Khatarta Hurdo badnida
Ka digtoonow Hurdada ka badan 9 Saacadood
Waxa laga yaabaa in Dadka qaarkii la yaabaan markay aqriyaan Cinwaanka Qoraalkan, waayo Hurdadu waxay u leedahay
Qofka ahmiyad gaar ah oo aanay suurta gal ahayn in uu ka maarmo haba yaraatee weligiiba, waxayna u arkaan qaarkood in markii ay sii badato Hurdadooduba ay sii badanayso dareenkooda Raaxda ay ka heleen Hurdadaasi, Aragtida noocan ahina waa mid khaldan oo aan sax ahayn laakiin ku jirta Dihniga Dad badan, waxay se cadayeen Diraasado ama Baadhitaano la samayay in Hurdada ka badan intii loogu tala galay ay u soo jiido Saaxiibkeeda Xanuuno aad u Khatar ah gaar ahaan Xanuunada Wadnah iyo Maskaxda waxana ay keeni kartaa Xanuunada kala duwan ee labadaa Xubnood ku dhaca taas oo keeni karta taas ka dib Geerida Qofkaa Allaah ha inaga hayee
 
Hadaba Qiyaasta feyow ee Hurdada Maalin walba ahi waa inta u dhexaysa 7 ilaa iyo 9 Saacadood Maalin walba, taas ayaa waxay
siinaysaa Qofka firfircooni aad u badan, waana tan u adeegaysa Qofka Noloshiisa Shaqa ahaaneed, mar kastana oo ay badato
mudada Hurdada ee Maalin walba waxaa sii badanaaya Caajiska iyo Daalanaanta Qofka wuxuuna isu arkayaa inuu u baahan yahay Hurda intaa ka sii badan oo ka sii badan, waxayna cadayeen Diraasado ama Baadhitaano kale in Hurdada badani sababto inuu u shaqeeyo si aan caadi ahayn Mishiinka Neefsashada waxayna daciifisaa Awooda uu ku helaayo Kimiyado ku filan oo ah Oxygen ta, markaas ayaad arkaysaa inuu Qofku ka kaco Hurdada isaga oo dareensan Daal iyo deganaansho la'aan
 
Waxayna u maleeyaan Dadka qaar in ay Raaxadu ku jirto inta ay le'eg tahay Muddada Hurdo ee uu Qofku seexdo, taasina waa Fikir aan feyowbayn Raaxaduna kuma timaado Mudada Hurdada gaabnideeda iyo dheeraanteeda midna ee bal waxay ku timaadaa inta ay godan tahay ama xoogan tahay Hurdadu, marka uu ka fogaado Qofku Daawooyinka Qofka dejiya, kuwa seexiya iyo wax yaabaha soo jeedista keena oo uu helo Jawi dhexdhexaad ah oo aan Qabowna ahayn Kulna ahayn taas ayuu ka helayaa Raaxada la doonaayo ee laga faa'iidaysanaayo Hurdada, waxana ka mid ah Hurdooyinka khaladka ah ee badanaa dhacada gaar ahaan Bulshooyinkeena waa Hurdooyinka la seexdo marka wax la cuno ka dib si toos ah
 
Hurdoonyinka noocaas ahi waxay sababaan inuu Qofku naaxo waxayna daciifisaa Awooda jidhka, Arintana waxa waajib ah inay
ogaadaan dhamaan Dadka ay Bulshadu ka kooban tahay waayo Dadka qaar ma siiyaan sababahakan qadar ku filan oo ay kaga
fogaadaan markaas ayay ugu dhacaan si ka fiirsi la'aan ah, Hurdada se caafimaadka ahi waxa waajib ah in ay xaqiijiso saddex Shuruudood:

1- tan ugu horaysa Raaxa xaga Jidhka ah
2- tan labaad Raaxa xaga Caadifada ah
3- tan u dambaysaana waa Raaxa xaga Fikirka ah
 
Markii ay dhamaystirmaan Shuruudahan saddexda ahi waxay u soo jiidayaan Qofka Hurda caafimaad leh oo ku haboon Jidhkiisa,
waxaana jira halkaa Jidhka Qofka Hormone la yidhaahdo Cyrotonin kaas oo qabta muhimada ah seexinta Jidhka Qofka, waxana la
yaab leh Hormone kan ay ku kordho soo dayntiisu Gudcurka ama meesha madow oo aan Iftiinka lahayn wuxuuna ku tiirsan yahay
hadba inta ay le'eg tahay Derejada Iftiinka ku xeeran Jidhka Qofka
 
Markaa siduu Allaah tacaalaa inoogu sheegay Quraanka kariimka ah ee uu yidhi: (وجعلنا نومكم سباتا * وجعلنا اليل لباسا * وجعلنا النهار معاشا) 
(waxaanu ka yeelnay Hurdadiina Nasasho iyo Raaxo, waxaanuna ka yeelay Habeenka mid ku dedaaya madowgiisa, waxaanuna ka yeelay Maalinta Risqi raadsasho)
 
Hadaba Hurdada dabeeciga ahi ma noqonayso mid aan ahayn tan Habeenkii, Hurdada se loo yaqaano Qayluulada oo ah tan Duhurkii la seexdo goorta aad dareento Hurdo Waqtiga Duhurnimada iska seexo waa mudo Raaxa ah oo u soo celinaysa Jidhka firfircoonaantiisii ee mana aha laasim inay noqoto Hurdo qaadata Saacado ee bal waxa ku filan muda yar oo gaaban oo aan ka badnayn Saacad Badhkeeda.
 
Caajiska iyo dawadiisase waxa suura gal ah inaad kaga adkaato adoo ka fogaada Hurdada Muda dheer Maalinimadii kana fogaada waxyaabaha soo jeedista keena saddex Saacadood ka hor ugu yaraan intaadan seexan iyo adiga oo u diyaariya Jawiga ku haboon Hurdada sidaas ayaa suura gal ah inaad kaga adkaato Caajiska 
 
   

Wax yaabaha kaa saacidi kara inaad hesho Hurda Degan

Arima kala duwan ayaa suura gal ah inay saamayn ku yeeshaan Hurdadaada laga soo bilaabo Daal iyo ilaa Tiiraanyo ilaa iyo isbedella yaryar oo ku yimaada Hawlahaaga Maalin laha ah, hadaba hadii ay kula tahay ama aad dareemaysid inaad waayayso Hurdadaada Habeen degan waxa kula gudboon inaad ku kacdo talooyinka Habeenkaa ama aadba caado ka dhigto markaad ka baqdo Hurda la'aanba: 1- Is debci Dihinkaagana deji una ogolow Caqligaaga iyo Jidhkaagaba mudo Deganaansha ah, waxaadna isku daydaa inaad ku kacdo Shaqo deggan sida inaad Xamaamka gasho oo aad maydhato ama aad heshid wax yar oo is Duugis ah ama aad dhegaysato Qur'aanka Allaah oo loo aqriyaayo si deggan. 2- Ha isku deyin inaad isku dirqido Hurdada maadaama ay Dhibi kaa haysato Hurdada hana u ogolaan Naftaada inuu burbur ku yimaado waayo taasu waxay sii kordhinaysaa Xaalada deganaansha la'aanta ah ee ku haysa arintuna waa ay sii xumaanaysaa, markaa Xeeldheerayaal badan ayaa waxay ku talinayaan inaad ka kacdo Sariirta Laydhka Qolkana shidato oo isku mashquuliso wuxuun Shaqa ah oo degan sida inaad wax aqrido ama aad internet ka furato Bogag ku xiisa geliya oo aad daalacato ama aad dhegaysato Quraanka oo lagu aqriyaayo Cod degan sidaasna ku soco ilaa aad dareento inaad Hurdo u baahantahay dabadeedna ku noqo Sariirta oo seexo, hadaad dareento inaan weli Hurdo ku hayn dib u samay arintii aad ka hor samaynaysay. 3-Seexo Hurdada qadarka uu uga baahan yahay Jidhkaagu Hurdada mana ah inaad seexato mid ka badan ama ka yar ogowna in Kimiyada Hurdada ee uu u baahan yahay inuu ku soo ceshado Caqligaagu iyo Jidhkaagu firfircoonaantiisa uu Qofba Qofka kale kaga duwan yahay markaa si aad u qiyaastid Kimiyadaas waa inaad ogaataa Saacadaha Hurdada ee kugu filan ee aad dabadeed dareemaysid inaad raaxaysatay oo dareemayso inaad si haboon u gudanayso Hawlahaaga Maalinta xigta. 4- Waxaynu raacnaa in badan Caadooyinka Jidhkeenuna waa sidaas oo kale markaa caadayso inaad seexato oo kacdo Waqtiya cayiman xataa markaad ku jirto Fasaxa Todobaadkii,xataa hadii ay Dhibi kaa haysato taas seexato in aad ilaaliso in aad Waqtiya cayiman seexato oo kacdo waxay kugu celinaysaa Hurdadii Caafimaadka ahayd kana fogow inaad ku qaadato Fasaxaaga Todobaadkii dhamaantiis Hurdo waayo taasi waxay ka dhigaysaa Nidaamka Hurdadaada ee Maalinta Sabtida ah waxaan caadi inaba ahayn, arintan waxa kaa gargaraaya oo aad Badhaadhe labada Daaroodba ah iyo Hurda Caafimaad lehba aad ka helaysaa waa adiga oo ilaaliya inaad tukato Salaad walba Waqtigeeda oo Jamaacada cadaysto inaad la tukato. 5- ka fogow Caffeine ta ama yaray wax yaabaha laga helo sida Bunka,Chocolate ka iyo Shaaha waayo waxa suur gal ah in Caffeine tu ka dhigto wax adag inaad hesho Hurda degan markay Habeenkii tahay ama ugu yaraan uu ku gaadhsiiyo Hurda la'aan joogta ah, saamaynta ay ku yeelato Caffeine tu way ku kala gedisan tahay Dadka badankiisu waxa laga yaabaa in qaar ay saamaynta ay ku reebto Caffeine ta Koob Bun ah ama Jab Chocolate ahi ay la socoto muda gaadhaysa in ka badan Sideed Saacadood. 6- ka fogow wixii Isbiirta leh(Alchole), Dad badan baa waxay u malaynayaan in Sharaabkaas leh Isbiirtadu ay ku gargaraayso in ay seexdaan ama ay dareemaan Raaxo sida xaqiiqda ah se waxay sababtaa xasilooni daro Hurdada ah iyo Hurdada oo aad hadba ka kacdid marar badan. 7- Jooji cabista Sigaarka iyo wixii la mid ahba ee leh Maadada wax soo jeedisa ee Nicotine ka, Baadhitaano ayaa waxay muujiyeen in Dadka caba Sigaarku ay la il daran yihiin dhibaato ka haysata xaga Hurdada, cabista Sigaarkuna waxa suura gal ah inuu keeno Cadaadinta Dhiiga (Blood Pressure) oo kor u kaca iyo saamaynta uu ku reebi karo Wadnaha, han ilaabin khatarta ku sugan Xabad Sigaar ah oo aad shidato adoo Sariirta jiifa. 8-Ilaali waxaad cunayso iyo goorta aad wax cunaysoba, in aad cuntid Saami Cunta ah oo wayn wuxuu kaa yeelayaa in dareento Daal, isku dayga inaad hesho Qadar yar oo Hurda ah dabadiisana wuxuu noqon karaa arin aad u Wareer ah waayo Jidhku Waqtigaas wuxuu noqonayaa inuu ku mashquulsan yahay raqdinta Kimiyadahaa badan ee cuntada ah oo hada cuntay, dhinaca kale inaad Sariirta aado adiga oo dareemaaya Gaajo ma ay wanaagsana sidaas darteed ka dhig wax yar Saamigaaga Cuntada ah ee Gelinka dambe waana inuu lahaadaa wuxuun Proteine ah si aad isaga ilaaliso Gaajada markaa ka dib, hadiina ay tahay laabud inaad wax cunto inta aanad Hurda tegin waxa lagama maarmaan ah inuu noqodo ugu yaraan Laba Saacadood ka hor intaadan Hurda tegin Cuntadaasuna lahaato Carbohyderates sidoo kale Caanaha diiran iyaguna aad ayay muhiim u yihiin, waxa kale oo haboon inaad ka fogaato Cuntada Dufanku ku badan yahay iyo tan leh Xawaashka badan iyo Thoomta xad dhaafka ah waayo kuwaas waxay keenayaan inay adkayaan raqdinta cuntada iyo Acidity Xiidmaha ah. 9- Inaad ku kacdo Ciyaaro Jimicsi ah si joogta ah Waqtiga ku haboon taas waxaa suura gal ah inay kaa gargaarto in badan in aad u seexato si sahlan oo wanaagsan, Ciyaaraha Jimicsiga ee aad samayso Waqti dambe oo Duhurkii ah ama goor hore oo Galabnimada ah waxay uga waxtar badan tahay inaad hesho Hurda wanaagsan Jimicsiyada aad samaysid Aroortii ama goor dambe oo Galabnimadii ah. 10- Iska hubi nadaafada Qolkaaga iyo inay Sariirtaadu ka madhan tahay ama ka feyowdahay wax Xasharaad ah waayo nadaafad la'aanta Sariirta iyo inay Xasharaad leedahay waxay ka dhigaysaa inaad hesho Hurdo wax dhib badan sidoo kale iska hubso ma ka jiraa halkaa Buuq cod dhaadheer ah Habeenkii? iyo ma kaaga soo gelaayaa Laydh ama Iftiin kale Daaqadaha iyo Albaabada? miyuu Qolku u diiran yahay si xad dhaaf ah? ma Caruur ama Xayawaano Murabi ah baa Hurdada kaa kiciya Habeenkii? Wareerada noocan ah oo ay Bii'adu leedahay waxa suura gal ah in aan bedelo oo tusaale ahaan waxa suura gal inoo ah inaan gashano waxyaabaha Indhaha lagu qariyo oo kaa ilaaliya iftiinka Habeenkii ama inaad Daahyo ku xidhid dhamaan Daqadaha Qolka ama Gurigaba. Waxay tahay Mushkilada Dad badan haysataa gaar ahaan kuwaa la il daran Hurda yarida ama Hurdada aan nadaamsanayn inay kaga imanayso kuwa ay Sariirta la wadaagaan, hadii uu kaad Sariirta wadaagtaan la il daran yahay Hurda la'aan iyo Khuuro ama uu leeyahay caada taas la mid ah waxay taasu saamaynaysaa Hurdadaada, markaa waxa lagama maarmaan ah inaad arintaa dib u eegto oo aad kala falanqooto arimahan cidaad Sariirta wadaagtaan ama Qolka si aad uga badbaadaan is faham la'aan aadna ugu heshaan Xal ku haboon arintan oo ay ka mid noqon karto inaad kala seexataan Sariiro ama Qolal kala gaar ah. Xikmad baa waxay tidhaahdaa ha waydiin Dhakhtarka ee waydii Mujaribka dabcan tan wax walba kuma dabiqi karo in la waydiiyo wax walba oo loo tago Dhakhtarkana waa waajib in taladiisa la qaataana waa waajib waayo isaga ayaa Aqoon u leh Xanuunada iyo daawayntooda oo waxa laga yaabaa in Daawo Qof kale ku bogsaday aanay adiga kugu haboonayn amaba ay wax ku yeelayso, taasna Dhakhtarka oo keli ah baa garan kara. laakiin waxa jirta marmar aan dabaqi karo sida tan soo socata oo kale: Waana mid aan khibrad u leeyahay anigu oo isoo martay waxayna tahay Waqti sii horeeyay oo aanay Islaamnimadaydu fiicnayn Allaah ha iga cafiyo ee baan waxaan ku ibtilaysnaa sida Soomaali badani hada ugu ibtilaysan tahay ruugista Bahalka la yidhaahdo Qaadka, si xun baan u ruugi jiray Waqtigaas waxay aad dhibi iiga haysan jirtay Hurdada oo aanan Hurda fiican seexan jirin. Markii aan isagii iska daayayna waxan ku bedelay soo jeed iyo in aan daawado TV ga Hurda xumadiina way igaga sii dartay runtii maan seexan jirin Hurda la sheego markaan hada xusuustona waxan la yaabaa sidaan u noolaa, si kastaba ha ahaatee waxa Hurda caafimaad leh oo nadaamsan iigu horaysa Maalintaan bilaabay in aan ilaaliyo oo Salaada ku tukado Waqtigeeda Jamaacadana la tukado runtii taas baanaku filan in ay dhamayso Dhibaatooyinka kaa haysta Hurdada oo dhan. Wabillaahi atowfiiq Waxaa ururiyay oo diyaariyay: Maessa Asalafi Inshaa Allaah