Ma rabtaa Daawada haddii aad isticmaasho aan
wax cudur ah kugu dhacayn, haddii aad hadda
qabtana ka raysanayso ilaahey idankiis, aanna
hal shilin oo lacag ah kaaga baxayn weligaa ?

Q.1aad


{ قال تعالى: { وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاء كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ 


Waxan cilmiga sayniska ku haynaa in Adduunkan aynu dushiisa ku noolnahay uu
71% biyo yahay  Bad iyo Webi tii uu doono ha ahaadee, 29% soo harayna uu Berri
yahay oo aadanaha iyo xayawaanno kaleba ku noolyihiin.

Waxaa taas la mid ah oo Saynisku ogaaday in jirkeenna 71% uu biyo yahay, 29% soo
harayna uu lafo iyo xididdo iwm ka koobanyahay, halkaa waxaannu si toos ah uga arki
karnaa mucjizada iyo awoodda rabbi ee abuurka khalqigiisu u muujinayo ciddii ku cibro
qaadanaysa ee aan ibliis dhegaha iyo indhaha ka xirin.

Dadka qaar ayaa ku wareeray aayadda oo sheegaysa in wax walba biyo laga abuuray
taas oo micnuhu ula muuqday in ay wax walba biyo ka koobanyihiin una baahanyihiin
haddana is weydiiyeen xayawaanka Kangaro la yiraahdo ee Ustralia ku nool in uusan
weligiis biyo cabin haddii lugu qasbo ee la cabsiiyana uu isla markiiba u geeriyoonayo,

laakiin waxaa jawaab fudud siiyey cilmiga sayniska aadanuhu bartay maadaama ay
biyuhu ka koobanyihiin Ogsajiin iyo Hydrogen, xayawaankaasina ugama maarmo
dhef-shiidkiisa cunsurka Hydrogen, Oxygen kana ugama maarmo neefsashadiisa,
markaa si toos ah iyo si dadban ayuu biyo uga koobanyahay uguna baahanyahay.

                                       ****************

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan salaad duhur u soo galay masjid-Saada oo ku yaalla
magaalada Jabuuti, markii aan sunnaystay ayaa dhegtaydu waxa ay ku dhacday sheekh
aqrinayey kitaabka cilmu-ddibbiga ama dawayntii suubbanaheenna swc ee dhirta fresh
ka ah iwm.

Markaa ayuu sheekhu wuxuu ka sheekeeyey qisadan:

Nin Boqor ahaa ayaa wuxuu isugu wada yeeray dhammaan intii aadka u taqaannay
cilmu-ddibbiga iyo intii xikmadlayaasha ahaa, wuxuuna ka sii xushay 4 nin, wuxuuna ku
amray in uu nin walbaa sheego daawada aan cudur lahayn (macnaha dawada haddii la
isticmaalo cudurrada dhan daawo u noqonaysa), markaa raggii labadii nin ee kaalinta
kowaad isku ciriirisay  ayaa mid wuxuu yiri: Boqorow daawada aan cudur lahayni waa
adiga oo marka aad hurdada aroortii ka kacdid cabtid hal Litir oo biyo aan qaboobayn
(ama kuwa ay soomaalidu u taqaan biyaha tubbada), marka aad cabtidna aadan waxba
cunin lana seexan muddo hal saac ah, ninkii kale oo isagu sida muuqata tix-raacayey
xadiith kii suubbanaha ayaa yiri daawada aan cudurka lahayni waa adiga oo isticmaala Xabbatu
Sawdada iyo Shanfaxda ( iyo geed kale oo aan anigu hilmaamay ama aan markii garan waayey),
malaha ninka kale ee biyaha sheegay isaga riix ahaydaa iyo runtiis ahaydaa ma ogiye waxa uu ku
cilladeeyey in biyaha kululi ay dadka qaar dhibaato uga geysan karaan xagga kelyaha, mase hayno
biyo kulul ee waxa laga hadlayaa waa kuwa aan qaboobayn amaba aan la qabooyin ee dabiiciga ah.

Q.2aad

Marqaatiga labaad ee biyo kama  dhibcaanka ah waa Axaadiith fara badan oo suubbanaheennu
1400 sano ka hor noo sheegay, balse aan fududaysannay oo ka door bidnay maahmaah iyo murti
oo aanaan laftooda toos ugu dhaqmin ee aan afka uun ka sheegno markii ay meesha ku habboonyihiin

Suubbanuhu csw waa tuu na yiri:

ما ملأ ابن آدم وعاءً شراً من بطن، بحسب امرئ أكلات يقمن صلبه، فإن كان لا محالة فثلث لطعامه وثلث لشرابه وثلث لنفسه

  • Ina Nabi Aadam weligi wax kama buuxin weel calooshiisa uga shar badan, wuxuu kaloo xadiithku tilmaamayaa in caloosha lugu shubo oo keliya intii dhabarkaagu ku toosi karo oo aadan baahi la kici wayneyn, haddii laga tegi waayo buu leeyahay xadiithku oo in aad loo cuno la rabo waa in 3 meel loo qaybiyaa qayb cunto ah iyo qayb biyo ah iyo qayb neefsiga loo daayo, Isku soo duube wuxuu xadiithku caddaynayaa in aan calool la buuxiyey cudur u dhimmanayn.
  • Seyd Cali rc wuxuu yiri: وعن علي كرم الله وجهه " لا تميتوا القلوب بكثرة الطعام والشراب فإن القلب يموت كالزرع إذا كثر عليه الماء ". Quluubtiinna mayd ha uga dhiginnina cunto iyo cabitaan, qalbigu wuxuu ugu dhintaa sida dhirtu ugu dhimato haddii ay biyuhu ku bataan
  • Maahmaahda carbeed ayaa waxa ay leedahay : المعدة بيت الداء، والحمية رأس الدواء Calooshu waa guriga cudurka, cunto u miisaankeeduna waa salka daawo oo dhan.
  • Axaadiith-ta Riix Halkan ama Halkan Riix
  • Faa'iidooyinka gaajada
  • Calooshoo qabowda iyo aashitada
  • Q.3aad markaa aniga oo qisadaas iyo kuwo fara badan ee dhaqanka soomaalidu dhigayo haystey ayaan waxan Internaetka ka aqriyey qormada uu qoray walaalkeen A/qani xasan Gadari, qormadaan oo si cad ugu marqaati kacaysa qisada kore, sidaas darteed ayaan goostay in aan idiin soo wada gudbiyo ee bal walaalahayga soomaaliyeedow yeysan idinka hoos bixin ee ka faa'iidaysta:- Biyaha oo la cabo Caloosha oo madhan waxay kaa ilaalisaa Xanuuno badan oo aan laga bogsan. Waxa ay noqotay wax caada ah Dalka Japan Maanta inay Dadku Biya badan cabaan si toos ah markay Hurdada ka kacaan Aroortii iyada oo ay Calooshoodu madhan tahay, taas oo ku timid iyada oo ay ogaatay Jamciyad Caafimaadka ku hawlan oo Dalkaas ahi Guusha ah in Biyaha lagu daawayno karo Xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar ah iyo sidoo kale kuwo meel Dhexaad ahba, daawayntanuna ay tahay mid lagu guulaysanayo 100% Xanuunada soo socda: Madax Wareerka, Xanuunka jidhka, Xanuunada Wadnaha, Infection ka Xaglaha, Darbadaha Xawliga Wadnaha, Suuxista, Buurida xad dhaafka ah, TP da, Xiiqda, Infection ka Mareenada, Meningitis ka, Xanuunka Kelyaha iyo Mareenka Kaadida, Hungaacada, Infection ka Caloosha, Shubanka, Bawaasiirta, Sonkoriga, Calool Fadhiga, dhamaan Xanuunada Indhaha, Xanuunada Ilmagaleenka, Kudka, dhibta Dhiiga Dumarka, Xanuunada Dhegaha iyo Sunka iyo Hungriga, Sida laysugu daawaynayo 1- Si deg deg ah markaad kacdo Aroortii intaadan cadayan cab Afar Koob oo Biya ah qiyaastii 160ml. 2- Dabadeedna cadayo oo Afkaaga nadiifi laakiin waxna ha cunin waxna ha cabin ilaa mudo 45 Daqiiqo ah. 3- Markay dhamaato 45 ka Daqiiqo sidii caadada kuu ahayd baad waxna u cuni kartaa una cabi kartaa waxaad doonto. 4- ka dib 15 Daqiiqo marka aad Quraacato iyo sidoo kale markaad Qadayso iyo markaad Cashaysoba waxba ha cunin hana cabin ilaa iyo mudo 2 Saacadood ah. 5- Xaga Dadka Da'da ah ama Bukaanka ah ee aan cabi karayn Afar Koob oo Biya ah ha cabeen marka hor Biyo yar dabadeedna talaaba talaabo ha u kordhiyeen ilaa ay gaadhsiiyaan Afar Koob Maalin kasta. 6- Asluubtan daawaynta ah ee aan kor ku cadaynay waxay ay bogsiinaysaa Bukaanka qaba Xanuunadaa aan soo sheegnay hadii Allaah tacaalaa u idmo, Dadka se aan qabin Xanuunadaa Allaah ha ka hayo oo ha siiyo Nolol Caafimaad ah oo wanaagsan Inshaa Allaah Tirada Maalmaha la qaadanaayo isdaawayntan Xanuun walba gaarkiisa: 1- Dhiig Karka Sareeya- 30 Maalmood 2- Xanuunada Caloosha iyo Dacarta- 10 Maalmood 3- Xanuunka Sonkoriga- 30 Maalmood 4- Calool Fadhiga- 10 Maalmood 5- Xanuunka Kudka- 180 Maalmood 6- Xanuunka TP da- 90 Maalmood 7- Bukaanka qaba Infection ka Xaglaha waxa ku waajib ah inay raacaan isdaawayntaa aan kor ku xusnay Todobaadka kowaad 3 Maalmood oo keli ah, dabadeedna Maalin walba wixii laga bilaabo Todobaadka labaad Hadaba Asluubtan isdaawaynta ah ee aan kor ku xusnay malaha wax Dhibaato ah oo Dhinac kale ah (side effect) iyada oo ay sidaas tahay baad bilowga waxad la kulmaysaa in aad marar badan Kaadido wax dhib ahna taas kuma jirto, waxana haboon inaan ku socono isdaawayntan oo aan ka dhigno waajib caado inoo ah Nolosheena Caadayso Cabida Biyaha si is daba joog ah oo ku noolow Caafimaad iyo Jidh bedqaba iyo Firfircoonaan alle idanki. waxay u muuqataa arintanu inay aad u Caqli gal tahay, Dadka China iyo Japan waxay ku cabaan Shaah kulul markay Cuntadooda cunayaan, markaa waxa laga yaabaa inuu Maanta Waqtigu ku haboon yahay in aan raacno Dariiqada Asluubtooda iyo Caadaadkooda ay u cunaan Cuntada!!! waxba kuma khasaaraysid bal waxbaad ka kasban Xaga Dadka jecel in ay cabaan Biya qabow fadlan u fiirsada hadalkan soo socda: Waxa uu noqon karaa wax macaan inuu Qofku cabo Koob Biya ah qabow ka dib ama laboba markuu wax cuno si kastabana arintu ha ahaatee Biyaha qaboobi waxay fadhiisiyaan oo ay ka dhigaan Solid is haysta Maadooyinka Saliida ahaa ee aad hada cuntay, waxayna gaabis ka dhigtaa arinta raqidinta, marka uu la kulmo Acid ka ay Calooshu soo daynaysona wuu jajabaa oo googo'aa waxana nuugaaya Xiidmaha si ka dheersa sida ay u nuugaan Cuntada solid ka ah ee kale, dabadeena waxay fadhiisanayaan Xiidmaha mudo yar ka dibna waxay isu bedelayaan Dufan waxayna horseedaysaa taasu oo keeni karta Cudurka Kudka (Cancer) Allaah haynaga hayee, markaa waxaa haboon inaad cabto Shurbad kulul ama Biyo Diiran markaa wax cunto ka dib. www.aamaguul.com