Garashada Nooca Cudurrada - Q.2aad

Sidaynu tilmaamnay qaybtii koobaad garashada nooc ee cuduradu waxay u baahan tahay cilmi balaadhan iyo fahan qoto dheer oo loo yeesho baadhitaan qaata waqti lagu gaadho natiijo inagu dhalisa in la helo hab daawayneed .

Markii ugu dambeysayna waxaynu xusnay in durrada waxaa loo yaqaan ah tahay mid si gooni ah looga garan karo cudarada iyo xanuunada kale ee jira .

Kacaankii shaybaadhka ee aloosmay waqti aan la garanayn waxa uu daah furay in la xaliyo cuduro badan oo maanta dawadooda toos loo qaato isla markaana leh kuwo laga bogsado iyo kuwo laga ladnaado intaba, sida sharciga ah ee uu dhigayo qaynuunka dawo bixintu waxaa habboon in aan qofna dawo lasiin karin aan la ogayn waxa haya iyo sida xanuunkiisu yahay iyadoo loo adeegsanayo ilaalin fara badan iyo culays la saaray dadka wax daweeya .

Sharciga diinta islaamka ayaa ahaa kan isaguna dhigaya sidaas iyo si kasii fiican oo ah inay xaaraan tahay inaad faraha la gasho wax aqoontaadu aanay gaadhsiisnayn oo dawo bixin ah iyadoo laga jideeyay in sharcigu qabto waxii ka yimaada farsamo xumi dawayneed waayo waxaa la dhawrayaa inay nafta binu aadamka ee qaaliga ah taasoo aan lagu tijaabin karin wax walba.

Hadii aan usoo noqono waxaa isna jiray waligiiba hab lagu garto oo shaybaadhis nooceed ah xanuunada ay ka mid tahay durradu taas oo loo shardiyo inaanu shaki kuu wehelin dareenkaaga balse aad ogaato in shakigu yahay cudur sidiisa u madax banaan oo noociisa leh.

Anigoo ka cudur daaranaya afsoomaaliga iyo carabiga tafsiirka u dhexeeya ee sida kalmaduhu iskugu dhaw yihiin hadana waxaan raaci doonaa tan macnaha ugu dhaw leh .

Intii ay soo caanbexeen calaamadaha lagu kala garto cuduradu waxaa jiray waligoodba kuwo iyana lagu muran sanaa oo ay qoloba si ula kacday balse cid waliba ay hoos timiday waxa lagu dawayn karo ee ay natiijo u hayso cudurada .

Sirta wayn ee ku daahan in shaydaanku yahay aabaha keena cudur oo dhan waxay soo jirtay ilaa intii diimaha samaawiga ahi la kawsadeen dhulka aan ku nool nahay iyo aadamaha dhexdiisa.

Sidaas darteed ayay ku kala duwanaayeen aadamaha kuwa diin aaminsan iyo kuwa bilaa diinta ahi, hase yeeshee marka aynu nimaadno kuwa diin raaca ahaa waxaa meesha markaaba kaaga muuqanaya khilaaf ku sal leh in diin saafi ah la raaco iyo in wax lagu dhex badhxo taasi oo la kala lug iyo laan beeshay runtiina firdhisay in meel la iskugu keeno dadka wax daweeya ilaa maanta .

Laba kooxood ee ugu waawayni waa ehlu shareeco iyo ehlu shaydaan waayo waxaa soo baxay in dariiqyada kala duwan ee loo maray bal in lagu helo dawo ay kamid tahay dariiqyo shaydaani ah oo waligood jiray laakiin aan waligood lagu guulaysan Fara badni waxay ka qabaana waxay meesha aad ugu cidhiidhyeen dariiqii xaqa ahaa ee loo mari jiray dawo iyo shifo dalab sax ah .

Garasho darrada lasoo daristay aadamaha iyo dadaalka yar ee loo galay sidii wax looga iftiimin lahaa arrimahan oo kale waa mid ilaa maanta liita dadkuna kaga sugan yihiin jahli balaadhan oo diin iyo dadnimaba lagu waayi karo hadii la maro dariiq aan sax ahayn oo dawo raadineed .

Cudurka durada la yidhaa waxa uu gabigiisuba soo hoos galaa erayga dardar shaydaan iyo wax yeeladii taasi oo la arko calaamadaha ugu badan inay yihiin xanuun aan lahayn wax astaan ah oo si toos ugu mudan qofka taasi oo gui karta isla mar qudha inta aanu qofku daqiiqad joogin hadana soo noqota markiiba .

Waxa wax aad u adag ah in la faafiyo shaki galin balse cilmigaa taa keenay si looga faaiidayso akhriska guud Duradu waxay had iyo jeer keentaa wareen ku dhaca madaxa iyo margiyada sare ee soo raacsan garbaha isagoo qofku mooda inuu muruq hayo ama dhaxani gashay ama uu barkimo dhacay waxaana qofka qabta wax ka madax banaan oo aan ahayn noocyadii durayga ee hargab uu lahaan jiray .

Duradu waa wax uu wato shaydaan jin ama insi oo cilaaqo la leh natiijo ka dhalatay cawri ama taabasho dhibaato gaadhsiin ah .

Duradu waxay leedahay banadan uu qofku dhaco oo ay ka dul hadlaan qareen duulimaad ku jooga xayndaabka gaar ahaaneed ee qofkan jiran .

Dareenka leh kala googo a garasho ee uu qofku halmaamo daqiiqadihii ugu dambeysay xaalada kuu ku sugnaa waa mid ku tusta in qofkaa la asiibay oo ay jiraan xagiisa dhibaato shaydaan .

Cadhada badan oo ah mid uu hogaankeeda hayo shaydaan iyo cidii la halmaashaa waa mid la ogaan karo hadii ay xadkeeda dhaaftay.

Duro leh noocyo kala duwan oo asiibta dad garaar ah xiliyo gaar ah waxay ku tustaa in xaaladu gaadhsiisan tahay heer sixir iyo camal shaydaan leh ujeedooyin fog.

Is dhex galka dabeecada qofka iyo xanuunkiisa ayaa ah tan ugu adag ee la shaybaadhi karo isku eekaanta nafta iyo shaydaanka awgeed .

Xaaladaha dareen ee uu diido caqligu waa mid uu shaki hagayo waxayna soomaalidu tidhaa nin wayni wadkii waa yaqaan haa waa sax waayo wax uu rabbigeen kor ahaaye inoo sameeyay dareen nuuraani ah oo uu qofku ku garan karo inay wax lasoo darseen oo jiro xanuun dhaafsiisan kii dhaqtar ku shuqul lahaa .

Durada noocyadeeda oo xad dhaaf ah awgeed waxaa kaaga filan inaad tahay qof ay ku adagtahay cibaadadu inaad gudatana, waad jeceshahay markaa bal sheeg wax shaydaan ahayn ee kaa hortaagan .

Nooc yada bukaan ee halista ah ee durradu keento waa mid rabta in loo xaqiijiyo si ka hufan qoraal waayo waxay rabtaa sharax dheer .

Isku dawaynta diinta ayaa ah tan kaalinta koobaad maanta kaga jirta xal u helka cuduro badan oo jira saaxada Waxaana fiican in qofku marka hore uu isku eego diintiisa balse aanu kusoo dambeyn markuu quusto si dawada uu rabaa u noqoto mid imaan lagu ladhay iyadoo diintiisu aanay u diidin inuu barbar wado dawaynta jidheed ee laga heli karo dhaaqaatiirta .

Anigoo ka gaabsaday inaan sharax dheer sii galo gabagabadiina jooga waxaan odhan lahaa qofna isma garan karo sida uu buko ilaa uu u hogaansamo cid uga aqoon badan kala sooca cudurada taas oo loogu xaqiijin karo waxii asiibay ee uu dareenkeeda qabo .

Allaah subxaanuhu ha inaga dul qaado cudur iyo iyo cidhiidhi kasta hana inoo shaafiyo kuweena buka Waxaanan qormadan kaga cudur daarayaa in hadii erayada qaar ama macnaha la fahmi waayo ay tahay fasiirka adag ee mawduucan iyo naftayda gaabiska ah ee cilmigeedu yar yahay anigoo dhiiri galinaya ina dadka ehlu cilmiga ahi qoraan cilmigooda si looga faa iidaysto hadii ay noqoto dhaqaatiir iyo hadii ay noqoto culimoba .

Q-1aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.