Hoyataye Allow Hooyadey 18-12-2004

Kariimow hanuun kii lahoon 	hadimmo gaareynin
Keli hodon keligi hayste aan 	             lugula haamboorin
hadduu horin u hiishiyo hadduu 	uunka wada haysto
midaad hiiftay baan weligi helin 	wuxu u haaraaye

ma hargalo midaad hoojinood 	nolol ka haateehe
ma harqamo midaad haaban ood 	huub ka bixinayso!

Ma dulmidid hal khayrliyo midan  	diinta haramayne
qof kastana wuxuu halabsadaad 	hoorso oraneehe
welibana in heelaad tirtaa  		hore u dhaaftaaye.
………
……..
Aniguna halkaas baan ihiyo 	hebel sidiisaaye
ibliis bay hayoon haatan aan 	la herjedaayaahe
inu igu hiluu doonayaa 		waxay halaajaaye
anna sida nin beer haad ka galay 	maro u haataaya
hoyhoyda qayliyo car baan 		ku hurgufaayaaye.

Haddeer baan afeef hiishan oon 	hoolka sii dhigane
allow waxan hilmaamiyo waxaan 	khalad u soo hoorsho
helay inad cafee labada ood 	hooli ood tiriye
halgankaanse shaydaanka baas 	kula haliilaayo
halgaaddaan ku rido een holeen 	dhagax ku hoobaayo
haleeshii wadnaha oo la xoor 	waan ku haybsadaye

Waa hudur ibliis cadow ahoo 	hooro weyna ahe
kama haysto hibo tiisa iyo 		halo kuwiisaaye
ma arkayo halkuu joogo iyo 	muuqa haraggiise
isna haragga kaygiyo bal daa 	heegadaa sare e
himmogolobka dhiigguu hurdaa 	kuna hoyaadaaye.

Waxan hooska kiisiyo arkaa 	hootadiyo soorka
yaan ugu hujuumaa halkaan 	ugu hagaagaaye
amaan hiil u doontaa halkaan 	uga helaayaaye
hortaydaa wax joogoon arkeyn 	ina huruufaaya
maaro looma haayoo allaa 		lugu halleeyaaye.

Yaa haaddi haad loo kacaba 	hiil adaa gala e
oon hibada ruux haybiyaa 		kugu ahayn hawle
sacabbada anoo hoorsanoo 	sare u haataaya
yaan hoorka daadinoon ilmada 	hibitiqleynaaye
oon luqunta hoogaaminoon 	hebed ahaanaaye.

Sida ruux gu’yaal haajiroo       	waalli ku hadaafay
shimbiraha la heesaaya oo  	awdka ku abaaday
oo aan heddiyo kala aqoon       	waxa u hiillaaya
haamaan ka dhaanshaa hawiyo  	gebiyo haawaahe

haarahad arkaysiyo allow  		haraggan soo duubmay
oon dhidid u hooraayo oon    	una hinraagaayo                 

waxa saa harraad ii gelshiyo 	heenkan iga muuqda
oon arar u soo horay marshiyo	ereya hawraara
hooyaan galliinkeed ahoon 	kuuna hoos imide
iga yeel waxaan kaa hamoon	kaana haybsanayo!

Hooyo aaminood uumatood 	lugugu hayseynin
-
hambalyiyo carfuudiyo dhulkii	heer nageys degayey
noloshiyo hiddihi aabbeheed 	lama huraankiiya
dab-ku-dhabe habaaskii jiriyo 	boor hawada buuxsha
higlaygii jaleel beerahay 		haad ka dhicinaynsey
habeen dheelmad himamawgi ay	ariga hoobaydey
lebimaay hareerteedi iyo 		hubuqdi xaasweyne
haadaanti doloq iyo dhegliyo	meelo hagardaamo
oo hantaatiqeeyoo fartiyo 		suulku kala haaday
hanfigii warshubo oy darxumo	ugu hagoogeysey
oo biyaha laga haybsho oo 		jiro harraad weyni
oo fuusto laga hoorsho oo 		la isku haaraamo

omasooro lugu hoobtay ee 	looga haajirayna
hooyadey halkaas bey cidlada 	keli ku hootowday
oo adaa warkeed haaya oon 	lugu hor boodayne
unbuu malaga haadaahi yimid       	hiifta uga qaaday
way ka soo huleeshoo adaa	soo hayaamiyaye 

Hooyo aaminood uumatoon 	lugugu hayseynin
adduunyadi adoo soo hayoo 	soo habeynahayey
baad eebbe soo oofsatood 	soo hayaamidaye
allow soo hijrootoo adduun        	kala hadaafeene

allow kuu hilowdoo adey 		kuu hanweyntahaye
mana hayso ciday hoos tagtiyo 	hoysimaad kale e
hoyataye allow hooyadey 		hara jannaad seexi
oy raaxo huruddaa allow 		kana haraa daalki!

Hanfi bay ka soo haajirtiyo 		horor adduunyaade
hoobaan bislaatiyo alloow 		hohob cagaar weyn leh!

Hawlihii adduunkee allow 		muuqi harameeyey
har qabowleh hodonaan dhammaan   hoo dheh idankaaga!

Habrihii xantiyo duunyadey 	            shalay ka haareysey
hablo xuural caynoo allow 		sheeko halabsiiya! 

Anigana ducey ii hurtoy 		ii huleelidaye
inta aan hareeraha adduun 	             joogo hammadayga
iyo ubadka aad haaddi’ow 		hibada ii siiso
iyo ehelka kaygee halkiyo		aakhiraw hoyaaday
nugu hay halkii loo bogee 		huurka laga dhawray
oo nolol hagaagtiyo nasii 		caafimaad hanada
hadhowtana haleeshii naftaan 	hooyadood gacalo
iyo nabigi reer haashimee 		ina hoggaamaayey.!
.!