Hoo Dawada cudurrada dhan !
Ma rabtaa Daawada haddii aad isticmaasho aan
wax cudur ah kugu dhacayn, haddii aad hadda
qabtana ka raysanayso ilaahey idankiis, aanna
hal shilin oo lacag ah kaaga baxayn weligaa ?

Q.1aad

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan salaad duhur u soo galay masjid-Saada oo ku yaalla
magaalada Jabuuti, markii aan sunnaystay ayaa dhegtaydu waxa ay ku dhacday sheekh
aqrinayey kitaabka cilmu-ddibbiga ama dawayntii suubbanaheenna swc ee dhirta fresh
ka ah iwm.

Markaa ayuu sheekhu wuxuu ka sheekeeyey qisadan:

Nin Boqor ahaa ayaa wuxuu isugu wada yeeray dhammaan intii aadka u taqaannay
cilmu-ddibbiga iyo intii xikmadlayaasha ahaa, wuxuuna ka sii xushay 4 nin, wuxuuna ku
amray in uu nin walbaa sheego daawada aan cudur lahayn (macnaha dawada haddii la
isticmaalo cudurrada dhan daawo u noqonaysa), markaa raggii labadii nin ee kaalinta
kowaad isku ciriirisay  ayaa mid wuxuu yiri: Boqorow daawada aan cudur lahayni waa
adiga oo marka aad hurdada aroortii ka kacdid cabtid hal Litir oo biyo aan qaboobayn
(ama kuwa ay soomaalidu u taqaan biyaha tubbada), marka aad cabtidna aadan waxba
cunin lana seexan muddo hal saac ah, ninkii kale oo isagu sida muuqata tix-raacayey
xadiith kii suubbanaha ayaa yiri daawada aan cudurka lahayni waa adiga oo isticmaala Xabbatu
Sawdada iyo Shanfaxda ( iyo geed kale oo aan anigu hilmaamay ama aan markii garan waayey),
malaha ninka kale ee biyaha sheegay isaga riix ahaydaa iyo runtiis ahaydaa ma ogiye waxa uu ku
cilladeeyey in biyaha kululi ay dadka qaar dhibaato uga geysan karaan xagga kelyaha, mase hayno
biyo kulul ee waxa laga hadlayaa waa kuwa aan qaboobayn amaba aan la qabooyin ee dabiiciga ah.

Q.2aad

Nin aad u xoog badnaa aadna u joog iyo qurux badnaa oo 100 nin aanay ku dhiirran karin ayaa
maalintii dambe waxaa meel cidlo ah isaga oo aan hub sidan ka helay 200 oo fardooley ahaa,
markaay ayuu ka baxsaday si uu hub ugu doonto, iyagiina way raacdeeyeen, markaa sidii uu
marba buur iyo hawd ula gelayey ayaa markii uu yimid jafka gurigiisii ayumbuu intuu geed guriga
dhabarkiisa dambe ah istaagay uu sidii shimbir qoydey hoos u hundhursaday, markaa bay mar
qura fardoolaydii dul yimaadeen, markii ay dul yimaadeen un buu sidii ruux hurdo ka soo kacay
sare u eegay uuna arkay inuu dhexda uga jiro oo ay hareereeyeen.

Markaa waxay ku yiraahdeen ninyohow inta aynaan ku dilin waxan ku weydiinaynaa 5 arrimood
oo naga yaabiyey ee noo sheeg, waxayna kala yihiin waxad noo sheegtaa :-

1- Nooca aad Cuntada ka cunto.
2. Nooca aad Hilibka ka cunto.
3. Nooca aad Caanaha ka cabto.
4. Halka aad dhulka ka seexato.
6. iyo Annaga oo intaas ku qaban kari weyney markii aad gurigaagii timid oo ay ahayd in ay
   niyaddu kuu sii dhisanto oo aad hubkaagii la soo baxdo, sababta aad halkaas u istaagtay ?

Wuxuu ugu jawaabay:

1. Cuntada waxan ka cunaa midda diirran ee weligey ma cunin cunto qabow.
2. Hilibka waxan ka cunaa midka dubaaxinaya ee markaas la qalay ee weligay ma cunin mid ka horreeya.
3. Caanaha waxaan ka cabaa kuwa dhayda ah ee weligay ma cabin kuwo is beddeley.
4. Dhulka waxan ka seexdaa halka kaaniga ah ee diirran ee weligey ma seexan meel qabow.
5. Arrinta shanaad, waxan qabaa naag dhib badan, marka aan guriga ku soo dhawahay ayaan jafka guriga
    istaagaa si aan u dhegeysto bal in ay caawa faraxsantahay oo qoslayso oo sheekaynayso iyo in ay 
    xanaaqsantahay oo aan jiif ii oollin, markaa idinka dhanba waan idin illoobay oo iyadaa iiga kiin
    darrayd.

Markaa ayey fardoolaydii yiraahdeen war ninkan isagaaba dilan ee maxaan ka dilaynaa, taas oo ay ku
muujinayeen in nin naag dhibley ah qabaahi dil u dhimmanayn oo ay tahay in isaga loo garaabo oo wax
loo celiyo, laakiin ujeeddada aan qisadan u soo qaatay waa in uu qabowgu cudur yahay, kulaylkuna
caafimaad, sidaas darteed ay biyaha aan qaboobayn ee aroorta hore jirkaaga oo hurdo ka soo kacay
oo kulul ay daawo yihiin.

Q.3aad

Marqaatiga labaad ee biyo kama  dhibcaanka ah waa Axaadiith fara badan oo suubbanaheennu
1400 sano ka hor noo sheegay, balse aan fududaysannay oo ka door bidnay maahmaah iyo murti
oo aanaan laftooda toos ugu dhaqmin ee aan afka uun ka sheegno markii ay meesha ku habboonyihiin

Suubbanuhu csw waa tuu na yiri:


ما ملأ ابن آدم وعاءً شراً من بطن، بحسب امرئ أكلات يقمن صلبه، 
فإن كان لا محالة فثلث لطعامه وثلث لشرابه وثلث لنفسه


  • Ina Nabi Aadam weligi wax kama buuxin weel calooshiisa uga shar badan, wuxuu kaloo xadiithku tilmaamayaa in caloosha lugu shubo oo keliya intii dhabarkaagu ku toosi karo oo aadan baahi la kici wayneyn, haddii laga tegi waayo buu leeyahay xadiithku oo in aad loo cuno la rabo waa in 3 meel loo qaybiyaa qayb cunto ah iyo qayb biyo ah iyo qayb neefsiga loo daayo, Isku soo duube wuxuu xadiithku caddaynayaa in aan calool la buuxiyey cudur u dhimmanayn.
  • Seyd Cali rc wuxuu yiri: وعن علي كرم الله وجهه " لا تميتوا القلوب بكثرة الطعام والشراب فإن القلب يموت كالزرع إذا كثر عليه الماء ". Quluubtiinna mayd ha uga dhiginnina cunto iyo cabitaan, qalbigu wuxuu ugu dhintaa sida dhirtu ugu dhimato haddii ay biyuhu ku bataan
  • Maahmaahda carbeed ayaa waxa ay leedahay : المعدة بيت الداء، والحمية رأس الدواء Calooshu waa guriga cudurka, cunto u miisaankeeduna waa salka daawo oo dhan.
  • Axaadiith-ta Riix Halkan ama Halkan Riix
  • Faa'iidooyinka gaajada
  • Calooshoo qabowda iyo aashitada
  • Q.4aad markaa aniga oo qisadaas iyo kuwo fara badan ee dhaqanka soomaalidu dhigayo haystey ayaan waxan Internaetka ka aqriyey qormada uu qoray walaalkeen A/qani xasan Gadari, qormadaan oo si cad ugu marqaati kacaysa qisada kore, sidaas darteed ayaan goostay in aan idiin soo wada gudbiyo ee bal walaalahayga soomaaliyeedow yeysan idinka hoos bixin ee ka faa'iidaysta:- Biyaha oo la cabo Caloosha oo madhan waxay kaa ilaalisaa Xanuuno badan oo aan laga bogsan. Waxa ay noqotay wax caada ah Dalka Japan Maanta inay Dadku Biya badan cabaan si toos ah markay Hurdada ka kacaan Aroortii iyada oo ay Calooshoodu madhan tahay, taas oo ku timid iyada oo ay ogaatay Jamciyad Caafimaadka ku hawlan oo Dalkaas ahi Guusha ah in Biyaha lagu daawayno karo Xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar ah iyo sidoo kale kuwo meel Dhexaad ahba, daawayntanuna ay tahay mid lagu guulaysanayo 100% Xanuunada soo socda: Madax Wareerka, Xanuunka jidhka, Xanuunada Wadnaha, Infection ka Xaglaha, Darbadaha Xawliga Wadnaha, Suuxista, Buurida xad dhaafka ah, TP da, Xiiqda, Infection ka Mareenada, Meningitis ka, Xanuunka Kelyaha iyo Mareenka Kaadida, Hungaacada, Infection ka Caloosha, Shubanka, Bawaasiirta, Sonkoriga, Calool Fadhiga, dhamaan Xanuunada Indhaha, Xanuunada Ilmagaleenka, Kudka, dhibta Dhiiga Dumarka, Xanuunada Dhegaha iyo Sunka iyo Hungriga, Sida laysugu daawaynayo 1- Si deg deg ah markaad kacdo Aroortii intaadan cadayan cab Afar Koob oo Biya ah qiyaastii 160ml. 2- Dabadeedna cadayo oo Afkaaga nadiifi laakiin waxna ha cunin waxna ha cabin ilaa mudo 45 Daqiiqo ah. 3- Markay dhamaato 45 ka Daqiiqo sidii caadada kuu ahayd baad waxna u cuni kartaa una cabi kartaa waxaad doonto. 4- ka dib 15 Daqiiqo marka aad Quraacato iyo sidoo kale markaad Qadayso iyo markaad Cashaysoba waxba ha cunin hana cabin ilaa iyo mudo 2 Saacadood ah. 5- Xaga Dadka Da'da ah ama Bukaanka ah ee aan cabi karayn Afar Koob oo Biya ah ha cabeen marka hor Biyo yar dabadeedna talaaba talaabo ha u kordhiyeen ilaa ay gaadhsiiyaan Afar Koob Maalin kasta. 6- Asluubtan daawaynta ah ee aan kor ku cadaynay waxay ay bogsiinaysaa Bukaanka qaba Xanuunadaa aan soo sheegnay hadii Allaah tacaalaa u idmo, Dadka se aan qabin Xanuunadaa Allaah ha ka hayo oo ha siiyo Nolol Caafimaad ah oo wanaagsan Inshaa Allaah Tirada Maalmaha la qaadanaayo isdaawayntan Xanuun walba gaarkiisa: 1- Dhiig Karka Sareeya- 30 Maalmood 2- Xanuunada Caloosha iyo Dacarta- 10 Maalmood 3- Xanuunka Sonkoriga- 30 Maalmood 4- Calool Fadhiga- 10 Maalmood 5- Xanuunka Kudka- 180 Maalmood 6- Xanuunka TP da- 90 Maalmood 7- Bukaanka qaba Infection ka Xaglaha waxa ku waajib ah inay raacaan isdaawayntaa aan kor ku xusnay Todobaadka kowaad 3 Maalmood oo keli ah, dabadeedna Maalin walba wixii laga bilaabo Todobaadka labaad Hadaba Asluubtan isdaawaynta ah ee aan kor ku xusnay malaha wax Dhibaato ah oo Dhinac kale ah (side effect) iyada oo ay sidaas tahay baad bilowga waxad la kulmaysaa in aad marar badan Kaadido wax dhib ahna taas kuma jirto, waxana haboon inaan ku socono isdaawayntan oo aan ka dhigno waajib caado inoo ah Nolosheena Caadayso Cabida Biyaha si is daba joog ah oo ku noolow Caafimaad iyo Jidh bedqaba iyo Firfircoonaan alle idanki. waxay u muuqataa arintanu inay aad u Caqli gal tahay, Dadka China iyo Japan waxay ku cabaan Shaah kulul markay Cuntadooda cunayaan, markaa waxa laga yaabaa inuu Maanta Waqtigu ku haboon yahay in aan raacno Dariiqada Asluubtooda iyo Caadaadkooda ay u cunaan Cuntada!!! waxba kuma khasaaraysid bal waxbaad ka kasban Xaga Dadka jecel in ay cabaan Biya qabow fadlan u fiirsada hadalkan soo socda: Waxa uu noqon karaa wax macaan inuu Qofku cabo Koob Biya ah qabow ka dib ama laboba markuu wax cuno si kastabana arintu ha ahaatee Biyaha qaboobi waxay fadhiisiyaan oo ay ka dhigaan Solid is haysta Maadooyinka Saliida ahaa ee aad hada cuntay, waxayna gaabis ka dhigtaa arinta raqidinta, marka uu la kulmo Acid ka ay Calooshu soo daynaysona wuu jajabaa oo googo'aa waxana nuugaaya Xiidmaha si ka dheersa sida ay u nuugaan Cuntada solid ka ah ee kale, dabadeena waxay fadhiisanayaan Xiidmaha mudo yar ka dibna waxay isu bedelayaan Dufan waxayna horseedaysaa taasu oo keeni karta Cudurka Kudka (Cancer) Allaah haynaga hayee, markaa waxaa haboon inaad cabto Shurbad kulul ama Biyo Diiran markaa wax cunto ka dib. www.aamaguul.com