Cudurka Wallaca Sheeko ku sabsan !
Nin ka sheekaynayey ayaa wuxuu yiri: Nin dhallinyaro ah oo aynu saaxiibbo nahay baa dhowr sannadood kahor iiga sheekeeyey dhibaato ka qabsatay wallaca gabar ay is qabeen, waxaanu hadalkiisa ku billaabay sidatan:

  Gabar baannu is jeclayn annaga oo weli dugsiga sare dhiganna. Kolkii aan waxbarashadii dhammeeyey ee aan shaqo billaabay baan gabadhii reerkeedii ka doontay, saa waa la ii diiday. Aniga iyo gabadhii waxaynu go'aansannay inaynu is guursanno, maadaama aan masruufan karo, waana is guursannay oo guri jacayl degnay.

Waxaynu subag iyo malab isu ahaannaba, dhawr bilood kaddib bay gabadhii la soo baxday dabeecad hor leh. Waxay billowday in ay sabab iyo sabab la'aanba iska kay caydo, qoladayda caydo, quruxdeyda caydo, shaqadeyda caydo!. Ay indhaha i saaraysaba intay shaqadii ay haysey faraha ka qaaddo bay cay af-labadii iila soo fariisataa.

Waxaan go'aan ku gaaray in aan ka dhuunto, oo habeenkiina imaado iyada oo hurudda, subaxdiina aroor hore ka dheelmado amaba meela kale soo seexdo. Saa way i raadisaa, wax kale maaha eh si ay ii caaydo keliya oo karaamadayda dhulka ugu masaxdo, anna waan ka cararaa. Maalintii dambe ayey iga-kor-timid anigoo rag saaxiibbaday ah dhex fadhiya. Markay wixii cay dunida jiray soo afuuftay bay 'ifur' ku soo af-jartay, anna illeyn dulqaad shalay baaba iigu dambeysaye, saddexdeedii baan dusha ka saaray aniga oo aan u sarrifin. Saa kelmad dambe ma ayan orane way iska dhaqaaqday.

Gurigii baan saacado kaddib tegey, si wixii aan duunyo lahaa uga qaato iyadana reerkeedii ugu diro.

- War nacas yahaw wallac baan ahaye maxaad iigu dulqaadan weyday!!!.

Intaa markay tiri baan sidii nin baraf ku da'ay gebigay qarqaray. Waa ubad kii iigu horreeyey, waa gabadhaan dumar oo dhan ka doortay oon weliba reerkeedii isku dilnay, waa saddex dalqadood!!.

- Naa inkaar qabto, maxaad iigu sheegi weyday sidaa uma degdegeene!!.

Waa cudur daawa beelaye, halkii baa lagu kala dareeray. Gabadhii wiil bay dhashay imminka toban jir dhaafay, ha yeeshee taan dumaroo dhan ka doortay dib la isuguma soo noqon .

Haddaba sheekadan ugama sheekayneyn jacayl aan u qabo ka s heekaynteeda ee waxan uga sheekaynayey in ragga ila midka ahi ku dhicin qaladkii aan ku dhacay, sidii horeba loo yirina (cudurka oo waxa uu yahay la gartaa waa daweeyntiisa barkeed), haweeneyda ogsoon degganaan la'aanta ku soo korortay in ay ka dhalatay uur ay qaadday, waxay u dhaqantaa si aad uga wanaagsan tan aan garanayn meel looga yimid una haysata in uu cudur halis ahi hayo.

Waxaan shaki ku jirin in ogaanshahaasi uu ku dhiirri gelinayo in ay u dul qaadato uurka iyo dhibaatooyinkiisa, wax walibana u hurto hooyannimada ku soo fool leh.

Waxaa haddaba waajib ku ah bulshada ay ku dhex nooshahay oo uu ninkeedu ugu horreeyo inay ahmiyad siiyaan waxyaabaha ay jamanayso, una dul yeeshaan isbeddellada ku yimaada dabeecaddeeda, kana waantoobaan in ay ku jees-jeesaan wallaceeda.

Waa inay ku dadaalaan sidii ay haweeneydaasi miskiinta ah ugu tari lahaayeen wax allaale iyo wixii ay awooddoodu saamaxayso, ilaa iyo inta ay ka baxayso ciriiriga ay ku jirto uguna soo noqonayso xaaladdeedii caadiga ahayd.