Maxaa sababa dadka jiifka iskula kaadiya?
(Involuntary noctornal Enuresis) - Q.2aad


Sidaynu qaybtii hore xusnay waxaa ciladani badanaa ku timaadaa dhawr siyood oo ku kala duwan xaga saamaynta isla markaana isku dhawdhaw xaga cilada xanuun waxyaabaha sababa.

Inagoo taas ka duulayna ayaynu sheegnay in hadii qofku uu riyoodo isagoo u haysta in halkani ay tahay musqul sidaana uu ku kaadsho ay taasi ka dhigan tahay waswaas shaydaani ah,waxaana badanaa la arkaa dadka qaarkood oo dheelalawsan marka loo toosinayo inay kaadshaan khaastan caruurta da,doodu ka wayn tahay dodoba jir, xaaladaha nafsaaniga ah ee ay ilmaha dhaxalsiiso ciladani waxay marka hore kasoo jeedaan kuwo kale oo dhaqankiisa {suluukiga} ah yacni raadraaciisa jilitaan ee qabashada ficilada nolosha sida socodka ciyaarta dagaalka fahanka oo dhamaantood xaga dhaqdhaqaaqa ku kala duwan,waxaana taasi u daliil ah in ilmaha qalqaaliga ah ee kala kulma waalidiin ama tarbiyadiisa iyo cidii kale masuul ka ah caabis iyo cadaadin fara badan uu sidan oo kale ka wiiqmo meelo badan oo tan isku kaadiska ahi kamid tahay,miyaanad arag in caruur marka ay aad u baqato ama u xanaaqdo kaadida ama sidoo kale marka ay aad u qoslaan? Haa way jiraan.

Wixii dacaayad ah ee lagu yidhaa ilmaha caruurta ah ee kawayn todoba sano waxay ka qaadaan cuqdad dhaxalsiin karta inaanu ka takhalusin wixii hawlo adag ah ee lasoo darsa mustaqbalkiisa soo wajahan ee koraya,waxaana habboon in waalidku arrintaas ku dhiiri galiyaan inay caruurta kale ka reebtoonaadaan inay ku duraan ilmaha qaba cilada.

Waa in la baro ilmaha sidii ay naftiisu uga gaashaaman lahayd ee uu ugu dadaali lahaa inuu ciladan kaadida inta karaankiisa ah iska joojiyo kuna talo galo inuu go,aan kalsooni ah ku seexdo habbeenkii waayo taasi waxbay ka tartaa tababarka jidhka iyo nafta oo isku xidhan awgeed,waa in waalidku ilmaha baro marka uu gaadho afarsano inuu akhriyo quraanka suuradaha gaagaaban sida labada qul-acuudu iyo qulhuwallaah.

Tarbiyada fiican ee islaamka oo lagu koriyo caruurtu waxay dawo uga tahay cuduro iyo waxyeelooyin fara badan oo kasoo gaadha dadka meelo dhawdhaw,waxa ay culimo badani rumaysan yihiin in cawrida insiga iyo jinkuba saamayn ku yeeshaan kana qaybqaataan sidii ay ciladan kaadidu u iman lahayd,markaa in yar iyo wayn la raaco dariiqa fiican ee habka isticmaalka diinta islaamku waa dhaqan waajib ah.

Waxaa waajib ah inaanad ilmahaaga u bandhigin cawri il ama maqaariibta aad usoo dayso ciyaar,waayo rasuulkaa yidhi s.c.w caruurtiina xereeya maqribkii ,

Sidoo kale waa inaad barto sida loo kaadsho,halka lagu kaadsho,iyo sida loo istijoodo,si uu uga badbaado wixii aafooyin balaayo cudur ah ee kusoo gabada arrimahaas oo la dhayalsado,waxaana waalidka la gudboon inay caruurtooda quraanaka baraan kuna akhriyaan dushooda,jidhkooda,si uu dabiib ugaga noqdo xanuuno badan oo daahir iyo baadin intaba leh sida xanuunada ku dhaca maqaarka sare ee jidhka ee cuncun iyo finanba leh kuwaas oo inagu badan oo wadanka ku jira waqtigan xaadirka, allaah baynu ka baryaynaa bogsasho iyo caafimaad intaba.

Qofka ay lasoo daristo ciladan kaadida habeenkii wuxuu u baahan yahay daryeel gooni ah oo ku habboon seexadkiisa, tusaale ahaan waa in aad loo ilaasho furaashka uu ilmaha habeenkii kaadshaya ku seexdo,sababtoo ah waxaa jira oo cilmi baadhis lagu ogaaday in walxaha kiimiko ee furaashku ka samaysan yahay ama maadada dareeraha ah ama budada ah ee lagu naaxiyo furaasha kolba tii loo isticmaalay noociisa ayay ku xidhan tahaye ay lasocdaan walxo sun hadii uu furaashku mudo nuugo kaadida, waayo waxaad arkaysaa furaashka caruurtu ku kaadido oo mudo dhaw kadib googo,ay oo daadanaya miyaanad fahmin waxa furshaanta bacda loogu mooriyay ee loogu shaqlay taasi waa ilaalin la ilaalinayo inay kaadi iyo wax kale oo la nooc ahi u tafaan si aanay meesha uga dhicin isla falgal kiimiko iyo jeermiska kaadida la socda,markaas waa in walidku ka ilaaliyo ilmihiisa inuu si toos ah ugu seexsho furaash kaliya, balse waa inuu yidhaa kaadi badane waa loo gogol badiyaa oo uu ilmaha u dhigaa maryo iyo alaabo badan oo kaadida ka qabta furaashka ama jidhkiisa,markaa waalidku waa inuu ilmaha sidaas u daryeelo hadii kale waxaa arrintaas ka dhasha xanuuno ku dhaca maqaarka oo halis galin kara qofka sida finan iyo canbaaro jidhka hoose usii gudba,ama xanuuno ay kamid tahay inuu ilmuhu neefsado walxo aad u yaryar oo furaashka googo,aya kamid ah isla markaana sidaa ku keena cabudh,hurdo la,aan naqaska oo ilmaha qabta,iyo xataa sas iyo i.w.m.

Sida haboon ee lagaga hortagi karo ama lagula tacaali karro xanuunkan kaadida habeenkii waa inuu ahaado wax ka qabasho iyo u heelanaan joogto ah oo waalidku xooga ku saaro sida uu u ogaan lahaa ciladu waxay tahay waayo waxyaabo badan oo tani kamid tahay ayaa si dhibyar loo bogsiin karaa.

Habdhiska taranka ee qofka yar iyo kan wayni way kala dawan yihiin waxaana ciladan kaadidu u kala baxdaa laba qaybood oo ah caruur iyo waxii qaan gaadh ka wayn sidaa darteed waxii caruur ku saabsan ee aan wali qaan gaadhin waxaa la sheegaa inuu yahay qaybta sahlan marka loo eego qofka qaan gaadhay oo ah iyadu tan culus ee hawsha badan u baahan sababtoo ah waxay ciladeedu gaadhsiisan tahay ilaa heer maskaxeed iyo nafeed iyadoo ay yartahay tan jidheed khaasatan xubnaha taranka

Ilmihu marka uu qaan gaadhay waxa uu u baahan yahay inuu ilaaliyo xubintiisa taranka ee hawshu kusoo koradhay waana inuu markaa yaqaano waxii ka xaaraan ah iyo waxii xalaal ah xaga la dhaqanka xubintiisa waayo waxaa dhaqaatiirtu sheegaan in meelaha uu aadamuhu u nugul yahay inay ciladi ka gasho cawaaqib xumona keenta ay kamid tahay xubnaha taranka waxaana iska cad in hadii yaraan aad ku daaliso xubnahaaga taranka aad goordhaw garan doonto oo ay kaa go,an tahay intii suuqu, adigoon wali hawl gab noqon (nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyay raadceeye.)

Xubnaha taranku waa kuwo u baahan in loo sheego dhalin yarta inay yihiin hantidooda maanta iyo Mustaqbalka si aanay ugula kicin dhinca khaldan isla markaana aanay ugu dagsoomin xoogan maanta ay yihiin isagoo ay qof walba ka go,antahay intii uu isticmaalay

Tan oo kale waxaa kalifaya in la qoro markaad aragto qof aan wali afartankii gaadhin oo kule sangeer ma haysaa iyo icaawiya, taasi oo aanu keenin bukaan jira balse daalku keenay

Xubnaha taranka oo ay ciladi gasho lama garanayo inta nooc ee ay u kala baxaan balse waxaa jirta meelo badan oo wax lagaga qaban karo inta hore ee aanu qofku qarsan cilada ama aanu si fiican ugusoo ban dhigin dhaqtarkiisa Sida la xaqiiyiyay waxay ciladani xidhiidh wayn la leedahay dhaqanka nasaaniga ah ee qof walba taasi oo sirta jirta qof walba agtiisu ay tahay waxaan la gaadhi karin oo aanu cidna u ogolayn xattaa hadii la arko isagoo socon kari la waxaa uu ku odhanayaa lugbaa i bukta qofka ugu dhaw baa ku odhanaya meel aan gacal dayin ayaa layga hayaa

Shir dhawaan lagu qabtay (kovenhegan) oo looga hadlayay caafimaadka oo dhaqaatiir nooc walba la isku keenay ayaa lagusoo ban dhigay cuduro badan ay kamid tahay sida dumarku uga cumri dheeraanayaan 100kii sanno ee ugu dambeysay raga . sababaha lasoo qaatay waxaa kamid ahaa waxii cilad ku timaada xubnaha taranka oo ragu qarsadaan iyo dumarka oo dhaqtar walba taagan oo sidii hore ka ilbaxay ee xishoo oo cudur haku dilo ahayd

Taasi oo 30kii sanno ee ugu dambeeyay ay dumarku ku najaxeen cilado badan oo caafimaadna ay kaga bogsadeen waayo waxaa la ogyahay in hadii uu qofku dhayalsado cudurada ku dhaca kaadi mareenka oo qudha uu cudurkaasi ku faafi karo jidhkiisa maalkinba meel waxa ugu horeysa ee lasoo darsaana ay tahay in infectionka dhiigiisa raacay keeno kalyihiisa oo dhinta ama indho beel ama gabaw dhaqso ah oo jidhkiisu dumo

Waxii cilad ah ee jirta oo aad markaaba dhaqtar ula tagtaa waa furaha nolosha ee qof uu qof kale kaga cimri dheeraan karo hadii allaah u qaddaro nolol. tanina waa dawada cudur kasta iyo xalka cilad kasta inaad dhaqtar aado oo aanad is dhigan Waan sii wadi doonaa isha allaah qayb sadexaad si aan usoo gunaanadno taxanaheenan caafimaad allaah khayrka ha ina waafajiyo isagaa shaafi ah oo kaafi ah .

DHAMAAD

Qaybta 1aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.