu da,a waynaado isagoo hagaas ah.

Waxtarka ugu wayn ee caruurta koraysaa waa cabitaan ku filan inuu helo ilmuhu si uu u daboolo baahiyihiisa u badan koritaanka jidheed, taasina waa qaaciido la ogyahay in shay kasta oo korayaa uga baahi badan yahay cabitaanka wax kasta oo kale, tusaale hadaad rabtana u fiirso dhirta.

Hooyada caruurteeda kula dadaasha sharaabka fiitamiinada iyo macdanaha wata ee khudaarta laga marooyijo gaar ahaan kuwa aan juuska ahayn ee khafiifka darreeraha ah laga dhigo sida liinta cananiska fiintada maangaha xabxabka iyo kuwo kale oo faro badan, balse aanay ku jirin kuwa soodhaha leh, waxaa taasi ay ka muuqataa oogadan sare ee jidhka caruuta waxayna kutusisaa muhiimka ay leedahay cabitaanka fiican ee ku salaysan biyo nadiif ah oo dheeli tiran.

Markasta oo uu ilmuhu fuuqbaxo waxaa ka dhamaada nafaqooyinka dheeliga tiran ee ku kaydsanaa jidhkiisa waxaana markaas uu dawo kasta uga baahi badan yahay cabitaan soo celiya nafaqadiisii luntay.

Mawaduucan oo aad u dheer aan intaas maanta iskagasoo koobo waxaanan rajaynayaa inuu ina nafaco dhamaateen isla markaana aan gaadhsiino guryaheena wixii macquulana aan kaga dhaqanno isha allaah



Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.