Waxyaabaha Xasaasiyada (Allergy) ama Neefta (Naqaska) keena ee u daran & Waxa u roon, 28-09-2011
- Boorka: siiba kan daahay waa sababta 1aad ee Allerjik , xataa waa halis Kutubta ama buugaagta aan intii maalmo ah la taaban.

- Barafuunka, catarka ama saabuunta carfaysa waa kaalinta 2aad ee Boorka, walow ay ku xirantahay siday maadooyinka xasaasiyada dhaliyaa ugu kala badanyihiin.

- Qabowgu waa cadawga noolaha, Xasaasiyo qabena uga sii daran, oo kulaylka ayaa u roon, iyadoo ku xiran xalaadda uu qofku xasaasiyada ku qaaday.

- Dhegaha oo la qoryeeyo waa ka mamnuuc, waayo mar kasta oo aad jiriricootaba, jirkay ku sii badanaysaa xasaasiyadu.

- Agtaada oo wax lugu xaaqo ama miisas lugu jafo.

- Kaadi Guduudata waa u halis, waana cabitaan yari, waayo marka ugu horraysa ee aad dhakhtar ugu tagto Neef kugu dheggan, kaadida ayuu kaa sii deynayaa.

- Indhaha, Sanka iyo Wejigaba ka ilaali gacmahaaga oo isticmaal fasaleeti nadiifa oo aan carfayn.

- Haddii aad Suuli/musqul u baahatid (Kaadi ama Saxaro) 1 ilbiriqsi dib ha u dhigin, Dabaylna (dhuuso) isku celinteedu waa halista cudurro badan, xasaasiyana kumaba sii jiro.

- Hadalka lugu xiiqo, Xataa Qur'aan aqriska la dheereeyo, adoo xiiqsan baad arkaysaa oo qufacaya ama adoon dareemin ayaad arkaynaa Naqaskoo ku qabqabanaya.

- Kulayl iyo qabow kala fogey, sida shaaha iyo biyo qabow ama adoo kulul oo aad qubaysato, ama Baabuur dul furan ama Mooto aadan Jaakad u sidan, iwm.

- Dhididka siiba Barkinta, Kulleetiga (Kallarka), Kastuumada (Nigiska), iwm.

- Dharka qaarkiis wuu keenaa xasaasiyada, sida kuwa layloonka ah, waxana u fiican Baatiga iwm.

- Marawaxad toos kuugu dhacda siiba adoo dhididsan, haddii ay Boor yar heshana ka sii daran.

- Shaaha Caddayska, xataa caanaha caadiga ah, sida dhakhaatiirtu caddeeyeen uma roona qofka uu nooca dhiiggiisu yahay (O+), qofkaas oo lagu yaqaan inuu Balqan yeesho.

- Digaagga siiba Ukunta.

- Sonkorta: way u darantahay oo xab bay leedahay.

- Dheregta: way u darantahay.

- Caleenta geedaha qaarkood & baalasha shimbiruhu Xasaasiya way keenaan ama kiciyaan.

- Waqtiyada hawadu is beddesho, Xasaasiyo way timaadaa, sida waqtiyada daruuruhu cirka soo fuulaan uu madax xanuunku yimaado.

- Caradu (xanaaqu) waa sababaha cudurrada dhan sida Dhiig karka, Sonkorowga, Kolistaroolka, Gaaska, cagaarshowga, iwm, Xasaasiyaduna kuma sii jirto.

- Dharka duugga ah sida Hudheyda, waayo oo dhaqsuu wasaqoobi ogyahay.

- Wax kasta oo dabayl ama dhuusada badiya (Sida Digirta iwm), way u daranyihiin inta ay xasaasiyo hawada ku jirto, waayo, waqtiyadaas dabayl kaa baxda ayaad u baahantahay, iyaguna dabaysha ayey kugu sii badiyaan.

- Hurdo yaridu tabar-darri ayey keentaa, taasina waxay sii gacan siisaa Xasaasiyada.
  

WAXA U FIICAN OO CILMI IYO TIJAABABA LUGO OGAADAY:

- Qur'aanka, Xabbatu sawdada, Malabka, iyo dhammaan waxyaabaha dhiigga sifeeya sida Tuunta. - Inta calooshu jilicsantahay ama musqul caadi loo tegayo, Xasaasiyadu aad bay u fududdahay. - Tamaariintu (Excercise) waxay u fiicantahay xasaasiyada, sida ay ugu fiicantahay dhammaan ka hor tagga cudurrada kale. - Kulayl ama Diirni, waa u daawo xasaasiyada, waayo dhibkuba Qabow iyo Boor ayuu ka billawday, Sd, shaah kulul oo rinji ah & haddaad helayso Cadceeddu (Qorraxdu) waa heer sare, siiba marka neefta kugu dheggantahay. - Biyo cabitaan badan siiba biyaha cad, Litirka salaadda subax ka horreeyana waa daawada cudurrada dhan. - Toobinka: hadal kama taagna inuu daawo u yahay, waayo waa daawada cudurrada badankood haddii uusan gebiba ahayn. - San daarashada lugu xeel dheeraado 5 ta waqti, waayo Balqan ayey mar walba kaa soo saaraysaa. - Basasha Cad, waxay leedahay Difaac-jireed, xataa AYDHIS Allaha naga najeeyee wax bay ka tartaa, waayo difaaca ayey badisaa, qofka neeftu qabataana aad buu u daalaa oo Tamar (Tabar) ayuu u baahanyahay. - Sanjabiishu Ogsijiin ayey leedahay, waayo qofka Ogsijiin yari ayaa dhibaysa. - Daaco yaryar ama dhuuso in si tartiib-tartiiba la isaga raadiyo, waayo in yar markey kaa baxdaba waad nafisaysaa, haddaadse xoog isaga raadiso waad cabburaysaa. - Hawo beddelashadu aad bay ugu fiicantahay Xasaasiyada.

KHIBRADAHA IYO TAARIIKHO KOOBAN :-

1- Nin dhakhtar ah wuxuu yiri:dadka waxaa ka mid ah, dad Ilaahay Xikmaddiisa Balqan ugu abuuray oo ku dhashay, dadkaasuna waa kuwa dhiiggoodu yahay (O+), markay xasaasiyo qabaanna uma fiicna Caanuhu, waayo balqankay ku sii badinayaan. 2- Sheekh Masjidka Masjid-Saado ee Jabuuti ka aqrinayey cilmuDibbi ayaa wuxuu yiri: Nin boqor ahaa ayaa isugu yeeray dhammaan dadkii cilmu-dibbiga ku xeel dheeraa iyo waayo aragyadii oo dhan, wuxuuna ka sii xushay 4 nin oo 3 cilmu-dibbi tahay, halna waayo arag xakiim ah ahaa, wuxuuna ku amray inay u sheegaan DAAWADA AAN CUDUR LAHAYN, labadii isugu soo hartay, weliba kii koobka u qaaday wuxuu yiri: Diktoorow, haddaad doonayso daawo aan cudur lahayn, salaadda subax markaad u toosto cab 1 Litir oo biyo cad oo aan qaboobayn, cudur waad kala fogaateen waxaan Alle kugu imtixaanayn, markaa ninkii 2aad isaga oo is lahaa yuusan kaa badin, ayuu yiri Diktoore, waan ku raacsanahay, laakiin aniga waxa kasii fiican baan leeyahay iyadoo la isku darsado Xabbatu Sawdo, Shanfax iyo mid aanan (Anigan wax qoraya) xusuusnayn, isagoo biyaha kulul cillad uga dhigay inay dadka qaar kelyaha ka yar dhibaan. 3- Sheekh Albaani oo ka mida Culummada waaweyn ee diinta Islaamku, waxa laga sheegay inuu yiri 40 maalmood ayeysan calooshayda gelin wax aan biyo ahayn, waxaana Ilaahay iiga bogsiiyey cudurro badan oo dhakhaatiirtu ka quusteen. 4- Talyaanigu wuxuu ku maahmaahaa: DHEGTAADA HA GELIN WAX JILIBKAAGA KA YAR, waana tijaabo aadanu waayo badan ogaaday. 5- Nin aad u xoog badnaa oo rag badani aysan ku dhiirran karin isaga oo hub sita, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa meel cidlo ah ka helay 200 oo Fardooley ah, markuu arkay ayuu si uu hubkiisii u doonto u orday xagga gurigiisii, iyagiina kama harin, hase yeeshee siduu marba buur iyo kayn ula gelayey ayaa markii uu aqalkiisii geli rabo uu mar qura geed aqalkiisa dhabarka dambe kaga yaalley istaagay oo weliba uu sidii nin fikiraya hoos u hundhursaday, hase yeeshee wuxuu sidii qof hurdo ka soo toosay u eegay fardooleydii oo hareereeyey, markii ay arkeen inuu gacan ugu jiro ayey yiraahdeen, horta ninyohow inta aynaan ku dilin 5 su'aalood nooga jawaab: A- Cuntada nooca aad ka quudato. B- Hilibka nooca aad ka cunto. C- Caanaha nooca aad ka cabto. D- Dhulka meesha aad ka seexato. E- iyo sababta annaga oo maantoo dhan ku qaban weyney aannu kuu qabanay markii aad aqalkaagii timid. Wuxuu ku jawaabay: - Cuntada waxaan ka quutaa midda kulul oo markaa la kariyey ee weligay afkayga ma gelin cunto qabowday. - Hilibka waxan ka cunaa midka dubaaxinaya ee markaa la qalaye la kariyey, ee weligay ma cunin hilib ka horreeyey. - Caanaha waxan ka cabaa kuwa dhaayda ah ee markaa neefka laga soo lisay, ee weligay ma cabin caano is beddeley. - Dhulka waxan ka seexdaa meesha kaanida ah ee diirran, ee weligey ma seexan meel qabow. - Gurigayga iyo hubkaygi markaan u imid ee aan iska kiin dhicin lahaa, waxa iiga kiin darraaday oo aan qabaa naag dhib badan oo qaylo badan, markaa, mar kasta inta aanan gurigayga gelin ayaan jafka istaagaa oo dhegeystaa bal in ay caawa faraxsantahay oo ay sheekaynayso oo ay qoslayso iyo in ay kacsantahay oo aan caawa jiif ii oollin, markaa idinka dhanba waan idin illoobay, hadda lafteedana waxba idinkama baqayo anigu ee waxaad samayn kartaan sameeya. Markaa ayey raggii hore rag bay ahaayeen oo ma ahayn dawacooyin badan oo maanta la arkaye, waxay yiraahdeen war ninyohow haddaba waxba ku dili mayno oo adigaaba dilan, sheekadaas xikmadda ku jirta waa dhibaatada qabowgu u leeyahay caafimaadka.

NB: DIGTOONI BUUXDA U LAHAW:-

- Qofka Xasaasiyadu ku kacdo islamarkiiba caloosha ayaa istaagaysa, qofka ay neeftu haysana xataa haddii daawada shubanka ugu daran la siiyo horay iyo gadaal wax ka baxayaa ma jiraan, waa Jawaan afka laga xiray oo kale, markaa calool istaaga oo ah aabbaha cudurrada dhan waa in aad looga dadaalaa, - Calool istaagga waxa 1aad ee sababaahi waa qabowga, siiba biyaha qabow ee la cabo. - Dhegaha oo la qoryeeyo iyada oo nadiifin looga jeedo, kaddibna cuncunka la isaga bi'inayo, waa aabbaha Xasaasiyada.