Neefta maxaa sababa sideese looga gaashaaman karaa ?
Neef ama (asthma) waa cudur ay marinnada hawadu ee gala sanbabadaadu ay cadhiidhi noqdaan ayna soo saaraan xab. Marka ay tani dhacdo, way adag tahay in aad neefsato.

MAXAA KEENA NEEFTA/ASMADA?

Sababaha keena neefta/asmada dadku way ku kala duwan yihiin. Sababaha ugu caamsan ee neefta/asmada waa: - xajiinta. - fayraska hargebka. - daawooyin. - habaaska ama boodhka, kiimikooyin. - jir dhis ama niyad kac. - hidoraac. - saxarka ubaxa. - timaha xayawaanka guriga. - wasakheeyeyaasha hawada sida qiiqa sigaarka/tubaakada, naqaska baabuurta. - alaabta nadiifinta iyo barafuunka ama cadarka - cudur. - hawada qabow iyo dabayl leh, iyo jimicsiga daran ama adag (tan macnaheedu ma aha in dadka qaba neef/asmo aanay jimicsi sameynin). Calaamadaha - Feedhaha oo giigsanaan laga dareemo - Wadnaha oo xawaareynaya u garaacma - Daal in aad dareento - Xiiq ama neefsasho cod leh - Si ka xawaare dheereeya caadiga u neefsasho ama dhibaato neefsashada ka timaadda - Quficid laga yaabo in ay ka sii darto habeenkii ama aroorta hore - Cune cun-cun, xoqid u baahan ama ku xanuuna - Haddii takhtarkaagu oo kugu amray in aad raacdo mitirka lagu cabiro neefta, in aad isku aragto akhrinta mitirka meesha ugu s;gjoarreysa oo hoos u dhacda

Si aad uga hortagto Neef in ay ku Qabato:

- Daawada neefta mar walba wado. Qaado daawooyinka kuu qorsheysnaa xataa haddii calaamaduhu kaa tagaan. - Ka fogow cabidda sigaarka, shiishada ama qiiqa sigarka. - Ka dheerow cuntooyinka, daawooyinka ama waxyaabaha kuu keenaya in calaamadaha neeftu kuu yimaadaan. Kuwaan waxaa loyo yaqaannaa kiciyeyaal. - Ka fogow taabashada dadka hergebka ama ifilada qaba. - Naso oo cab cabitaanno fara badan marka ugu horreysa ee calaamado hergeb aad isku aragto. - Ku neefso safaleeti ama wax kale oo la isku daboolo cimilada qaboobaha. - Takhtarkaaga kala hadal jir dhiska si aad u xoojiso sanbabadaada. - Diiqada iska yaree.

Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii aad:

- Isku aragto qufac, xiiq ama neefsashadu kugu adag tahay. - Dareensan tahay in aad qaadato daawooyin ka badan kuwii uu takhtarku ku amray. - Heerkulka jidhkaagu uu ka sarreeyo 101 darajo F ama 38 darajo oo C. - Isku aragto xab aan caddeyn ama kala cad ama aad ugu weyn in la qufaco. - Dhibaatooyin ay daawooyinku keeneen qabtid sida gariirid, jahawareer, isku yaacsanaan, calool kacsan ama dhadhanka oo kugu xumaada. - Aadan awoodin in aad sameyso hawlahaaga caadiga ah ama jir dhiska.

Isla markiiba wac gargaarka dagdaga haddii:

- Aad isku aragto xiiq daran, neefsashada ama qufacu kugu adkaadaan. - Aad isku aragto laab xanuun. - Ay faruuryaha ama ciddiyaha faruhu boor ama buluug ku noqdaan.

Daryeelkaaga waxaa ka mid noqon kara:

- Qaadashada daawooyin kala duwan si: ─ Marinnada hawadu kuugu furmaan ─ Hoos ugu dhigaan jawaabta uu jidhku ka bixinayo xajiinta ─ Hoos u dhigaan bararka marinnadaada hawada ─ Hoos ugu dhigaan balqanka ama xabka

Baarid xajiin

- Isticmaalidda mitirka lagu hubiyo neefta, loogana hortago in neeftu ku qabato. - Ogaanshada waxa sababa calaamadahaaga. - Cabidda koob weyn oo cabitaan ah 1-2 saacadood ee kastaba. Tani waxay kaa caawinaysaa in xabku uu khafiifo. Xab khafiif ah way kuu fududaanaysaa in aad qufacdo oo uu kaa soo go’ o wuxuuna hoos u dhigayaa bararka sanbabadaada. Cabitaannada cad ayaa ugu fiican, sida biyaha, casiirka furutada, shaaha, maraqa ama maraq cad. - Ka fogaanshada waxyaabaha laga sameeyo caananaha marka aad xiiq leedahay maxaa yeelay waxay ballaarin karaan xabka..

NEEFTA/ASMADA MA LAGA HORTAGI KARAA INTAANAY KU DHICIN CARUURTA?

Neefta/asmada lagama hortagi karo.Waxa aad yareyn kartaa inay ilmahaaga soo gaadhaan waxyaabaha sababa neefta/asmada gaar ahaan sannadaha ugu horeeya noloshooda, sida: - Adiga oo aan sigaar ku cabin guriga! - Adiga oo guriga ka dhiga mid nadiif ah. - Adiga oo ka ilaaliya bisadaha ama eyda qolka jiifka ee ilmahaaga. - Adiga oo naas-nuujiya ilmahaaga mudada ugu dheer ee suurogalka ah. Caanaha naasku waxay ka caafimaad fiican yihiin caano-boodhaha, waxana ay daahin karaan ama ka hortagi karaan xajiinta ama alerjiyada. Dr.khalid suleiman kalib. Gudoomiyaha dhakhatiirta Islamabad. khaaliduu@hotmail.com