Asbaabaha keena Laab-dillaaca
Sida ay dhakhaatiirta qaar rumaysan yihiin laabjeexanku maaha cudur sidiisaba, balse waxay sheegaan inay tahay xaalad caafimaad darro oo soo daristay isla markaana u tagta si dhib yar iyadoo aanay jirin xubno jidhka kamid ah oo sababteeda lahaa.

Nidaamka oo ka xumaada shay waxa uu keenaa inuu u shaqayn waayo sidii loo baahnaa, waxaana muuqda khasaare kadis ah oo ku tusaya cilado aan lagu talo galin.

Xubnaha jidhka Bani Aadamka ee sida madaxa banaan u shaqeeya waxa ka mid ah caloosha taasi oo qaybta maamul ee qofku ku leeyahay tahay cunitaanka iyo cabitaanka, marka qofku da’diisu yar tahay ee aanu awooda u lahayn inuu isagu cuno waxa uu doono waxa waajib noqota in loo maamulo cuntada iyo cabitaanka. Si nidaamsan oo ku habboona loogu sar jaro baayhiyihiisa xiligan.

Waalid kasta oo aan aqoon u laheyn cuntada ku habboon ilmahooda waxay la kulmaan cuduro caafimaad xumo oo lasoo darista ilmahooda had iyo jeer. Sidaas darteed baana maanta caruur badani la bugtaa iyagoo aan qabin cilad kale oo weyn markasta oo uu ilmuhu bogsadona waxa si dhakhso ah ugu soo noqda isla xanuunkii ama mid kale.

Cuntooyinka dheeliga tiran ee ku habboon qof walba waxay door muhiima ka ciyaaraan caafimaadka qof walba yar iyo weyn. Waxana la odhan karaa waxayba dadku u kala cimri dheeraadaan sida ay u kala yaqaanaan wixii u fiican ee ay cunayaan ama ay cabbayaan.

Sida aanay iskugu caafimaad ahayn qofka sigaarka caba iyo ka iska daayay ayaanay isku caafimaad ahayn oo kale qofka khamri caba iyo ka kale ee aan cabin, waxana taasi lasoo barbar dhigi karaa qof waliba cuntada uu cuno ee si joogto ah uu u isticmaalo.

Wixii cuntooyin ah ee keensanaya inaad si xad dhaafa u naaxdo miyaanay keensanayn goor dhaw xanuuno? jawaabtu waa ha, oo taas waa la ogyahay maanta, waxaa la mid ah isticmaalka biyo aan nadiif ahayn ama cunto aanad u gaajoonayn oo aad isku daldasho, waayo labadan arrimoodba iyana caafimaadka qofka waa ay dhibaan, khaasatan caloosha.

Ciladaha ku yimaada caloosha ee ay ka mid yihiin tan aan maanta xusaynaa waxay badankoodu kasoo jeedaan nidaam xumo ka dhalatay isticmaalka wax aan ku haboonayn caloosha qofka sida calooshaada oo buuxda isla markaana ku mashquulsan kashaqaynta cuntadii hore inaad cunto kale oo cusub oo aanad u gaajoonayn cunto, runtii waxaa meeshaas imanaya khilaaf farsamo oo lasoo darsa caloosha, markaas hadii aad dareento daaco qudhun, higgo, yalaalugo,dibiro,casiraad, iyo xanuuno kale oo guud sida caajis fara badan,madax xanuun, xumad, naxdin iyo kuwo kale oo badan, dhamaantood waxay ka yimaadaan ciladaas hore ee aan sheegnay ee dhibta yar.

Sida lagasoo wariyay nabigeena suuban naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu xadiis ku sheegay [ waxaanu nahay qoom aan waxba cunin ilaa ay gaajoodaan hadii ay wax cunaana aan dhargin ] marka aad u fiirsato xadiiskaas waxaad arkaysaa inuu yahay mucjiso waxyi ah oo qoto dheer, taasi oo kalmadahani ay yihiin kuwo nuuraani ah oo koobsaday dhamaan caafimaadka caloosha iyo jidhka intiisa kale waayo waxaa caloosha lagu tilmaamaa inay tahay guriga cudurada hadii ay calooshu ku xanuuntana jidhka intiisa kale ku xanuunayo isla markaana calooshu tahay saldhiga ugu wayn ee cuduradu kaga duulaan jidhka,dheraga faraha badanina yahay kan kiciya xattaa shahawaatu nafsiga, iyo kibirka nafta, isla markaana shaydaanku kaga faa,iidaysto qofka, kolay ku tahay cibaadada oo aad ka caajisto ama shaqada.

Laabdilaaca oo ah xaalad ay siyaaday dhanaanka qadhaadh ee balqanka ka samaysan ee ay aysiidh ahaan calooshu usoo dayso waxa loogu talo galay inuu u yimaado si qiyaasan oo aan xad dhaaf ka ahayn xadigiisii isla markaana aan ka yarayn.

Cunto aad subagu ugu badan yahay hadii aad ku cashayso isla markaana dhaqso aad u seexato waxay taasi ku dhaxalsiinaysaa inaad saqda dhexe toosto adigoo dibiray ama calool socod shuban ahi ku hayo waxaana lagu sababeeyaa kolba qofka sida ay calooshiisu tahay oo hadii aad calool fiicantahay isla markaana aanay calooshu si xooga kuu taanayn oo aanay jirin wax saxaro ah oo xiidmahaaga hoose yaalaa waxay calooshaadu si dhaqso ah u saaraysaa waxii saxaro ama cunto hore oo la dheefshiiday yaalay midhiciradaada waawayn taasaana keenaysa inaad shubanto adigoon ku talo galin.

Hadiise aanad sidaas ahayn waxa imanaya qasab inaad dibirto marka ay calooshaadu xaga dambe ka waydo marin isla markaana aad yeelato matag aanay wax hagaagsani kaasoo dhacayn waayo balqanka qadhaadh ee loo yaqaano dacarta ama leexa waa wax kuusan oo laga yaabo hadii uu meel dhaxe ku istaago inaad neef qabatowdo ama aad suuxdo ama uu cunahaagu qarxo intaba way dhici kartaa, waxaa isna jira marka uu leexaasi is yidhaa soo baxba waxaa dheecaamo kusii daaya qanjidh dhareero ku wareegsan cunaha afkiisan soke, dheecaamadaas oo rabbigeen kor ahaaye ugu talo galay inay ilaaliyaan in cuntada iyo cabitaanka caloosheena jiifaa si ikhtiyaari ah iskaga soo noqdaan ama afka caloosha ee furani soo dalaco shay aanad u muraad yeelan imaatinkooda, waxaana la sheegaa inuu qofka qaangaadhka ahi 24saac ilaa litir dhareeradaas ah liqo, taasi oo waliba umuurtani si toos ah ula shaqaysa maskaxda qofka iyadoo qofku hadii ay jirto xaalad nafsaani ah uu ka badsan karo litir iyadoo si joogto ah qanjidhadiisu usoo daynayaan dhareero markasta oo uu naxo ama xanaaqo ama fikiro.

Waqtigaas isaga ah ee ay xaaladahani jiraan waxaa si dhaqso ah u gubta wixii caloosha ku jiray cunto isla markaana waxaa qofka ay u diidaan dhareeradani inuu wax cunto ah cuno ama cabo oo amateedka ayaa ka guura qofka xaaladiisa nafeed aanay dagenayn, sidaas darteedbaana aad arkaysaa iyadoo caloosha lagu maroojinayo ama wax kugusoo kacayaan laab dilaac ahi.

Isticmaalka cabitaanka qabaw ee joogtada ahi waxa uu isna wax yeeleeyaa habsami u shaqaynta dheeliga tiran ee caloosha taasi oo la ogyahay inay caloosheenu ku shaqayso diirimaad ama kulayl markaa ma fiicna inaad si joogto ah ula dabo taagnaato qabaw si aanu u lumin dulqaadka ay ku xamili karto calooshaadu wax.

Marka uu sii xumaado laab dilaaca joogtada ah ee kugu raagay waxa uu keenaa inay calooshaada ka samaysmaan nabaro ku teedsan gidaarka caloosha isla markaana ku bilaabma fin yar iskuna badala boog diirku ka dhacay oo bogsadkeedu adkaado sida gaastariga iyo kuwo kale.

Caday la’aanta ilkaha ayaa iyadna lagu tiriyaa inay door wayn ka ciyaarto laabjeexanka, sidoo kale isna calool istaaga ayaa isna kow ka ah, waxaa kale oo soo raaca isna cabitaanka qofku u baahan yahay oo yaraada ama fiitamiinada qaarkood sida fiitamiin C-ga iyo kuwo kale.

Gabagabadii qormadeenan waxan usoo jeedinaynaa qofka ka cabanaya ciladan uu laabjeexanku ka mid yahay ama xanuuno kale oo calooshiisa ah waa inuu aado baadhis dhaqtar si uu u ogaado cilada xanuunkiisa waayo waxaaba calooshu tahay dhamaan saldhiga cudurada waxaana la arkaa in qofba xanuunkiisu gaar yahay oo aanay dadku isku cilado ahayn sida dhacdayna waxa jira dad xanuunkooda laabjeexan aanu caadi ahayn oo uu kasoo jeedo sixir uu cabay iyo wax lamid ah taasna waxaa lagu xaqiijin karaa marka uu qofku baadhitaankiisa dhaqtar ee kale kasoo quusto isla markaana uu aado cid u cadaysa xanuunkiisa oo cilmi u leh, Shakiguna waa cudur ogow.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.