Dhibaatada hurdo yaridu keento
Soomaalidu waxay mudooyinkii ugu danbeeyey caado ka dhigteen waxyaabo aanan sidaa ugu fiicneen
caafimahadkooda iyadoo aysan dadku wada dareen saneen qatarta ay leedahay walow dhaqtaradu iyo
dadka Caafimahadka u ololeeya ay ka digaan dhibaatooyinka Mar walbo kasoo gaara Soomaalida
Dhafarka ama hurdada oo ku yar.

Dhafarka Badan Waali ayu keenaa

Hurdada oo kugu yaraata waxay keeni kartaa cilado faro badan ama Caafimahad daro kugu soo dag
dagta iyadoo marka aad joogteysato Hurda yaradida aad ka dareemi doonto maskaxdaada isku cel celis
Qofku waa in uu seexdaa ilaa sideed saac ilaa sagaal saacadood hadii uu ka yar seexdo waxa uu noqon
doonaa mid yeesha calaamadahan.


1- Madax xanuun joogta ah:- waqtigii walba waxaa iska xanuunaya madaxa asagoo neerfo garaac badan
                                ka dareemi doono maskaxda wuxuuna qofkaas wehel u noqon doonaa Kaniiniyada
                                Madax xanuunka IWM.


2- Indho cawir:- qofka oo indhaha wax ka arki waaya mararka qaar taason kala jeedo qofka oo mar
                  marka qaar caad ama cawir ka galayo indhaha iyadoo ruuxu halmar dareemo cadaan
                  indhaha ka gala waana dadka had iyo jeer kor fadhiya Computerka.


3- Hilmaam:-  mar walba qofka wuxu ahaan doonaa mid aanan heesan xasuus ku filan oo uu ku wado maro kaasoo
ilaawa balantii uulahaa iyo howshii uu qaban lahaa sido kale aanan dib u xasuusan wixii uu shalay qabtay.

4-Dabeecad xumo(XanaaQ joogto ah):- qofku wuxuu ahaan doonaa 
mid aanan uu adkeysan karin wax yar oo dhib ah waxa ka 
guuraya kaftanka iyo fur furnaantii lagu yaqiinay asagoo had 
iyo jeer ah mid xanaaqsan ama caraysan jecelna inuu mar walbo 
kaligiis meel iska fadhiya oonan la qash qashaadin.

5-Cuno xumi:- Cuntada uu qofkaas ka xirmata waa asagoon waxba 
cuni karin umateet xumo lasoo darista sido kale qofkaasi 
wuxuu wehel uyahay cudurada joogtada ah sida Hargab, 
Wareer,Dhiig la’aan, Gaaz macal basiinkiisa.

6-Tabar dari:- Qodobka ugu danbeeya oo ah tabar dari qofka 
lasoo darista asagoon wax walbo uu rabo aanan qabsan karin 
caajis joogto ah iyo ruuxa oo iska daalan had iyo jeer jiifna 
ogoleeen.

7-Warwareer iyo gebgeblayn:-

Waxad arkaysaa adiga oo koontaroolku kaa lumayo oo marba 
derbi ku dhacaya, siiba waqtiyada aad hurdada ka toosayso ee 
aad ama musqusha u socoto amaba meel kale.


Waan filayaa inaad aad u wada garateen dad badan oo idinka mid 
ahna ay isku arkeen qodobadaas hadaba Qodobadaas iyo kuwoo 
kale oo badan waxaad uga bogsan kartaa Adigoo badsada Jiifka 
nasta maalintii ilaa sedex saac ka jiifta cunto nafaqa leh 
ama Protien leh cuntit badso Cabitaanka aanan aashidatada 
lahyn subaxdii markad hurdada kaso kacdo cab biyo caadi ah 
waxad ku noqon doontaa sidaadii hore insha alah 


Barnaamijka Soo saaristiisa waxaa ka Qeyb qaatay fikradaha 
iyo Soo Aruurintana iska leh Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed 
ee ku Dhaqan Koonfur Africa ee SOJASA waxayna wacyi galin 
ufidineysaa dhamaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee badsada 
Online ka aanan Faa'iida ku jirin.


Cabdifitaax Cali Samatar Sablaale
Cape Town, South Africa
sablale@hotmail.com